Kulan Dhexmaray Komishanka Doorashooyinka Qaranka Iyo Wakiilka Midowga Yurub U Qaabilsan Somaliland

0
18

Hargeysa(Hubaal)- Komishanka Doorashooyinka Qaranka ayaa sheegay inay la kulmeen Wakiilka Midowga Yurub u qaabilsan Somaliland iyo Soomaaliya, Mr.David Korpela oo booqasho ku yimid Somaliland. Siday  Werisay Wakaallada Wararka ee SOLNA, Guddida doorashooyinka qaranku waxay shalay Wakiilka Midowga Yurub uga warrameen doorashooyinkii isku lammaanaa ee Goleyaasha Wakiillada iyo Deegaanka oo lagu waday inay dalka ka qabsoonto 29ka Bisha March 2019-ka, balse Komishanku  28kii Bishii hore ku dhawaaqeen inay dib u dhacday.

Komishanku waxay u sharraxeen Wakiilka midowga Yurub u diyaargarowgii ay sameeyeen ee loogu gogol xaadhayey doorashooyinka. Wakiilka Midowga Yurub u qaabilsan Somaliland iyo Soomaliya, Mr.David Korpela ayaa balanqaaday inay ka go’an tahay inay taageeraan taabogelinta dimuqraadiyadda Somaliland, hase yeeshee Guddida doorashooyinka iyo Wakiilka EU-da midna  muu bixin tafaasiil dheeraad ah.

Komishanka doorashooyinku waxay toddobaadkii hore daboolka ka qaadeen inay aanay doorashooyinka Wakiillada iyo Deegaanku ku dhici karin wakhtigii loo asteeyey, waxaanay ku sabobeeyeen inay ka hor yimaadeen caqabado ay ka mid yihiin, in aan wali laga heshiin saami qaybsiga kuraasida doorashada Wakiillada, in aan la wada helin dhaqaalihii ku baxayey doorashada, gaar ahaan qaybtii qaadhaan-bixiyeyaashu bixin jireen.

Waxa kaloo Komishanku ku sababeeyeen dib u dhaca doorashada in xisbiga mucaaridka ah ee  WADDANI uu bishii March ee sannadkan joojiyey wada shaqeyntii uu la lahaa Guddida doorashooyinka. Guddida doorashooyinku waxa kaloo ay caddeeyeen in aanay natiijo ka soo bixin wadahadallo u socday saddexda xisbi qaran oo lagu falanqeyn lahaa arrimaha doorashooyinka.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here