Hargeysa (Hubaal):- Guddiga doorashooyinka Somaliland, ayaa Maxkamadda Sare u gudbiyey Natiijada doorashadii Madaxtooyada ee Somaliland ka qabsoontay 13-kii bishan oo ay si ku-meel-gaadh ah ugu dhawaaqeen sida Sharcigu dhigayo 21-kii bishan November 2017-ka, taas oo ay sheegeen inuu ku guulaystay Madaxweynaha shanaad ee Somaliland oo noqday Muuse Biixi Cabdi, halka Ku-xigeenkiisuna noqday Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici) oo isagu mar labaad dib ugu guulaystay.
Haddaba, sida uu Sharciga doorashooyinka Somaliland dhigayo, Guddiga doorashooyinka Qaranka ayaa xaq u leh inay ku dhawaaqaan Natiijada hor-dhaca ah ama Ku-meel-gaadhka ah ee doorashooyinka la qabto, halka ay Maxkamadda Sare ee Dastuuriga ahi Sharci u leedahay inay ku dhawaaqdo Natiijada kama-dambaysta ah ee doorashada, ayaa shalay la gaadhsiiyey Natiijadaas oo ay ku soo saari doonto muddo toddoba maalmood gudohood ah, maaddaama oo aanay wax Dacwad ah oo wakhtigan Natiijada ka dhan ahi Maxkamadda la geynin.
Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Aadan Xaaji Cali, ayaa Laanta Afka Soomaaliga ee Idaacadda BBC-da u xaqiijiyey inay Guddiga doorashooyinku Sabtidii shalay u gudbiyeen Maxkamad ahaan Natiijada hordhaca ah ee doorashadii Madaxtooyada, taas oo uu sheegay inay muddo toddobo Cisho ah Maxkamadda Sare ku soo saari doonto, sida Dastuurka ku cad, waxaanay Natiijada Rasmiga ahi noqon doontaa ta ay Maxkamaddu soo saarto.
Madaxweynaha la doortay ee Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo ah Madaxweynihii shanaad ee Somaliland, ayaa lagu wadaa inuu Xilka kala wareego Madaxweynaha shaqada ka tegaya Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), markaas oo la filayo inuu Maalin ka dib soo dhisi doono Golaha Xukuumaddiisa cusub oo hadda ah hadal-haynta ugu badan ee Bulshada dhexdeeda, iyaga oo Dadku Baraha Bulshada iyo Goobaha kale ee lagu kulmaba isku weydiinaya Xubnaha ka midka noqonaya Golaha Wasiirrada ee uu Madaxweynaha la doortay soo dhisi doono iyo weliba kuwa la filayo inay mar labaad ku soo noqdaan Xilalka Wasiirnimo ee Xukuumadda wakhtigeedu dhammaaday ka midka ahaa, oo Dadka qaar Xubno ka mid ah saadaalinayaan soo noqoshadooda.
Xigasho Wargeyska Ogaal