Ku Dhawaad 30 Qof Oo Ku Dhintay Qaraxyo Xalay Ka Dhacay Muqdisho

0
36

Muqdisho (Hubaal) Ku dhawaad 30 qof ayaa lagu soo waramayaa in ay ku dhinteen qaraxyo iyo is-rasaaseyn xalay ka dhacday qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho, gaar ahaanna agagaarka madaxtooyada iyo xarunya hay’adda sirdoonka qaranka.

 

Xog ay heshay BBC-da ayaa waxa ay sheegeysaa in dadka dhintay ay isugu jiraan rayid, askar iyo dableydii weerarka sooq aaday.

 

Xarakada Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarradaasi oo ay sheegtay in bartilmaameedkoodu uu ahaa madaxtooyada iyo xarunta nabadsugidda qaranka.

 

Qaraxyada ayaa loo adeegsaday gawaadhi laga buuxiyay waxyaabo qarxa, waxaana ka dambeeyay rasaas aad u xoog badan, sida ay dad goobjoogayaal ah u sheegeen BBC-da.

 

Mas’uul u hadlay wasaaradda amniga gudaha ayaa sheegay in la dilay dhammaan raggii weerarka soo qaaday.

 

Dhanka kale, ciidamadda dowladda federaalka ee Soomaaliya waxay sheegeen in ay fashiliyeen qaraxyadaasi oo ay tilmaameen in mid ka mid ah uu ka dhacay meesha gawaarida la dhigto ee hoteelka Dorbin oo horey u ahaan jiray Baar FIAT, sida lagu qoray wakaaladda wararka dowladda ee SONNA.

Dowladdu waxay sheegatay in ay soo afjartay weerarka Al-Shabaab.

Xigasho: bbc

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here