Dardaarankii Agaasime Fu’aad Cabdisalaan+Marag-furkii M. M. Barwaani+Tallooyinkii Axmed A. Wacays+Mahadnaqii Guddoomiyaha Cusub ee SONYO
Hargeysa (Hubaal) – Agaasimaha guud ee wasaarada kalluumaysiga iyo kheyraadka badda Somaliland Dr. Fu’aad Cabdisalaan Xasan ayaa hadhimo sharafeed ku maamuusay guddoomiyaha cusub ee dallada dhalinyarada ee SONYO loo doortay Md. Cabdicasiis Siciid Saalax.
Hadhimadan uu Agaasimaha guud ee Kalluumaysigu jimcihii shalay ku qaabilay guddoomiyaha saddexda sanno ee soo socda hoggaamin doona dallada dhalinyarada ee SONYO oo ka dhacday Hotelka RIYAAD ee Magaallada Hargeysa waxaa ka qayb galay, Saraakiil ka tirsan dallada SONYO, qaar kamid ah aasaaseyaashii iyo hoggaannadii soo maray dallada, aqoonyahanno, iyo marti sharaf kala duwan. Agaasimaha guud ee wasaaradda Kalluumaysiga iyo Kheyraadka Badaha Somaliland oo intii casuumadda lagu gudo jiray khudbad ka jeediyey madasha ayaa guddoomiyaha cusub iyo xubnaha fulinta ee lagu doortay shirweynihii 8aad ee dalladaas ugu soo gebogaboobay Hargeysa ku bogaadiyey xilka loo igmaday isaga oo illaahay uga baryay in uu u fududeeyo masuuliyada qarada leh ee lagu aaminay. Sidoo kale agaasimuhu waxaa uu tallooyin u soo jeediyey guddomiyaha cusub oo uu ku dardaaray in uu ka hawl galo sidii cududa dhalinyarada Soomaliland u midaysnaan lahayd isla markaasna taas bedelkeeda meesha looga saari lahaa loona suulin lahaa aafada qabyaallada oo waqti xaadirkan xadhkaha soo goosatay kuna dhex milantay saaxadda siyaasadda. Ugu horeyna agaasimaha oo ka warramay ujeedada hadhimadan uu u sameeyey waxaa uu yidhi “waxaan aad iyo aad idiinkaga Mahad naqayaa sida aad uga soo qayb gasheen casuumaddan aynu u samaynay guddoomiyaha cusub ee dallada dhalinyarada Somaliland ee SONYO Walaalkay Cabdicasiis Siciid Saalax, oo runtii aynu doonaynay inan ugu hambalyeeyo xilka loo doortay ee hoggaaminta saddexda sanno ee soo socda ee dallada SONYO.” Sidaas ayuu yidhi agaasime Fu’aad Cabdisalaan, waxaanu intaa ku daray “ waxaan Illaahay uga baryayaa in Cabdicasiis Siciid Saallax uu Illaahay u fududeeyo xilkan. Runtii wadanku manta waxaa uu marayaa meel ay dadka xaalladooda u xogogaalsani ay ka dayrinayaan, waxa aad mooodaa in qabyaalladii ay soo noollaatay sidaasi oo ay tahay dhalinyarada Somaliland midnimadeeda iyo wadajirkeeda waxaanu ka rejaynaynaa SONYO in ay xil iska saari doonto, weliba guddoomiye Cabsicasiis oo sidii maalintii dhawayd ee shirweynihii 8aad ee SONYO loogu magic daray WALAALEEYE oo runtii qaranka yididiillo geliyey isku duubnidaaasii. Sidaas darted waxaan Guddoomiyaha cusub ku adkaynayaa wax badan oo aan manta anigu tabayo oo ay kamid yihiin xaallada abaareed ee qaranku ku jiro oo ay dhalinyaro badani ayka qayb qaadanayeen laakiin dhalinyaradii SONYO inkastoo habeen la isu yimi haddana doorkii looga baahnaa inay kaga qayb qaataan meesha wuu ka maqnaa. Arrinka kale ee aan guddoomiyaha kula dardaarmayaa waxaa weeye run ahaan dhalinyarada Somaliland maanta waxaa ay u baahan yihiin hoggaan adag oo dhalinyaro ah. Waad ogtihiin oo manta waxaa goleha wasiirrada ku jira tiro badan oo dhalinyaro ah, agaasimayaashana waxaa ku jira tiro kale, axsaabta siyaasadda dhalinyaro fara badan baa ku jira, Markaa mudane Guddoomiye waxan kugula dardaarmayaa in aad cududaas meel isugu keento. Haddii aad dareemayso in ay afkaartooda kala duwan tahay, dhibaato ma laha taasi waayo mabda’ kaliya ayaa aynu leennahay oo horumarinta mustaqbalkeeda iyo aayaha dalkeenna ayaa aynu u wada soconaa”. Sidaas ayuu yidhi agaasmaha guud.
