Kulan Ay Kaadiriinta KULMIYE Ku Yeesheen Burco Oo Lagu Xoojiyey Kalsoonida Ay Ku Qabaan Musharraxiinta Xisbiga

0
23

Hargeysa:(Hubaal) – Taageerayaasha Xisbiga Talada haya ee Kulmiye ku leeyahay Magaalada Burco, ayaa munaasibad ballaadhan  oo ay Habeenkii Khamiistu soo gelaysay ku qabsadeen Hutel City Plaza ee magaalada Burco si weyn ugu taageeray Musharraxnimada Mujaahid Muuse Biixi Cabdi iyo Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil(saylici)oo dhawaan Xisbigu u doortay inay uga qaybgalaan Doorashooyinka Dalka ka muddaysan Sanadka 2017-ka.muuse iyo seylici

Munaasibaddan oo taageerayaasha Xisbiga ee Gobolka Togdheer soo abaabuleen, ayaa waxa kasoo qaybgalay Siyaasiyiin, Madax-dhaqameed, aqoonyahan, dhallinyaro, Haween iyo Hoggaanka Xisbigaasi Kulmiye u qaabilsan Gobolka Togdheer, waxana Dhammaanba dadkii halkaas iskugu yimi si isku mid ah u muujiyeen inay ka go’an tahay Taageerada Musharrixiinta dhawaan lagu doortay Shirweynihii Xisbiga Kulmiye oo kala ah Muuse Biixi Cabdi iyo Cabdiraxmaan Saylici.

Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye u qaabilsan Gobolka Togdheer, Md Xasan Mataan, Jaamac Xaaji Axmed iyo Xubno tiro badan oo Golaha dhexe ee Xisbiga Kulmiye kamid ah, ayaa halkaasi ka muujiyey in Shacabka Reer Burco si niyadsami leh ugu heellan yihiin Taageerada Musharrixiinta Madaxweynenimo Muuse Biixi Cabdi iyo Madaxweyne-ku-xigeenka Mudane Cabdiraxmaan Saylici, isla-markaana Shacabka Burco iyo gebi ahaanba Gobolka Togdheeri si midaysan u diyaar ugu yihiin inay codkooda siiyaan.

Dhallinyaro, Aqoonyahan iyo Haween caan ku ah taageerada Xisbiga Kulmiye oo halkaasi hadallo ka jeediyey ayaa muujiyey inay si buuxda u taageersan yihiin Musharrixiinta dhawaan Xisbiga Kulmiye doortay, isla-markaana ay aaminsan yihiin inay si fudud u guulaysan karaan, maadaama  ay midigta ku haystaan codadka cududa  Shacabka Reer Togdheer oo midaysan.

Dhammaanba Dadkii halkaasi ka Hadlay waxa ay ballan ku qaadeen inay la dhacsan yihiin go’aankii madaxweyne Siilaanyo markhaatiga kaga noqday Musharaxnimada Muuse Biixi Cabdi iyo Cabdiraxmaan Saylici, isla-markaana ay codkooda si hufan u siin doonaan marka la gaadho xilliga loo asteeyey.

Sidoo kale  waxa ay sheegeen inaanay waligood hilmaami Karin kaalintii uu Muuse Biixi kasoo qaatay horumarina iyo dhismaha dalka, isla-markaana ay  si gobonimo leh uga abaalcelin doonaan Sidii sharafta lahayd ee hore codadka loo siiyey Madaxweyne Siilaanyo ooh ore Xisbiga Kulmiye musharrax uga soo noqday.

Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo, ayaa  shacabkii Xisbiga Kulmiye taageersanaa ee Munaasibaddaas iskugu yimi waxa ay ku hambalyeeyeen Go’aankii geesinimada lahaa ee uu Musharraxnimada Xisbiga kaga tanaasulay, iyagoo tilmaamay inuu qaatay go’aan uu taariikhda Baal Dahab ah kaga galay.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here