Koox Qiimayn Ku Samaynaysay Golaha Wasiirrada Oo Ka Dareen-celiyey Digniin Wasiir Guri-barwaaqo U Diray

0
12

Hargeysa(Hubaal)- Gudoomiyaha Bahda Qaran-kaab Ismaaciil Cabdi Ibraahim ayaa wuxu soo saaray war-saxaafadeed ku saabsan xannibaada ay wasaaradda Warfaafintu ka soo saartay barnaamijka Qaran-kaab. Isaga oo arrintaasi ka hadlaya waxa uu yidhi “Galabta ayay ahayd markii aan aragnay warqad la yidhi waa war-saxaafadeed ay soo saartay wasaaradda warfaafintu taas oo lagu joojinayo barnaamijka Qarankaab. Run ahaantii, maanaan rumaysan waayo hab-qoraalka warqadda oo liitay isla markaana aan u qornayn habkii war-saxaafadeedka loo qori jiray oo ah in aanay lahayn summad, taariikh, shaambad, cid ku saxeexan oo aan jirin iyo khaladaad badan oo dhinaca higgaada iyo astaamaynta ah awgeed; waxaa na ay noola eekaatay boro-bogaando. Hase ahaatee, waxan xaqiiqsannay in uu war-saxaafadeedkani jiro ka dib markii aan ka maqalnay idaacadda Radio Hargeysa iyo Telefishanka Qaranka labadaba. Waxa ayaan darro ah in barnaamij aan noociisa hore loo arag oo ay soo dhaweeyeen shacabka Somaliland iyo madaxda dalka intooda badani ay wasaaraddu ka soo saarto warqad noocan oo kale ah; halka ay ahayd in ay ka soo saarto warqad boogaadinaysa shaqada ay hayaan bahda Qarankaab. Sida war-saxaafadeedka ku xusan, waxa ku qornayn in ay tahay in lala xidhiidho cidda la qiimaynayo, taas waan fulinnay. Waxan la xidhiidhnay wasiir kasta oo ka mid ah 23 ka wasiir annaga oo aan maal, magac iyo jaah midna ka rabin – waana ka wada markhaati dhammaantood annaguna waxanu haynnaa caddaymahoodii oo dhan. Barnaamijkani maaha mid ku ciyaaraya caqliga/sumcadda dawladda, sida oo kale, sabab uma noqonayo in ay soo baxaan go’aanno kala qaybinaya bulshada (Waa sida war saxaafadeedka ku xusan’e), balse barnaamijka Qarankaab wuxu horseeday in uu qabto mid ka mid ah shaqada dawladda oo ah in bulshada la jiheeyo. Wuxu barnaamijkani bulshada ka jiheeyay ka sheekaynta qabyaaladda, ku mashquulidda shaqaaqada Ceel-afweyn, sii xasuusnaanta xanaftii ka dhalatay doorashadii la soo dhaafay iyo dhallinyaradii ku mashquuli jirtay Soomaaliya iyo duridda qadiyadda Somaliland iyo xatta durista madaxweynaha iyo qaybo ka mid ah golihiisia wasiirada. Dhammaan bulshadii waxay ku mashquushay in ay u kala codeeyaan wasiirrada iyo maayarrada. Barihii bulshada ayay intaas uun ka dhex wadaan halka ay markii hore ka sheekayn jireen qabyaald iyo qudhunkeed. In ay bulshadu mashquusho waxay waxtar weyn u tahay dawladda oo in ay sii xoojiso mooyaan’e may ahayn in ay caqabadayso barnaamijkan. Dhinaca kale, marka laga yimaaddo in uu jiheeyay shacabka, wasiirrada faaido ayuu u leeyahay kaas oo ah in uu wasiir walba ku dedaalo wax-qabad joogto ah oo aanu iska fadhiisan, maadaama oo ay jirayso qiimayn ku salaysan shacabka ay shaqaalaha iyo adeegaha u yihiin. Barnaamijka Qarankaab waxa uu la mid yahay barnaamijyo badan oo caalamka ka dhaca kaas oo lagu saleeyay codaynta shacabka. Ma aha mid ay sameeyaan oo kaliya dad khubaro iyo aqoonyahanno ah (waa sida warsaxaafadeedka ku xusan’e) oo ku eeg kuwa kala saara abwaannada iyo suugaanyahannada, balse waxa loo diyaariyaa shacabka loo adeegayo weel ay ku qiimeeyaan cidda ay qiimaynayaan. Waxa intaas dheer, barnaamijkani waxba kagama duwana kuwii ay qaban jireen Rashiid Sulub Caalin iyo Axmed Shaqalle; bal’e, barnaamijka Qarankaab ayaa ka casriyaysan. Sida barnaamijyadaa kale, ma aha mid lacag lagaga cunayo madaxda dawladda taas na wasiirada ayaa nooga markhaati ah. Barnaamijkani wuxu ku salaysan yahay codka shacabka, waxaana maalgalinteeda leh isla shacabka uun. Ta labaad, Qarankaab waa barnaamij ee ma aha urur ama haayad. Haayada ayaa la sharciyeeyaa ee barnaamij lama sharciyeeyo. Wuxu la mid yahay uun banaamijkii doodda mushaaxiinta xisbiyada ee ay qabteen Inspire group. Qarankaab na waa barnaamij ay ku bahoobeen koox aqoonyahanno ah. dastuurku arrintaa ma diidannaee sharciga diidaya arrintaasna ha noo sheego wasiirku! Dhinaca kale, waa xaq muwaadin in uu qofku qiimayn ku sameeyo cidda u adeegaysa; Qarankaab na waa weelkii shacabka. Bal aan suaal idin weydiiyo’e, ma cid ayaa naga hor istaagi karta annaga oo bannaankaa taagan in aan wasiirka aan doonno ammaanno? Ma cid baa naga hor is taagi karta annaga oo bannaankaa joogna in aan abaal-marin siinno wasiirka aan doonno annaga oo u qirayna in uu yahay wasiirka ugu fiican annaga oo aan tartan galin ba? Haddii ay jawaabtu tahay maya, maxaa diidaya in aanu matalno codka malaayin shacab ah?! Ma aha shaqadii wasaaradda warfaafinta in ay xannibaan barnaamij noocan oo kale ah. Arrinta la yaabka leh waxa weeyaan, halkii ay ahayd in uu wasiirku soo saaro war-saxaafadeedyo la xidhiidha xaaladda dalka iyo jihaynta ummada, ayaa wuxu soo saaray war-saxaafeed aan muhiim ahayn oo ay kaga filnayd in ay nala soo xidhiidhaan o kaliya. Gabogabadii, bahda Qarankaab waxay aaminsantahay in uu barnaamijkani waxtar badan u leeyahay bulshada iyo dawladda labadaba, haddii ay tahay jihaynta ummadda iyo haddii ay tahay in ay shicibku helaan weel ay ku qiimeeyaan wasiirrada u adeegaya iyo haddii ay tahay in uu wasiirku ku dedaalo waxqabad joogto ah”.

