Addis Ababa(Hubaal)-Wasiirka wasaaradda Arrimaha dibedda iyo iskaashiga caalamiga ah ee Somaliland, Md. Maxamed Bixi Yoonis, ayaa la kulmay wasiirka horumarinta dhaqaalaha iyo lacagta ee Itoobiya Axmed Suufiyaan iyo wasiirul dawlihiisa Axmed Shide.
Kulanka oo ka dhacay xafiiska wasiirka Itoobiiya ee Addis Ababa ayaa waxa ay ka wada hadleen arrimo badan oo khuseeya xidhiidhka ganacsi ee labada wadan. Warsaxaafadeed uu kulankaas ka soo saaray ku simaha wakiilka Somaliland ee Addis Ababa Ayaanle Salaad Diiriye ayaa sidan u dhignaa
oo uu weheliyo, Wakiilka Somalilad ee Addis Ababa, Mudane Ayanle Salad Deria, ayaa maanta xafiiskiisa kulan balaadhan kula yeeshay, Wasiirka Horumarinta Dhaqaalaha iyo Lacagta ee Itobiya, Mudane Ahmed Sufiyan, iyo Wasiir dawlahiisa, Mudane Ahmed Shide, kulankaas oo ahaa mid diiradda lagu saarayey arrimaha “Dhaqaalaha iyo Maalgashiga “Waxay labadda dhinac kaga wada hadleen mashruucii ” Horumarinta Berbera” iyo sida waxa ka dhiman loo dhamaystiri lahaa. Mudane Ahmed Sufiyan oo ka hadlayey mawqifka Itobiya ee ku aadan mashruuca berbera corridor ayaa yidhi Itobiya waxa ka go’an in ay si balaadhan u isticmaasho dekadda berbera, sidoo kale wasiirka arrimaha dibedda iyo iskaashiga caalamiga ah ee Somaliland, Mudane Maxamed Bixi Yonis, ayaa isaguna dhankiisa ku dhiirigeliyey dawladda Itobiya,in ay Somaliland diyaar u tahay in Itoobiya si balaadhan u isticmaasho dekadda Berbera, waxa kale oo uu Wasiirku balan qaaday in Somaliland dhankeda diyaar u tahay inay dardar geliso heshiisyadii labada dal kale saxeexdeen waxii kaga aadan. sidoo kale wasiir dawlaha horumarinta dhaqaalaha iyo lacagta Itobiya, Mudane Axmed Shide, ayaa isaguna kulankaas ka sheegay inay dawladda Itobiya dirtay laba Kooxood oo kale ahaa, koox ka socota Wakaaladda Tamarta iyo Laydhka Itobiya, si ay u soo qiimeeyaan “Laydhka ku baxaya magaalooyinka Waawayn ee Somaliland”. Kuwaas oo soo dhamaystiray daraasadaa, sidoo kale waxuu sheegay Wasiir dawlahu inay direen Koox kale oo iyaduna soo qiimahaysa “Jidka isku Xidha Itobiya iyo Somaliland, Ilaa Tog-Wajale iyo Dekadda Berbera”. Gudahaan kulankan Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga caalamiga ahi la yeeshay wasiirka iyo Wasiir dawlaha, waxuu ku soo gabo gaboobay guul iyo is af-garad. waxaana dib loogu balamay in kulanka “wasiiradda Somaliland iyo Itobiya” ee ka dhici doona Addis Ababa lagaga hadlo waxyaabaha labadaa war-bixinood koobayaan.