Ku-simaha Madaxweynaha Oo Ka Hadlay Geerida Marxuum Ciise Axmed Kaar Oo Wiilkiisu Wasiir Ka Yahay Xukuumadda Somaliland

0
35

Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland & Guddoomiyaha KULMIYE Oo Shakhsiyadda Marxuumkan  Shalay Ku Geeriyooday Magaallada Burco

muuse iyo seylici

Hargeysa (Hubaal):- Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland, ahna kusimaha madaxweynaha Md. Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Seylici) iyo Guddoomiyaha Xisbiga talada dalka Haya ee KULMIYE Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa ka hadlay geerida Marxuum Oday Ciise Axmed Kaar Oo shalay ku geeriyooday magaalo madaxda gobolka Togdheer Ee Burco, waxaanay dhambaallo tacsi ah u direen Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Saleebaan Ciise Axmed (Xaglo-toosiye) oo Marxuumku  Aabbihii Ciise Axmed Kaar.

Dhambaalka Madaxweyne kuxigeenka

“Madaxweyne ku xigeenka JSL Md.  Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici) oo sidoo kale ah Ku-simaha Madaxweynaha, waxa uu Ehelka, Qoyska, Asxaabta iyo Qaraabada Allaah uga beryey inuu Samir iyo Iimaan Saadiq ah ka siiyo, Marxuumkana Janatul-Fardawsa ka waraabiyo. Waxaana sidaa lagu sheegay War-Saxaafadeed kooban oo shalay ka soo baxay madaxtooyada kaasi oo  uu ku saxeexnaa Afhayeenka Madaxtooyadu Eng. Xuseen Aadan Cige (Deyr). Dhambaalkan oo Nuqul kamid ah soo gaadhay Wargeyska HUBAAL Waxaa uu u dhignaa sidan:

“IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN, Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici) ahna ku-simaha Madaxweynaha Somaliland, wuxuu tacsi tiiraanyo leh u dirayaa, waxgaradka, waayeelka, aqoon yahanka, garaadada, boqorada, ugaasyada, salaadiinta, cuqaasha, qoyskii, eheladii, qaraabadii, asxaabtii, iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxay ALLA ha u naxariistee Marxuum Ciise Axmed Kaar oo maanta [shalay] ku geeriyooday magaalada Burco. Waxaanu si gaara uga tacsiyadaynayaa ku simaha Madaxweynuhu, Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Dr. Saleebaan Ciise Axmed (Xaglatoosiye) oo marxuumku aabbihii ahaa. Waxaanu ku si feeyey Madaxweyne ku xigeenku Marxuumka oday rug-cada ah oo si weyn uga soo qayb qaatay dib u dhiskii dalka, gaar ahaan xagga Nabadgelyada iyo horumarinta Bulshada Somaliland ku wada dhaqan. Madaxweyne ku xigeenku waxa uu marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo waxgaradka, waayeelka, aqoon yahanka, garaadada, boqorada, ugaasyada, salaadiinta, cuqaasha, qoyskii, eheladii, qaraabadii, asxaabtii, iyo guud ahaanba shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo. IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN.” Sidaa ayaa lagu yidhi Qoraalka Tacsida Ku-simaha Madaxweynaha Somaliland Xambaarsanaa ee soo gaadhay HUBAAL.

Dhambaalka  Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE

Dhinaca kale Xafiiska Waaxda Warfaafinta ee Xisbiga Midnimada iyo Horumarka JSL ee KULMIYE Ayaa Shaacisay Dhambaal Tacsi ah oo Guddoomiyaha Xisbigaaasi Md. Muuse Biixi Cabdi U Dirayo Ehelkii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo guud ahaanba shacbiga Somaliland, isaga oo ka tiiraanyaysan geerida Marxuum Cisie Axmed Kaar, Waxaanu Guddoomiyuhu si gaar ah tacsi ugu diray Wasiirka wasaaradda Caafimaadka Somaliland Dr. SAleebaan Ciise Axmed (Xaglo-toosiye) oo Marxuumku Aabihii Ahaa. Dhambaalka Waaxda Warfaafinta ee  Xisbiga Midnimada iyo Horumarka JSL  ee KULMIYE oo Nuqul kamid ahi Wargeyska HUBAAL Soo gaadhayna waxaa uu u dhignaa sida tan: “Guddoomiyaha xisbul-xaakimka Jamhuuriyadda Somaliland ee KULMIYE, ahna murrashaxa madaxweynaha ee xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi isaga oo ku hadlaya afka Guddiga Fulinta, Golaha Dhexe, garabyada xisbiga, laamaha gudaha iyo dibadda iyo guud ahaanba taageerayaasha xisbiga KULMIYE, waxa uu tacsi tiiraanyo leh u dirayaa qoyska, qaraabada, ehelada iyo guud ahaan shacabka geerida ku timi Marxuum Ciise Axmed Kaar oo ku geeriyooday magaalada Burco Gobolka Togdheer xalay [habeen hore] oo taariikhdu ahayd 15/10/2016, laguna aasi doono magaalada Buuhoodle. Marxuum Ciise Axmed Kaar waxa uu ka mid ahaa odayaasha caanka ah ee deegaanka Buuhoodle, door wayna ku lahaa dadaallada nabadaynta iyo horumarka bulshada. Waxaannu Guddoomiyaha KULMIYE si gaar ah uga tacsiyadaynayaa geeridan Wasiirka Caafimaadka Somaliland Dr. Saleebaan Ciise Axmed (Xaglo-toosiye) oo Marxuumku aabbihii ahaa. Guddoomiyaha xisbigu waxa uu Alle uga baryayaa Marxuum Ciise Axmed Kaar inuu jannadiisa Firdowsa ka waraabiyo, qoyska, qaraabada iyo shacabkana uu Samir iyo Iimaan saadiq ah ka siiyo. Aamiin….Aamiin”. ayaa lagu yidhi War-saxaafadeedka Tacsida ah ee uu soo saaray Xafiiska Warbaahinta ee xisbiga KULMIYE.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here