Allaa Mahad Leh

Ismaaciil Cabdi Ibraahim, Guddoomiyaha Bahda Qarankaab

HALKAN HOOSE KA AKHRI: Qoraalka Digniinta ah ee Xukuumaddu soo saartay

War-saxaafadeed: “Toddobaadyadii  la soo dhaafay waxa warbaahinta ay  ku faafiyeen dad isku sheegay inay yihiin  urur qiimayn ku samaynaya  xubnaha Golaha Wasiirrada, waxayna  taasi  fajac iyo amakaag ku ridday dadweynaha iyo xukuumaddaba, maadaama ururkani aanu ahayn mid  sharciyan loo aqoonsan yahay  inuu  fuliyo hawsha miisaankaas leh, isla markaana  aanay dawladdu waxba kala socodsiin. Qiimaynta  noocan oo kale ah waxa   dunida  ka fuliya Akaadamiyad aqooneed oo leh khibrad cilmi baadhiseed oo xambaarsan  takhasusaad , khibrad iyo aqoon, waxaana  mar kasta oo ay baadhitaano la xidhiidha qiimayn abaalmarineed samaynayaan waajib iyo lagama maarmaan u ah inay xidhiidh toos ah la sameeyaan hay’adda ama cidda kale ee  la  qiimaynayo, iyadoo ra’yi ururintana  loo fuliyo habab u gaar ah oo kala duwan.

Sidaas darteed, ururkaas sheegtay inuu wado qiimayn uu ku sameynayo  xubnaha Golaha Wasiirrada,  ma jiro wax  xidhiidh ah ama  xog-ururin ah oo uu la sameeyey wasaaradaha, sidaas awgeed, waxaa muuqata in la doonayo in la soo saaro qiimayn aan cilmi ku fadhiyin, iyadoo la tuhunsan yahay inay arrintan  dabada ka riixayaan siyaasiyiin iyo dad kale oo  dano  gaar ah ka leh, si  sumcada iyo karaamada looga dilo  xukuumadda Somaliland, isla markaana la doonayo in la soo saaro qiimayn kala qoqobaysa bulshada dhexdeeda, laguna  xajiimaynayo geeddi-socodka toosan ee nidaamka maamul ee dawladda.

Xukuumadda JSL waxay uga digaysaa ururkan   gacanta kula jira  arrintan, inay si degdeg ah faraha ugala baxaan maamulka xukuumadda, maadaama  aanay qiimayntu ahayn mid ka soo baxaysa Akaadamiyad sharci oo loo aqoonsan yahay hirgelinta  qiimaynta abaalmarinada heer qaran, annagoo farayna inay  faragelinta ka daayaan shaqooyinka maamulka xukuumadda, xogo shakhsiyaad tilmaaman laga soo ururiyeyna  bulshada looguma sawiro karo inay tahay  xaqiiqo dhab ah oo cilmiyeysan.”

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here