Farriimo Uu Cabdiraxmaan Cirro Midig Iyo Bidix Uga Kala Dhiibay Xukuumadda Iyo Xubnaha Komishanka
“Safarkayagu Waxaa Uu Ka Koobnaa Hawlo Qaran Iyo Hawlo Xisbiba, Muddada Aanu Maqnayna Waxaad Ogaydeen In Waddani Uu…” – Murrashaxa WADDANI Oo Shalay Dalka Dib Ugu Soo Laabtay+ Natiijada Safar Uu Imaaraadka Ku Tegey Oo Uu Guul Ku tilmaamay
Hargeysa (Hubaal) – Murrashaxa Madaxweynaha ee xisbiga Waddani, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Ciro) ayaa shalay dalka ku soo guryo noqday kadib safar muddo uu ugu maqnaa dalka Isku-taga Imaaraadka Carabta. Ugu horayn Gudoomiyaha xisbiga Waddani Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Ciro) oo warbaahinta kula hadlay Madaarka Hargeysa ayaa kahadlay xaallada shuban biyoodka ka dilaacay meelo kamid ah dalka isaga ootacsi u diray ehellada iyo qaraabada dadka ku naf waayay xanuunkaasi ee u dhinta “Ramadaan Kariim: marka hore illaahay bishan barakaysan danbi dhaafkeeda ha ina siiyo, ajarkeedana ha ina siiyo. Marka labaad waxaan tacsiyadaynayaa shacabkii reer Somaliland intii ku geeriyootay shuban biyoodka dhammaan gobolada Jamhuuriyada Somaliland ee uu ka dhacay shuban biyoodku”. Sidoo kale Musharaxa Xisbiga Waddani ayaa mar uu si kooban uga hadlay ujeedada socdaalkii ay isaga iyo Hoggaamiye Xirsi ugu maqnayeen Imaaraadka Carabta waxa uu yidhi “Safarkayagu wuu koobnaa waxaanu ku koobnaa hawlo Qaran iyo hawlo Xisbiba, mudadaa aanu maqnay waxaad ogaydeen in xisbiga Waddani uu si balaadhan uga qaybgalay gurmadka shuban biyoodka, waxaanad ka war-qabtaan Xisbiga WADDANI wuxuu ahaa Xisbigii ugu horeeyey ee ka qayb-qaata taakulada shuban biyoodka wixii kale ee suurta gal ahna waanu soo wadnaa haddii illaahay ka dhigo. Intii aanu halkaa (Dubai) ku maqnay wadankii aanu tagnay masuuliyiintiisa cid ayaanu ka aragnay guud ahaan, madax-da Xisbiga WADDANI iyo taageerayaasha wadamadaas waanu la soo kullanay iyo guud ahaanba jaaliyada reer Somaliland ee halkaa ku sugan. Gabagabadii musharaxa Xisbiga Waddani mar uu ka hadlay arimaha doorashada fooda inagu soo haysa, isla markaana uu baaqyo kala duwan u diray Xukuumada Maxaxweyne Siilaanyo iyo Komishanka Doorashooyinka Qaranka ayaa waxa uu yidhi “Waxa aynu u diyaargaroobaynaa xilli doorasho, goboladan laga bilaabayo kaadh qaadashada waa labadii gobol ee ugu waaweynaa Jamhuuriyada Somaliland ee Maroodi Jeex iyo Togdheer, shacabka waxaanu ugu baaqaynaa inkastoo duruufo adagi jiraan inay u diyaargaroobaan qaadashada kaadhadhka abaaraa inagu dhacay oo dad badan oo kaadhadhka qaadan lahaa may imanin sidii ka cadaatay Awdal iyo Saaxil, markaa waxaan ugu baaqayaa muwaadin kastaa inuu ku dedaalo inuu qaato kaadhka si uu u helo xaqiisa codaynta. Xukuumada waxaanu usoo jeedinaynaa maadaama oo wakhtiga hadhayba uu aad u yaryahay inay lacagtii doorashada dhamaystirto, Komishanka doorashadana waxaanu ugu baaqaynaa inay si rasmi ah usoo saaraan cayimaada maalinta doorashada” ayuu yidhi Gudoomiye Cirro.