W/Q: Yusuuf Cabdillaahi Cali (Yuusuf Cadde)
Jamhuuriyadda barakaysan ee Somaliland waxa si ilbaxnimo iyo dul qaad badan leh uga socda ololaha doorashada madaxtinimada oo dalal badan oo Afrika iyo dunida saddexaad ahiba casharro ka baran karaan.
Waa dal xamaasadda siyaasaddu in kasta oo ay cirka isku shareerto aan hadal iyo erayo wax dhaafsiisan la isyeelin. Waa arin ay daawadaan dadka dimuqraadiyadda mudooyinka dheer ku soo dhaqmayey.
Hadaba waxa muhiim ah in sidaa ay wax u socdaan si ka sii fiican loo sii hanqal taago oo doorashooyinka dame noqdaan khaladaadka tan laga bartay kuwo lagaga baydho.
Waxa se muhiim ah in muwaadin kastaa aragtidiisa si hufan oo aan turxaan lahayn u cabiro, ha ahaato taageero xisbi ama dhaliisha xisbi kale oo aanu taageersanayn. Waa lagama maarnmaan in dhaliishu noqto mid ku qotonta abbaarta eedda falka ee aan ahayn mid faduulisa shakhsi.
Aniga oo ka duulaya arintaa, ayaan doonayaa in aan hal ka idhaa dhaliil ii muuqata oo xisbi ka mid ah kuwa qaranka ee muddakarka ah isaga la quman. Waa xisbiga qaran ee Waddani.
Waxaan ku ladhayaa oo dhaliishaa la qaba Gudiga Doorashooyinka Qaranka iyo Shirkadaha Isgaadhsiinta dalka!
Dhaliisha aan hayaa hadaba waa maxay? Waa tane bal hadda ila eeg.
Xisbiga Waddani waxa uu sheegay in uu olole casri ah wado oo uu shacabka reer Somaliland ee kaadhadhka codbixinta haysta telefoonadooda gaarka ah kala xidhiidhayo oo uu codkooda waydiisanayo in ay ku taageeraan xisbiga. Waa olole casri ah oo hadii uu bilaa turxaanyahay qurux badan, hal baan se ka qabaa!
Waa su’aale xisbiga sidee ayay ugu suurto gashay in uu helo dhamaan codbixiyeyaasha is diiwaan geliyey lambarradooda telefoonada? Ma Gudiga Doorashooyinka Qaranka ayaa siiyey xogtaa xisbigaa keligii? Mise dhamaan xisbiyada waa la wada siiyey oo Waddani ayaa ilbaxnimadan keenay ay ilduufeen xisbiyada kale? Waa su’aalo u baahan in ay Waddani iyo Gudiga Doorashooyinku inaga jaahil tiraan.
Mid kalena waa wax dhici kara oo ah khiyaamo iyo ku xad gudub xuquuqda muwaadinka ah oo ay ku kaceen shirkadaha isgaadhsiinta ee la shaqaynayey Komishanka oo lambarrrada codbixiyeyaasha is diiwaan geliyey sifo xaaraan ah oo sharciga dalka iyo qiyamka aadamenimadaba ka baxsan ku siiyey xisbiga Waddani. Su’aal baana daba taal oo ah, Waddani iyo shirkadahaa maxaa ka dhaxayn kara?
Waa wax dunida ka dhaca in shirkadaha waaweyni marka ay doorasho wadan ka dhacayso ay musharaxiinta qaarkood taageero maaliyadeed siiyaan iyaga oo rumaysan in siyaasadaha musharaxaasi dan u yihiin ganacsigooda. Hadaba shirkadaha Somaliland ee sifaha xaaraanta ah ku bixiyey xogta muwaadinka codbixiyeha ah iyo Waddani waxa ka dhexayn karaa waxa uu u eg yahay laba arimood; waa ta koobaade in musharaxa xisbiga Waddani iyo siyaasadda xisbigaasi tahay mid u nugul oo u hogaansan muruqa maaliyadeed ee shirkadahaas oo doonaya in aan cid la xisaabtantaa ku soo bixin oo ay weligoodba dhiiga dadweynaha jaqaan iyaga oo aan bixinayn cashuurta ku waajibtay ee qaranku ku leeyahay. Qiyam ahaan waa arin xaaraan ah oo aan Macatabiya iyo Maxamadiya toona ogalayn. Waxa se la yaab leh ragga shirkadahaas lihi in ay wajiyadu madaw yihiin oo aad fooddooda moodo shaf geel oo sujuuddu u yeeshay. Maxay taraysaa hadaba salaad iyo cibaado aan qirayn xuquuqda dalka iyo miskiinka muwaadinka ah, muuqa diineed iyo magaca Alleh ma in masaakiinta lagu feentaa? Mooyi!
