Haddaan gu’ga kuu kordhaa
Gabow mooyee ku tarin
Garaad iyo waayo-arag
Ileen wax ma dhaantid geed” – Maxamed Xaashi Dhamac “Gaarriye”.
Qofku waxa uu dhashaa isaga oo adduunku ku cusub yahay oo dadkan ku xeeran aan garanayn xitaa kuwa ugu dhow ee ah ‘Aabbo iyo hooyo.’ Inkasta oo aanu garanayn ummaddu inay u kala baxdo ‘lab iyo dheddig’ waxa ay isaga ugu kala soocan yihiin qof leh gadh oo cod weyn iyo qof aan lahayn oo naxariis badan. Qofkii naxariista lahaa ayaa ugu dhow oo u naxariisata markasta dhabta ku haya taftiisa uu huwan yahay, waa qofka kaliya ee ka warwarta cuntadiisa iyo inay cilladi ku jirto xag caafimaad. Kadib waa koraa qofku wuxuu gartaa qofkan u nuguli inay danaynayso laakiin wali “HOOYO” uma garan. Waxa uu maqlaa kalmado ka soo baxaya meel dhaqdhaqaaqaysa oo aanu kasayn wax la yidhaa hadalladaasi waa sida ‘hooyo, hooyo’ iyo heestii carruurta lagu seexin jiray ee ahayd “hobeeya hobeeyadii”. Waxa uu maqlaa qofkii naxariista lahaa oo ku leh “hooyo” waxaanu u bartay in la yidhaa qofkan “Hooyo”.
Wuxuu qofkii marxaladdaa adag ee qariibnimada ah ku soo jiro waxa korta maskaxda uu Eebbe siiyay oo waxa uu ku milmaa deegaankan ku xeeran oo dadkii uu arkaayay maalin walba ayuu ka bawsadaa dhaqamo iyo erayo, waxa uu kala bartaa “Lab” iyo “Dhaddig” qofkii hayn jiray ee la joogi jiray, xanaanayn iyo xurmaynba la daba joogi jiray ay tahay hooyadii waxa kale oo uu gartaa in qof lab ahi maalintii hal mar soo dul istaagi jiray kalmadna ku odhan jiray ah “aabbo” markaa qofkii wuxuu ugu hor bartaa labada erey ee kala ah hooyo iyo aabbo kolkaas ayuu bilaabaa inuu ururiyo erayada uu maqlo waxa intaa u dheer inuu ku daydo dhaqamada ay suubinayaan bulshada ku xeerani.
Halkaas ayuu ka ambaqaadaa qofku hayaankiisa oo uu ku gaadhaa ilaa nolashiisu dhamaanayso. Haddaba, haddaynu u fiirsanno nolosha gabigeeduba waa wax korodhsi maalinba wax baa kuu kordhaya maahmaah soomaaliyeed ayaa waxay tidhaa “Nin noolow maxaa aragti kuu laaban” waxay si cad u sheegaysaa waxa aad korodhsan doontaa inay badan yihiin intaad nooshay.
Marka intaa laga yimaaddo, mar haddii qofka wax u kordhayaan sannad, bil, toddobaad, maalin, saacad, miridh iyo sikin kasta oo noloshiisa ka mid ah isla markaana uu helayo waayo-aragnimo la heera kolba kaalinta uu kaga jiro nolosha waxa laga sugayaa inuu khibradaa uu kasbaday kaga jawaabo baahiyaha badan ee noloshu leedahay, waa in uu ku dabaqaa nolol maalmeedkiisa iyo la noolaanshaha bulshada ku xeeran ee uu ku dhex dhaqan yahay, waa inuu go’aanadiisa ku sargooyo kolba inta uu wax u soo joogay iyo inta uu maqal ku hayo si ay u wanaagsanaato noloshiisha iyo ta ummadda kalee la nool ee uu saamaynta ku leeyahay.
Waxa kale ee muhiim ah qofku inuu daneeyo wanaaga noolaha kale ee la nool, waayo noloshiisa inta kusoo biiraysaa waxay kaga imanaysaa dadkan ku xayndaaban, qofka haddii uu ka xumaado deegaanka ku xeerani isaguna ma hagaago waxa uu noqdaa mid ku milma oo ay saaqdo xumaanta hareerihiisa ka dhacaysa, qofku si uu uga badbaaddo inuu noqdo mid xun waa inuu daryeelaa inta ku xeeran oo u kuur galaa sidii uu uga dhigi lahaa ummad toosan, haddaba dadkeenu imika waxay caaddaysteen hal ku dhiga ah” Maxaa iga galay”, run ahaantii waa waxa inoogu wacan dib u dhaca iyo horumar la’aanta inna haysata, waxa uu XASAN JAAMAC YAASIIN ku daray buugiisa la yidhaa “Maxaa ka dhaxeeyay dadka” in sakhsigu bulshadiisa door ku leeyahay oo uu kaalin u buuxiyo haddii uu kaalintaa kasoo bixi waayana bulshadii dheeli ku imanayo oo ay dib uga dhacayso halkii ay hiigasanaysay ee ratigeeda ay ugu talo gashay inuu heeryadda dhigo. Ku baraarugsanaanta qofku ku soo jeedo in masuuliyadaasi saarantay ayaa u sahan ah kolba halka ay beeshu dagayso, qofkasta oo dunidan ku nooli qof buu u shaqeeyaa ha ahaado xataa ilmaha yar ee imikan xog uruursiga ku jiree waayo waxa uu u shaqeeyaa ee uu wax u korodhsanayaa waa inuu hadhow ku anfaco dadka laga abuuri doono iyo naftiisa, hooyadu bulshadda waxay u haysaa korinta, kobcinta, tababbarka, iyo tarbiyaynta dadka cusub ee ku soo kordhaya ummadda waxaana looga fadhiyaa inay ka soo baxdo inkastoo aanay jirin hooyo moogani, aabbuhu waa sidaa si leeg oo isaguna waxa uu masuul ka yahay quudinta dadka cusub ee soo kordhaya, ninka laydhlihii waxa uu ka shaqeeyaa inay ummaddu laydh helaan si ay u qabsadaan baahiyahooda, ninka biyoolaha ahi waxa uu intaa u daalayaa inaad biyo hesho isna adaa u shaqeeyoo waxaad u daashaa siduu beeso u heli laahaa, sidaa si lamida ninka madaxweynaha ahi waxa uu masuul ka yahay ummadda iyo horumarkeeda iyo inay helaan wixii cindigooda ku jira isagoo ay u shaqaynayaan dhamaan dadka uu xukumaa waaxa kale ee uu masuulka yahay dhaqanka dadku yeelanayaa oo ay tahay inay isaga kaga daydaan, imika dadkeena hogaamiyayaasha ayaa ugu liita markaa bulshadeenii dheeligu halka ugu weyn ee uu kaga yimi waa xagaa fikirkayga way jiraan meelo badan oo kale ee ta ugu weyn ee laga kici laa yahay waa taa. Waxaan ku soo gabagabaynayaa maqaalkan qofku waa inuu ku baraarugsanaadaa in uu kaalin kaga jiro bulshadiisa oo uu isku dayaa inuu ka soo baxo waajibkiisa isagoo adeegsanaya ama ku dabaqaya inta ama heerka kolba waayo-aragnimaduusu leeg tahay.
Yaasiin Yuusuf Axmed “Balballaadhshe”
Email:yya.balbalaadhse@gmail.com