Sidoo kale waxaa isaguna halkaasi ka hadlay agaasimaha fulinta ee dallada ay ku bahoobeen jileyaasha aan dawliga ahayn ee Somaliland ee loo yaqaan SONSAF Md. Maxamed Maxamuud Barwaani, waxaanu agaasimaha guud uga Mahad naqay hadhimada uu ku sharfay guddoomiyaha cusub ee SONYO, isaga oo dhinaca kalena ka marag kacay nuxurka qoddobo ku jiray khudbada agaasimaha “Runtii waxaan agaasimaha guud ee wasaaradda kalluumaysiga la qabaa haddallada uu halkan ka jeediyey iyo tallooyinka uu Cabdicasiis (Guddoomiyaha SONYO) iyo boodhka la doortay uu u jeediyey.” Sidaas ayuu Agaasime Barwaani yidhi. Waxaa isaguna halkaas ka hadlay Axmed Cabdi WAcays oo kamid ahaa guddoomiyeyaashii soo maray hoggaaminta dallada SONYO. Mr. Wacays oo isagu ahaa guddoomiyihii shannaad ee dallada Sonyo soo mara waxaa uu ka war bixiyey hadafka ay markasta tahay in dhalinta Somaliland ay laabta ku haysato kaasi oo ah isku tiirsanaan iyo dadaal. Waxaa sidoo kale uu Axmed Cabdi Wacays uga Mahad naqay hadhimada agaasimuhu ku qaabilay guddoomiyaha cusub “ Fu’aad Cabdisalaan Xasan runtii waa shakhsi SONYO ka mid ah, haddaan taariikhda dib u yara celiyo Fuaad waxaa uu ahaa berigii uu jaamacadda ka dhiganayay SUDAN shakhsiyaadka dhalinyarada ah ee sida tooska ah ugu xidhan SONYO marna waxaabu noo ahaa wakiilkii SONYO ee Suudaan noo joogay”. Sidaas ayuu yidhi Axmed Cabdi Wacays. Gebogabadii casuumada waxaa halkaas ereyo kooban oo Mahad naq ah ka jeediyey guddoomiyaha cusub ee SONYO hoggaamin doona saddexda sanno ee soo socda Mr. Cabdicasiis Siciid Saalax waxaanu yidhi “dhammaan dardaarannadii halkan laga soo jeediyey dhammaantood waxaa ay yihiin kuwo aan qaatay oo aan ku dhaqmi doono. SONYO iyo saddexda sanno ee soo socda waxaan rajaynayaa in aynu isu wada nimaadno dhammaan daneeyayaasha SONYO ee dalka ku filiqsan, way kala durugsanaan karaan, way kala fikir ahaan karaan, sidaas darted waxaa inna wada deeqayaa waam idnimo iyo cadaalad inaynu samayno iyo in qof waliba kaalintiisa uu ka qabto.”ayuuyidhi guddoomiyaha cusubi.