“Kubadda La Ciyaaro Marka La Kala Badiyo Waa La Isku Qoslaa, Doorashaduna Waa Sidaas’e Nin Walowba….”

0
33

Suldaanka Guud ee bariga Burco Suld. Cabdillaahi Suld. Cali Muuse

Hargeysa (Hubaal)- Suldaanka Guud ee Beellaha bariga Burco Suld. Cabdillaahi Suld. Cali Muuse ayaa shalay si ballaadhan loogu soo dhaweeyey magaaladda Hargeysa, ka dib markii uu ka soo laabtay waddanka Imaaraadka Carabta oo uu in muddo ah ugu maqnaa hawlo caafimaad.wan10

Suldaan Cabdilaahi Suldaan Cali Muuse oo shalay ka soo degay garoonka Diyaaradaha ee Magaaladda Hargeysa, ayaa waxa halkaasi ku soo dhaweeyey, madax dhaqameed, Wasiirro Xukuumadda ka tirsan, Guddoomiyeyaasha labada xisbi qaran ee KULMIYE iyo WADDANI Muuse Biixi Cabdi iyo Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), mas’uuliyiin iyo dadweyne kale oo tiro badan, kuwaas oo suldaanka ku qaabilay qalbi furan. Suldaanka Guud ee Beellaha bariga Burco Suldaan Cabdilaahi Suldaan Cali Muuse oo markii uu ka soo degay madaarka warbaahinta kula hadlay qolka nasashada ee Madaarka ayaa waxa uu dardaaran u jeediyey umadda reer Somaliland, isaga oo axsaabta qarankana kula taliyey in ay isku hanneeyaan marka ay doorashada ku kala badiyaan oo aanay wax dhibaato ah dalka ka abuurin. “ILAAHAY ayaan uga mahad naqayaa aniga oo caafimaad qaba oo nabad qaba igu soo celiyey dalkaygii, waan u mahad naqayaa umadda reer Somaliland ee isoo dhaweysay, dawladda somaliland tii jirta ee jiri doonta ILAAHAY ha inaga dhigo, waxaan hambalyeynayaa madaxda Somaliland, gaar ahaan waxaan ugu mahad naqayaa dhalinyarada rag iyo dumarba, anigu waan maqanaa oo waxaan Dalka ka tegay dalka oo meel u wada jeeda, markaa anigu niyadii aan kaga tegay ayuunbaan qabaa, wax iga bedelayna ma jiro, cid aan xumaan u hayaana ma jirto, Somaliland wanaag ayaan u hayaa rag iyo dumarba, cid aan ka maarmi karo oo uur xumo iigu jirtaana ma jirto, aniga dantaydu meel kale waxba iima jiraan oo dantaydu dalka weeyaan”

Suldaan Cabdilaahi Cali Muuse oo Axsaabta si gaar ah ula hadlayey waxa uu yidhi “Axsaabtu waa kubad la ciyaarayo oo waa wax aduunka oo dhan ka socda colaatanna ma aha, Kubaddaba waa la ciyaaraa oo marka la kala badiyo waa la isku qoslaa, doorashaduna waa sidaas oo kale, nin walba oo meel ka taliyow nabad ka tali, dhamaantiin waxaan idin leeyahay wax kale oo dhan ha lagu ciyaaro laakiin nabadda ha la ilaaliyo, cadaw waxaynu leenahay ninka nabaddaas burburiya, midab kasta ha yeesho magac kastana ha yeesho, nabadaas aynu ilaashanno waad ogtihiin wixii ina soo maray iyo waxa dab hareeraha inagaga shidan, waynu ognahay wixii ina soo maray, nabadaas aynu ku fara adaygno, marka aynu doorashada iyo Axsaabta wadno waa kubaddaas lagu ciyaarayo, ninkii hela ayeynu u mishxaradynaa oo aynu u hanaynaynaa, inta kalena nabad iyo walaalnimo ayeynu isku ognahay “

Sidoo kale waxa iyaguna halkaasi ka hadlay suldaan Ibraahin Jaamac Samatar iyo Ugaas Cabdilaahi Xawaareeye oo ka mid ahaa Madaxdhaqameedkii soo dhaweeyey suldaanka, waxaanay sheegeen in ay suldaanka ku soo dhaweynayaan dalkiisa hooyo, iyaga oo tilmaamay in uu suldaan Cabdilaahi ka mid yahay salaadiinta waaweyn ee dalka.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here