Hargeysa (Hubaal)- Aqoon yahanka iyo dhalinyarrada dhegoolayaasha ah ee ku dhaqan magaalada Hargeysa, ayaa cabasho xoog leh ka muujiyay hab-dhaqanka masuuliyiinta sar-sare ee wasaarada dhalinyarrada iyo ciyaaraha Somaliland oo ay sheegeen inaanay si wanaagsan ula macaamilin.
Qaar ka mid ah Aqoonyahanka iyo dhalinyarrada dhagoolayaasha ah oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in wasaaradda ciyaaraha Somaliland aanay waxba uga qaban, isla markaana ay cabashadooda u gudbiyeen masuuliyiinta wasaaradaasi, balse muddo saddex sannadood ah laga soo cel celinayay afaafka hore ee wasaarada ciyaaraha.
Cabdiraxmaan Maxamad oo ah Kabtanka Kooxda kubadda ee dhegoolayaasha magaalada Hargeysa ayaa sharaxay siday uga qanceen wasaaradda ciyaaraha oo dhegaysan weyday dalabaadkoodii, waxaanu yidhi “Waxaanu wasaarada ciyaaraha ku soo noq-noqoneynay muddo dhan saddex sannadood marar badan ayaanu ku soo noqoney, sidaas darteed waxaananu waydiisanay qalab iyo direys aanu ku ciyaarno, agaasimaha ciyaaraha oo nala balamay markaa balantiisiinna mid fushay maaha wax uu wax nooga qabtay baahidayadana ma jirto,”
Kabtanku waxa kale oo uu ka hadlay ka war hayn la’aanta wasiirka ciyaaraha ee kooxdooda, waxaanu yidhi “Wasiirka waxbarashadu aad buu u wanaagsan yahay laakiin wasiirka ciyaarahu ma dadka dhegaha qaba uun buu Wasiir u yahay?. sababtoo ah waxaa uu u dhigaa koobab. waxa kale oo uu qabtaa kulamo ay ku ciyaaraan oo saaxiibtinimo, waayo ma garanayno Wasiirka oo intuu walli na dhex yimid, amase noo soo diray tobabare na gacan qabta oo naga caawiya dhanka ciyaaraha, Imika waxa soo dhow Bishii Ramadaan oo dhalinyarro badan ayaa kulanta, dhalinyarrada kulanta waxaa ay leeyihiin qalab ciyaareed oo ay ku ciyaaraan markaa annaga oo muwaadiniina oo u dhalanay qaranka Somaliland in albaabka nalaga celiyo xaq uma lihin.”
“Annagu waanu dhammeysanay waxbarashada dugsiyada sare, hase ahaatee marka aanu dhammeyno dugsi sare ma jirto cid nagaga sii horeysaa jaamacadihii oo leh aqoontii, amase luuqaadii dadka dhegoolka ah oo luuqadii aanu wax ku soo baranay ee aanu garanaynay garanaya, dadka dhegoolayaashu aqoon wey leeyihiin, dadkuna waa wada kala dabeecad markaa waxaa jira qaar annaga nala yaabaya ayaa jira, oo odhanaya dadkani aqoon malaha, markaa dadka waxaanu kala duwanahay uun iyaguna wax bay maqlayaan annaguna maqalka uun baanu naafo ka nahay,”ayuu doodiisa ku sii adkeeyay kabtanka kooxda cagta ee dhegooleyaashu.
Maxamad Xuseen Iidle, waa macalin wax ka dhiga dugsiga dhegoolayaasha ee Badde ee magaalada Hargeysa waxaanu ka hadlay caqabadaha ka jira dugsiga dhegoolayaasha ee magaalada Hargeysa “Dugsigan dhegoolayaasha ee magaalada Hargeysa marka ay ardaydu fasalada sideedaad ka baxaan ee ay dugsiga sare galaan ma jiro dugsi sare oo loogu tallo galay inay wax ka bartaan ardayda dhegoolayaasha ah ee ka soo baxay dugsiyada hoose dhexe, iskuulkayaga dawladuna gacanta kuma heyso Hay’ad kale oo na maalgalisaana ma jirto, markaa waa in dawladu ay noo dhistaa dugsi sare oo ardayda ka soo baxday dugsiga dhegoolayaashu ay wax ka bartaan,”ayuu yidhi Macalin Iidle.
“Aqoonta aanu ardayada u dhigno kuma jiraan maadooyinka Tarbiyada iyo Caribigu, lagumana darin manhajka aanu ardayda wax ku barno, markaa waa in luuuqada Carabiga iyo Tarbiyada lagu darro, markaa cilmigan ardaydii la barayo haddii aanu qeyb ka aheyn Tarbiyadii Iyo Carabigii dhab ahaantii teeda kale Tv-ga amase wararka laga baahiyo caalamka amase wadanka aynu joogno ee Somaliland wax hoos u dhac ku yimid amase horumar gaadhay ma garan karo, mana jirto cid u joogta bahda dhagoolka dhanka warbaahinta oo la socdsiisa xaaladda wadanku hal ay marayo,” ayuu yidhi Maxamad Xuseen Iidle oo macalin ka ah dugsiga dhagoolayaasha magaalada Hargeysa.
xigasho: Gudgudenews.com