Kooxda FC Barcelona waxay sanadihii u dambeeyey dhex ka ahayd doodda ka taagan xornimo doonka gobolka Catalan.
Kooxdu waxay u ogolaatay dadka u ololaynaya in afti loo qaado arintaa, in ay isticmaalaan midabada kooxda, waxaana lagu wadaa in aftidaa la qaado 1 Oktoobar hase yeeshee dawladda dhexe waxay ku tilmaantay mid sharci darro ah.
Wuxuu go’aanka kooxdu sii huriyey dood adag oo marka horeba taagnayd, ciidamada booliska ee sida milatariga u tababaran ayaa loo diray si ay u soo xirxiraan dadka gooni u goosadka u ololaynaya iyo in ay soo qabtaan agabka lagu qabanayo codbixinta aftida.
Hadaba hadii Catalonia madax bannaanaato miyaan tartanka kubadda cagta Spain ee La Liga waayi doonin mid ka mid ah kooxaha ugu magaca dheer?
Maamulka kooxda FC Barcelona waxay carrabka ku adkeeyaan in aanay ahayn siyaasiyiin oo kooxdu aanay labada dhinac midkoodna cod siinayn iyo sidoo kale in aanay xataa sheegi karin ba hadii ay dhacdaba in la kala baxo, dalka ay raaci doonto kooxdu ee ay ka ciyaari doonto.
Laakiin sanadkii 2014-kii ayaa kooxda FC Barcelona ay ka mid noqotay dhaqdhaqaaqa National Pact oo ah mid u ololeeya xaqqa aayo ka talinta oo ay ku midoobeen dhawr xisbi siyaasadeed iyo ururo kuwa bulshada rayidka ah ka mid ah, kuwaas oo doonayey in gobolka Catalonia laga qabto afti.
Arbacadii oo ay booliska xirxirayeen saraakiisha xukuumadda Catalan, ayaa kooxdu shaacisay hadal siyaasadeed kii ugu dhiirranaa oo ay ku sheegtay in ay difaacayso “dimuqraadiyadda, xorriyadda hadalka iyo aayo ka tashiga”.
Si kasta oo wax u dhacaan ba dhawrka todobaad iyo bilaha soo socda, FC Barcelona waxaad moodaa in ay rumaysantahay in ay mar kasta dooran karto tartanka kubadeed ee ay ka safan karto.
Xataa hadii shacabka Catalonia doortaan in ay Spain kala hulleelaan, Barcelona waxay rumaysantahay in Spain aanay dadka ka hor joogsan karin in ay daawadaan tartanka xamaasadda badan leh ee El Clasico.
Dadka in yar oo faro ku tiris ah ayaad mooda in ay aqbali karaan in ay arkaan tartanka kubadda cagta oo ay kooxda Barcelona, oo ka mid ah kuwa ugu awoodda badan, in ay hogaanka u hayso.
Lionel Messi oo weerar ku haya ciyaaryahanno difaac ah oo aan khibrad badan lahayn maalin kasta oo Axad ah ayaa ah wax aan la sawiran karin.
“Maba sawiran karo tartanka kubadda cagta Spain ee La Liga oo Barcelona ka maqantahay” ayuu yiri tabobaraha kooxda Real Madrid, Zinedine Zidane.
Wuxuu intaa raaciyay “waxa aan sawiran karaba ma aha anigoo ah qof kubadda cagta xiiseeya iyo guud ahaan ba ciyaaraha”