Waxa lasoo jeediyey In Axmed Muumin Seed Muddo Toddobo Cisho Gudahood ah Go’aan Guddi Fulineed Xisbiga Lagaga Caydhiyo, kadib markii loo Adkaysan Waayey Taageerada Uu Helayo Iyo Hadallada Uu Warbaahinta Marinayo
Ex. Wasiir Duur, Xirsi Cali Xaaji Xasan iyo Siyaasiyiin Beesha Cirro Kasoo Jeeda Oo Dedaal Badan Gelinaya hirgelinta Caydhin Sharci-darro ah Oo Ina Muumin Seed Ka Dhan ah Iyo Xubno Talo-qabeen ah Oo Kasoo Horjeestay
Hargeysa:(Hubaal)-sida ay sheegayaan warar lagu kalsoon yahay oo uu helayo wargeyska Hubaal, waxa socda shirar-doceedyo uu kaadirka xisbiga WADDANI hoosta ka wado, kuwaas oo la doonayo in xisbiga si jujuub ah loogaga saaro guddoomiye-ku-xigeenka koowaad ee xisbigaas Axmed Muumin Seed oo dhawaan caddaalad-darro lagaga sameeyey shirkii golaha dhexe darteed dibadda ugu baxay.
Wararka ayaa sheegaya in soo jeedimo ka yimi xubno kasoo jeeda qoyska guddoomiye Cirro oo ay Siciid Sulub iyo Ex. Wasiir Duur horboodayaan ay si weyn usoo dhaweeyeen hoggaanka xubnaha xisbiga dhawaanta ku biiray ee uu Xirsi hoggaaminayo, isla-markaana si weyn loo lafo guray sidii loo diyaarin lahaa qorshihii xisbiga lagaga saari lahaa guddoomiye Axmed Muumin Seed oo isagau ah xubin ka tirsan hoggaanka xisbiga, isla-markaana lagu doortay shirweyne.
Xubnaha ku hawllan caydhinta guddoomiye Seed, ayaa shirar hoose maalintii shalay ilaa xalay ku lahaa aqalka ex. Wasiir Xirsi iyo weliba hutello qarsoodi ah oo magaalada ku yaalla, waxana ay isku qanciyeen in baahi weyn loo qabo in guddoomiyaha xisbiga dibadda uga baxay oo haatan garab xooggan samaystay uu dhulka jiiday sumcaddii xisbiga, isla markaana dhaawacay ra’yul-caamkii guud ee dhinaca dimuqraaddiyadda xisbiga laga aaminsanaa.
Ex. Wasiir Xirsi oo isagu sida la sheegayo si weyn ugu riyaaqay soo jeedinta ka timi kaadirka beesha guddoomiyaha kasoo jeeda ee diidan hab-dhaqanka Axmed Muumin Seed, ayaa soo dhaweeyey ra’yiga kaadirkaas, waxana uu tilmaamay in la gebo gebeeyo qorshaha xisbiga lagaga saarayo guddoomiye Seed, isla-markaana ficil loo beddelo isla marka uu guddoomiye Cirro kasoo noqdo safarka qarsoodiga ah ee uu dalka Imaaraadka Carabta ku joogo.
Wasiirkii hore ee arrimaha gudaha Maxamed Nuur Carraale Duur, ayaa isagu soo jeediyey inaan caydhinta gudoomiye Seed lala sugin murrashax Cirro, balse go’aan guddi fulineed meesha lagaga saaro, isla-markaana guddoomiyaha lala socodsiiyo oo kali ah go’aanka la qaatay.
Ex. Wasiir Duur iyo xubno kale oo isla beesha guddoomiye Cirro kasoo jeeda, ayaa shirarka hoose ee ay yeesheen ku lafo-guray hadallada is-daba joogga ah ee uu guddoomiye Seed saxaafadda marinayo, kuwaas oo uu ku durayo dimuqraaddiyada xisbiga iyo shakhsiydda guddoomiye Cirro, waxana uu tilmaamay in maadaama oo isku dayo dib loogu soo celinayo guddoomiye Seed guuldarro kusoo dhammaadeen ay haatan haboon tahay inay xubnaha guddida fulintu warqad xisbiga lagaga saarayo soo qoraan.
Xubno katirsan hoggaanka xisbiga oo iyagu maqlay guuxa iyo shirar-doceedyada sharcidarrada ah ee loogu tashanayo guddoomiye Seed, ayaa ka digay natiijada shirarkaas kooxda koobani sida hoose u wadato, waxana ay soo jeediyeen inaan la joogin xilligii go’aan ka dhan ah guddoomiyaha cadhada ku maqan la qaadan lahaa, maadaama xisbigu dhex dabbaalanayo dhirbaaxooyin siyaasadeed oo ka dhashay shirkii golaha dhexe ee murrashixiinta lagu doortay.
Xubnaha kooban oo u badan wasiirro xukuumadda hore uga tirsanaa, ayaa iyagu ku dhiirranaya in muddo toddobaad gudihiisa ah uu xisbigu kusoo saaro go’aan ka dhan guddoomiye Axmed Muumin Seed, balse xubnahaasi wax taageero ah kama haystaan qoorweynta kale ee xisbiga WADDANI oo aaminsan inay jirto fursad dib loogu soo celin karo guddoomiye Seed iyo xubnaha garabkiisa ah ee xisbiga ka maqani.
Shirar-doceedyada ka dhanka guddoomiye Axmed Muumin Seed oo ay majaraha u hayaan Ex. Wasiir Xirsi Cali Xaaji Xasan iyo xubno beesha guddoomiye Cirro kasoo jeedaa, ayaanay kasoo bixin natiijo heerkeedu go’aan kama dambays ah gaadhsiisan yahay, balse waxa la iskula gartay in sida kali ah ee dhibka iyo kala jabka xisbiga soo gaadhay lagu soo afjari karaa tahay in la caydhiyo guddoomiye Seed oo isagu xudun u ah khilaafka xisbiga sida fallaadha ugu qotoma.
Soo jeedimaha iyo go’aannada aan cilmiga iyo sharciga ku dhisnayn ee xubnaha kooban ee kaadirka WADDANI ahi kaga falceliyeen saluugga Guddoomiye Axmed Muumin Seed iyo Garabkiisa, ayaa ah kuwo dhaawici kara sharciyadda xisbigaasi ku dhisan yahay iyo weliba dimuqraaddiyadda axsaabta qaranka, waxana uu laf-jab ku noqon doonaa taageeradii uu xisbbigaasi ku lahaa guud ahaan gobollada kala duwan ee dalka, isaga ooh ore u lumiyey taageerada gobolka Awadal, kadib markii uu hadh cad la laalay caddaaladdii ii xisbigu kusoo saarayey murrashixiintiisa.