“Komishanka Doorashooyinku Waxay Ku Dhawaaqeen Waa Hadal La Iska Yidhi”

0
20

Hargeysa(Hubaal)- Xisbiga talada Somaliland haya ee Kulmiye, ayaa soo jeedinta Komishanka doorashada ee ku aadan in doorashooyinka la qabto 1-da June 2016 yahay hadal la iska yidhi. Waxa uu Kulmiye ku dooday in doorashada aan la qaban Karin ilaa xeerka golaha wakiilada lagu dooranayo la sameeyo.

jaamac shabeel

Gudoomiyaha Golaha dhexe ee Xisbiga Kulmiye oo Cayimaada doorashada  ka hadlay ayaa yidhi “Horta goormaa la yidhaahdaa Doorasho wakhtigaasay qabsoomaysaa? Taasaa u baahan in wax la iska waydiiyo  doorashada qabsoomaysa ee gudiga doorashooyinku ay cayimi karaan waa tee?. Dalka waxaa la isa saaray oo Guddoomiyaha Wakiiladdu isla doontay xeerna ku soo saaray in Doorashooyinka Madaxtooyada oo sharciyaddeedu  dhamaystiran tahay  iyo Doorashada Xildhibaanadda Wakiiladda in mar la wada qabto  taasina waxay meesha ka saaraysaa in la ogaado goorta ay doorashooyinkaa isa saarani dalka  ka qabsoomayaan, sababtoo ah doorashada wakiilada wali xeerkeedii lama samayn saami qaybsigii goboladu u heli  lahaayeen mudanayaasha wakiiladana laguma heshiin  waxaana la iskama odhan illaa xeerkii wakiiladda  lagu soo dooran lahaa la sameeyo oo goboladu saami qaybsi la isku ogyahay oo la isla qaatay lagu heshiiyana, doorasho qabsoomaysaa ma jirto. Markaa Komishanka Doorashooyinku waxay ku dhawaaqeen  waa hadal  la iska yidhi sababtoo ah Gudigga doorashooyinku xeer dejin maaha ee waxay qaban karaan oo kaliya doorasho xeer jideeyay,”

Mudane Jaamac Shabeel waxa uu dhaliilay Golaha wakiilada oo uu ku dooday inaanay xilka sii hayn karrin  “labada doorasho waxaa isa sudhay oo isla doontay shir guddoonka Wakiiladda, gaar ahaan Guddoomiye Cirro oo Madaxwaynaha u gudbiyay in labada doorasho mar dalka ka wada qabsoomaan Madaxwaynuhuna wuu meel mariyay markaa intaan xeerkaa wakiilada lagu soo dooranayo la samayn doorasho  la garan karo wakhtigay qabsoomaysaa ma irto. Waxaa jirtay in xeerkii hore ee lagu soo doortay mudanayaasha wakiiladu in  uu ahaa kumeel gaadh laguna heshiiyay in aan mar dambe lagu galin, xeerka doorashadoodana ay soo saaraan wakiiladu iyaguna toban sanno ayay joogeen wax ay sameeyeenna ma jirto  mana sii joogi karaan.”

Jaamac Shabeel  Oo Wargeyska Dawladda la hadlay ayaa sheegaya in Xukumadda iyo Xisbigeedu Diyaar u yihiin doorashada  “Anagu diyaar ayaanu u nahay saacadda xeerkaasi soo dhammaado ee laga heshiiyo la iskuna raaco in aanu doorasho qabano. Kalsoonina waanu isku qabnaa sabab aanu doorasho uga baqanaana ma jirto.”

Ugu dambayn waxaa uu ka hadlay  Jaamac Shabeel  waxa looga gudbayo haddii xeerka doorashada mudanayaasha Wakiilada mudadaa lagu soo dhamayn waayo. “haddii xeerkaasi golaha ka soo bixi waayo   waa la iskaga iman doonaa oo talo qaran,ayaa laga yeelan doonaa wixii kale ee lagu heshiiyana waa looga gudbayaa.”

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here