Kulan Gogol-xaadh U Ah Xulashada Siyaasi La Saadaalinayo In Uu Noqdo Murashaxa Madaxweyne-ku-xigeenka Xisbiga UCID oo Hargeysa Ka Dhacay

0
143
soodhaweynta guddoomiyaha Ucid ee magaalada Burco

Madax-dhaqameed Kala Metalaya Siyaasigan Iyo Guddoomiyaha UCID Oo Hargeysa Shir Ku Yeeshay Iyo Faysal Cali Waraabe Oo Natiijada Lala Sugayo

 

 

 

Hargeysa (Hubaal)- Madaxdhamqameed Iyo Odayaal ka soo jeeda Gobolka Sool, ayaa Magaaladda Hargeysa u yimid in la siiyo Murashaxa Madaxweyne Ku Xigeenka Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID, kaas oo hore uu guddoomiyaha Xisbigaasi Eng Faysal Cali Waraabe u sheegay in uu siin dioono beesha ka soo jeeda gobolka Sool.

Madadhaqameedkan oo la sheegay inay isugu jiraan Garaaddo, Odayaal iyo Ganacsato, ayaa u yimid Hargeysa inay Guddoomiyaha Xisbiga UCID iyo beeshiisa kala hadlaan in lagu wareejiyo murashaxa madaxweyne xigeenka Xisbigaasi oo weli banana, kaas oo lagu wado in laga dhigi doono wasiirkii hore ee wasaaradda biyaha Somaliland  Biyaha Baashe Cali Jaamac, balse aanay jirin xog rasmi ah oo arrintaasi xaqiijinaysa.

Kulan hore dhac ah oo ay magaaladda Hargeysa ku yeesheen maalintii Khamiistii  Madaxdhaqameedkan ka yimid Gobolka Sool iyo Madaxdhaqameedka  beesha Guddoomiye Faysal Cali Waraabe, ayaa la sheegay inuu ahaa mid qado ah oo ay labada dhinac usii yeesheen hordhac ahaan, balse la isla qaatay in la sugo guddoomiye Faysal oo ku maqan waddanka dibeddiisa lana sugayoinuu yimaado maalmaha soosocda.

Ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay kulankan ay yeesheen labadan madaxdhaqameed ee kala metelayey Faysal Cali Waraabe iyo Baashe Cali Jaamac, balse  ilo wareedyo lagu kalsoon yahay oo arrintan ka hadlay ayaa HUBAAL u sheegay in   labada dhinac ay isla qaateen in la wada sugo guddoomiye Faysal oo la filayey inuu dorraad yimaado balse   dib u dhac ku yimi imaanshiyihiisa lana dhawrayo maalmaha soo socda inuu dalka ku soo laabto isaga oo safar dibada aha ku maqan haatan.   Warku waxaa uu intaa ku  daray in inta uu imanayo Faysal ay madax dhaqameedka reer Sool ku sugnaan doonaan Hargeysa oo ay sugi doonaan,marka uu yimaaddana arrintan ay labada dhinac toos ugudo geli doonaan.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here