Walow Madasha Laysku Arkay Mid dhaqan Ahayd Haddana Dareenku Meesha Kama Madhnayn
Xod-xodashadii Guddoomiye Cirro + Damacii Siyaasadeed Ee Labadan Xubnood+Saamaynta Ay Ku Leeyihiin Bulshada ay Metalaan=…. ?
Hargeysa (Hubaal) – Musharaxa Madaxweyne ee xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro oo dhawr maalmood ka hor kasoo laabtay wadanka Sucuudiga ayaa shalay kulan hadal hayntiisu badatay Hargeysa kula qaatay Siyaasiyiin ay kamid yihiin Wasiirkii hore ee Wershadaha Abiib Axmed Diiriye (Timo-cad) iyo Siyaasiga ismaaciil Aadan Cismaan (Ismaaciil Yare). Siyaasiyiintan ayaa hore xilal wasiiro ah waxaa ay uga soo qabteen xukuumadan talada dalka Haysa ee madaxweyne Siilanyo iyo xukuumdihii ka horeeyey. Ilaa hada ma cada ujeeddka rasmiga ah ee kulankooda, wallow kulankani ahaa mid ka dhashay madal meher ah oo ka dhacday Hotel Green Plaza ee magaalada Hargaysa, hadana goob joogeyaal Hubaal Xalay la xidhiidhay aya atibaaxay in ay xodxodasho siyaasadeed meesha ka muuqatay oo kulanka shalay ee khaaska ahi si gaar ah ugu qotomay isu soo dhawaansho siyaasadeed oo goobjoogayashu sheegeen inay labadada dhinacba uu bisayl iyo rabitaan kalsooniyeed kamuuqtay. Warku waxaa uu intaa ku daray in labadan siyaasi iyo weliba xubno kale oo iyaguna hore xilal wasiirnimo uga soo qabtay xukuumadda Siiilaanyo ay ka baaraan degayaan inay xulafo siyaasadeed la qaataan xisbiga WADDANI oo ay ku biiraan balse warkaasi hubaashiisu illaa hadda ma cadda.