Maqaalkaygii hore ee aan kaga hadlayey Wa’ayo Golaha Wakiillada? Aniga oo daba socda nuxurkiisii, waxaan halkan ku soo bandhigayaa inay jiraan in lagu tuntay Dastuurka Qarankeenana Jamhuuriyadda Somaliland u ah gadh-wadeenka.
Ku-tumashada Dastuurka waxaan si gaar ah ku soo qaadanayaa ama aan ka tilmaamayaa Qodobka 48aad oo odhanaya; ‘Reebanaanta gabashada Xil-kare iyo uga faa’iideysashada xilka danno gaar reeban mas’uuliyiinta Golaha Wakiillada.’
markaynu eegno Guddoomiye Cabdiraxmaan Cirro waxa uu haystaa laba maskab oo kuwa ugu sarreeya ee uu leeyahay Qarankan Somaliland, kuwaasoo kala Guddoomiyaha Golaha Wakiillada iyo Guddoomiyaha Xisbiga mucaaridka ah ee WADANI.
Haddaba, Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud oo magaca aannu walaalo ka nahay marka laga reebo dhinaca magacyada Hooyo oo aannu ku kala baydhno, ayaa la yidhaahdaa marka dib loo raaco qolada uu yahay Madaxweynuhu ma celiyaan abaalka loo galo waxa masaxaysa, isla markaaa taariikhdu qoraysaa inuu yahay Madaxweynihii ugu horreeyey ee bixiya Xisbigii uu ku soo dagaallamay hadyad u siiyey abaalkii hagbaddii codka uu ugu celiyey beeshii Sacad Muuse iyo ciddii la-dagaallantay ee xaq u lahayd oo ah; Mujaahid Muuse Biixi Cabdi magacii ha jiree, Alle-na ha ku soo asturo markuu gaadho masiirka uu aayaha ummaddan hankooda ku meel-marinayo’e.
Markaa waxa halkaa ku baabaysa taariikhdii hore ee Beesha Madaxweynaha loogu tiriyey toddoba gabay, isla markaana ka dhigaysa Madaxweynihii ugu horreeyey ee bixiya kursigii uu ku fadhiyey, isla markaana wareejiya xisbigii uu hoggaanka talada dalka ku qabtay ee Afrikaan ah. Haddaba, kuwa sheegta dimoqraadiyadda waddamadooda ayaanay ka dhicin.
Gunnaanadkii maqaalkaygan Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa cod shan sanno ah ay Shacabka reer Somaliland ku doorteen, in waxa muddo-kordhin laba sannadood ah oo aannu dalban looga dhigay abaal-gud saameyn taban ku yeeshay.
Haddaba, arrintaas oo aan leeyahay sababtaas waxa iska leh ciddii lahayd Sharciga Doorashada ee Shacabow bal eega Guddoomiyaha Baarlamaanka ee ku fadhiya muddo-dhaafka ee uu xisaabsaday inuu dhammeysto 15 sanno qortay warqad sheegaysa; “Inaan xilka loogu iman sidii sidii Boqortooyooyinka Carabta.” Ee waxaan leeyahay maalin baa iman doonta labadii mitirba la isugu yimaaddo.