Komishanka Oo Shaaciyey Diyaarinta Doorashada Madaxtooyada, Qalab Soo Gaadhay & Dareenka Xisbiyada

0
35

komiishanka

Hargeysa (Hubaal):- Guddiga doorashooyinka Somaliland, ayaa shaaca ka qaaday inuu dhawaan soo gaadhay Qalab kala duwan oo ka mid ah kuwa lagu Daabici doono Kaadhadhka Codbixinta doorashada, isla markaana bilaha soo socda la wada gaadhsiin doono Dadka laga diiwaangeliyey sannadkan gobollada iyo degmooyinka Somaliland si ay ugu codeeyaan maalinta doorashada.  Doorashada Madaxtooyada Somaliland, ayaa u muddaysan 28-ka bisha saddexaad ee sannadka 2017-ka oo muddo afar bilood oo maalmo dhiman ahi ka hadhsan yihiin. Sidaa daraaddeed, waxay Guddiga doorashooyinku sheegeen inay diyaarinayaan hawlihii lagu hirgelinayey doorashada Madaxtooyada wakhtigeeda, isla markaana ay bilaabayaan tabobbarka Shaqaalaha ka hawlgeli doona goobaha doorashooyinka ee dalka oo dhan. Kulan ay Khamiistii shalay xaruntooda magalaada Hargeysa ku qabteen Guddiga doorashooyinka oo ay sidoo kale goob-joog ka ahaayeen Masuuliyiin ka kala socday saddexda Xisbi ee Kulmiye, Waddani iyo UCID, waxay ku soo bandhigeen Qalabka cusub ee soo gaadhay, waxaanay kaga warbixiyeen sida hawshu u bilaabmayso iyo qaabka ay isugu diyaarinayaan Guddi ahaan doorashooyinka. Guddoomiyaha Komishanka Doorashooyinka Cabdiqaadir Iimaan oo Arrimahan ka hadlay ayaa waxaa uu xaqiijiyey in ay dalka keeneen   Qayb ka mid ah Qalabka lagu farsamaynayo Kaadhadhka Cod-bixinta Doorashooyinka soo socda ee Somaliland.

“Maanta [shalay] waxa hortiina yaalla qayb ka mid ah qalabkii lagu daabacayey kaadhadhkii codeynta, kuwaas oo lagu tobabari doonno shaqaalaha hortiina joogaa.” Ayuu yidhi, Guddoomiyuhu waxaanu intaa ku daray, “Marka qalabkaasi soo dhamaystirmo ee shaqaaluhu tababbarka qaataan waxa bilaabaya daabacaddii Kaadhadhka”

Guddoomiyaha Komiishanku waxa kale oo uu sheegay in Xubnaha Komiishanku ay Gobollada Dalka u kala bixi doonaan, “Komsihanka doorashooyinkuna bari iyo galbeed ayey u kala bixi doonaan, waxaana jaamacadaha laga soo qorayaa ardaydii qaybin lahayd kaadhadhka” ayuu yidhi.

Qalabka Waxa ku tababbaraya Shaqaalaha Komiishanka Khuburo Ajaanib ah oo Komiishanku ka soo kireystay Dal-dibadeed.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here