Ta labaad, waxa suurto gal ah in xisbiga Waddani iyo siyaasadihiisu yihiin kuwo u nugul isku furfurnaanta wixii la odhan jiray Jamhuuriyaddii Soomaaliya oo siyaasadda Islaam ku gabbadka ah ee wadaadada isgaadhsiinta ka ganacsadaa food saaraha u yihiin aaminsan. Waddani ma ka dhab baa oo waxa iyaga iyo nimankaa aan hungurigoodu xuduuda qaranimo iyo qaddiyada ummadan dafirsan ayuu la ollog yahay oo waxa uu rumaysanyahay oo isna ka dhab ah siyaasadda isku soo celinta bakhtigii waa hore carradu cuntay ee Soomaaliya?!
Waddani, waa xisbi mucaarad ah, mana ay qurux badnayn kursi doon in uu imaanka ka qaado oo uu ummaddii uu doonayey in uu hogaanka u qabto durba u caddeeyo in aanu ixtiraamayn dhawrsanaanta xogtooda shakhsiga ah. Maanta oo uu baryootamayo oo cod doonayo hadii uu gacan saarkaa uu la leeyahay gadh-dheerta shirkadaha isgaadhsiinta ku basaasayo muwaadiniinta saw hadiiba uu hogaanka qabto kama suurtowdo in uu qof kasta telefoonkiisa basaaso oo kii uu doono ba xabsiga dhigo.
Waddani muxuu ku macnayn karayaa ee uu kaga shaafiyayaa shacabka reer Somaliland ee is waydiinaya sababta iyada oo aan loo fasaxin uu basaasnimadaa sharci darrada ah ku soo helay xogta dhawrsan ee muwaadinka ee sharcigu xaq dhawrkeeda ka dhigay arrin aad u culus.
Gudigii Doorashooyinka Qaranku miyuu ka baxay dhexdhexaadnimadii uu ugu garsoori lahaa saddexda xisbig qaran, muxuu uga hadli waayey tallaabadan foosha xun ee xaaraanta ah ee Waddani ololaha ku sheegay? Sidee lagu aamini karaa Komishanka hadii uu xogta muwaadinka cod bixiyahaha ah siiyey xisbi keli ah? Ha caddeeeyo Komishanku halkaa dhaliisha kaga soo baxday waxa uu ku difaacayo!
Shirkadaha isgaadhsiinta laftooda far baa ku godan, waxay muujiyeen in aanay u qalmin in muwaadiniintu aaminaan oo ay xogtoodu ku asturnaan karto kaydadka elektaroonigga ah ee shirkadahaas.
Nasiib wanaag waxa se jira fursad muwaadinku haysto oo ah in uu ogaado shirkadda uu telefoonadeeda isticmaalo ee iyada oo aan waxba weydiin xogtiisii iyo lambarkiisii ku wareejisay dad aanu u ogolayn. Shirkadaha aad
Kow ha la tiigsadeen sharciga dalka u yaal oo maxkamadaha ha ka dacweeyaan. Marka labaad na shirkadda waxaa ku sifowday ee lambarkeeda aad sidato ee Waddani siisay xogtaada adiga oon u fasaxin, ha aaminin ee tuur telefoonkeeda oo kuwo kale oo xalaal ah baa dalka ka jiree kuwaa u wareeg. Ciqaab ugu filan iyaga adigana xogtaada mar dambe la xadi maayo adiga oo moog oo kuwii aad ku aamintay dib kuu xadi maayaan.
Shirkadda aad telefoonkeeda sidato ee Waddani siisay lamabarkaaga la xisaabtan muwaadin, oo qaaddacaad ku ciqaab.