Kooxda Alshabaab Oo Sheegtay Falkii Lagu Khaarijiyey Xildhibaan reer Somaliland Ah Oo Baarlamaanka Xamar Ka Tirsanaa

0
40

Muqdisho (Hubaal) Xildhibaan Yuusuf Cabdi Dirir oo ka mid ahaa baarlamaanka dawladda federaalka Somalia ayaa shalay dabley hubaysan oo ka tirsan ururka Alshabaab ku dishay magaaladda Muqdisho. Dableyda dilka gaysatay ayaa xildhibaanka kusoo weeraray xili uu baabuur ku marayay wadada Maka Al Mukarama, waxaana gaadhiga uu saarnaa xildhibaanku ku weheliyay dirawelkiisii iyo xildhibaan cabdalle Boos oo isagu ku dhaawacmay.Allaha u naxariistee xildhibaan Yuusuf Cabdi Dirir iyo dirawelkiisii ayaa weerarka kadib loola cararay cusbitaalka Daarul-shifa ee magaaladda Muqdisho halkaasi oo ay ku geeriyoodeen.xidlhibaan Cabdalle Boos ayaa la sheegay inuu dhaawaciisu fudud yahay.

yuusuf dirirMas’uuliyadda weerarkan ayaa waxaa isla markiiba sheegtay xoogagga Al-Shabaab, waxaanay idaacadda Andalus ee ku hadasha afka Al-Shabaab ay baahisay in weerarkaasi ay fuliyeen ciidamo ka tirsan Xarakada Al-shabaab. Sarkaal ka tirsan kooxda Alshabaab ayaa sheegay in howlgalkaasi qeyb ka yahay weerarada lala beegsanayo xildhibaanada baarlamaanka dowladda Federaalka.

dilka xildhibaanka iyo weerarka lala beegsaday masuuliyiinta waxa cambaareeyay raysal wasaare ku-xigeenka dawladda Federaalka Somalia Maxamed Cumar Carte oo iddaacada VOA-du la hadashay “Illaahay Naxariistii Janno ha siiyo xildhibaanka isaga iyo inankii dirawelka u ahaa, gacan ka xaqdaran baa dishay Illaahay idankiina waa lasoo qaban doonaa cidii ka dambeysay” ayuu yidhi Raysal wasaare ku-xigeenka Somalia Maxamed Cumar Carte.

Alla ha u naxariistee Marxuum Yuusuf Dirir Cabdi waxa ay walaalo ahaayeen Guddoomiyhii hore ee bangiga dhexe ee Somaliland Md. Cabdi Dirir Cabdi

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here