Kulan Deg-deg Ah iyo Dood Dheer Ka Dib Oo Lagu Caydhiyey Madaxii Sirdoonka Xamar +Sababta Rasmiga Ah Ee Kelliftay Xil Ka Qaadistiisa

0
25

DAAWO SAWIRRADA: Kulan Deg-deg Ah iyo Dood Dheer Ka Dib Oo Dawladda Soomaaliya Ay Ku Caydhisay Madaxii Sirdoonka Qaranka+Sababta Rasmiga Ah Ee Kelliftay Xil Ka Qaadistiisa

Muqdisho (Hubaal)- Dhinaca kale, Golaha wasiirrada xukuumadda ayaa shalay kulan deg-deg ah oo ay Muqdisho ku yeesheen waxay xilkii kaga qaadeen agaasimaha guud ee hay’adda nabadsugidda iyo sirdoonka Qaranka Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe).

Kulanka golaha wasiirrada oo uu shir guddoominayay Ra’iisul wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed ayaa looga dooday xil ka qaadista agaasimaha, iyagoo markii dambena isku raacay xil ka-qaadista agaasimihii nabad-sugidda Sanbaloolshe.

“Golaha wasiirradu waxay xilkii ka qaadeen agaasimihii guud ee hay’adda nabadsugidda iyo sirdoonka Somalia, Cabdilaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe), waxana si ku meelgaadh ah loogu dhiibay xilkaas hay’adda nabadsugidda,” ayaa lagu yidhi war qoraal ah oo kasoo baxay xafiiska ra’iisul wasaaraha Soomaaliya.

Inkastoo aanay weli jirin faahfaahinno cad oo sheegaya sababta xilka looga qaaday agaasimihii guud ee nabadsugidda iyo sirdoonka dalka ayaa haddana wararka hoose waxay sheegayaan inay ku timid khilaaf soo dhexgalay isaga iyo xubno ka tirsan madaxda dowladda federaalka Soomaaliya.

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa bishii July ee la soo dhaafay xilkan u magacaabay agaasimaha nabadsugidda, isagoo noqonaya agaasimihii ugu xilliga gaabnaa ee haya xilka hay’adda guud ee nabad-sugidda iyo sir-doonka Qaranka.

sanbalooshe-vert

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here