Koza- Cameroon (Hubaal) Dablay looga shakisan yahay inay ka mid yihiin kooxaha mayalka adage ee ka tirsan ururka Boko Haram ee dalaka Nigeria ka dagaalama ayaa ku afduubay bas koonfurta dalka Cameroon,baskan oo ay saarnaayeen dad shacab ah oo tiradoodu dhan tahay ilaa 20 qof.
Dablaydan ayaa lagu soo waramayaa inay qabteen baska xili ay saarnaayeen dad suuqa u socday,waxaana dablaydan u kaxaysay baskan dhinaca soohdinta dalka Cameroon uu la wadaago Nigeria,waxaana wararka qaar sheegayaan in tirada dadka baska saarnaa ay sodomeeyo kor u dhaafayeen.
Ururka Boko Haram ayaa maalmihii u danbeeyay dagaalo ka waday meelo dibada uga baxsan dalka Nigeria.
Baska ayaa lagu qabtay agagaarka xuduuda meel u dhaw tuulada Koza sida dad deegaanka oo u dhawaa ay u sheegeen wakaalaada wararka ee Reuters,waxaana loo kaxeeyay dhanka Nigeria ilaa 18km.
Kacdoonadan ayaa ku qasbay in dib loo dhigo doorashooyinkii loo qoondeeyay inay wadanka Nigeria ka qabsoomaan 14-ka bishan aynu ku jirno ilaa 28 bisha March ee soo socota
Writen by: MMC
Hubaalmedia