“Kooxda Al-Shabaab Buuraha Galgala waan ka saarnay”- Madaxweynaha Puntland

0
36

 

 

Garoowe (Hubaal)- Madaxweynaha Puntland Dr. C/wali Maxamed Cali Gaas oo Shir Jaraa’id ku qabtay Xarunta Madaxtooyada Puntland ee Garoowe ayaa kaga hadlay Dagaalkii maanta ka dhacay Deegaanka Buuraleyda Galgala oo Xukuumadu sheegtay in Ciidamadu la wareegeen.

 

Madaxweyne Gaas waxa uu sheegay in maanta 1-10-2014 ay ciidamada Daraawiishta Puntland la wareegeen Fariisinkii ugu weynaa Kooxda Alshabaab ay ku lahaayeen Deegaanka Galgala  oo mudo badan ay ku jireen.

 

Dr. Gaas ayaan ka hadlin Khasaaraha gaaray Shabaab ee dhimasho iyo dhaawacba, Sidoo kalana aan soo hadal qaadin khasaarah Ciidamada balse mar uu la hadlayey BBC-da laanta Afka Soomaaliga ayuu u sheegay in halka Askari uu kaga dhintay Ciidamada Puntland, Isagoo sheegay in dib loo soo bandhigidoono Khasaaraha Al-shabaab.

 

unnamed

Dhanka kale waxa uu baaq u diray dhamaan dhalinyarada ka tirsan Al-shabaab ee ku jiray Buuraha Galgala in ay isku soo dhibaan Dowladda Puntland mudo u dhaxaysa 30 cisho.

 

Sanadkii 2010kii ayey Kooxda Al-shabaab galeen Buuraleyda Galgala iyo deegamada ku teedsan iyagoo dagaalo ku soo qaaday xarumo ciidamada Dowladdu joogeen sidoo kalana weeraro ay ku qaadeen magaalada Boosaaso ka soo abaabulay xiligaas oo uu hor ka cayey Sh. Atam oo dhawaan isku dhiibay Dowladda Federaalka Soomaaliya kana goostay Al-shabaab

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here