Hargeysa (Hubaal) Kulan lagaga hadlayo arrimaha nabadgalyada iyo diiwaangelin casri ah oo lagu samaynayo guryaha caasimada Hargeysa ayaa lagu qabtay xarunta dawladda hoose ee magaaladda hargeysa. Guddoomiyaha golaha deegaanka ahna duqa caasimada Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (soltelco) oo ay weheliyaan qaar ka mid ah xildhibaanada golaha deegaanka, xoghayaha fulinta dawladda hoose iyo guddiyada nabadgelyada degmooyinka magaaladda Hargeysa ayaa ugu horeyn waxa halkaasi ka hadlay agaasimaha qorshaynta dawladda hoose Cabdiqaadir Cumar Jaamac iyo xildhibaan Axmed Daahir Axmed oo ka mid ah guddida arrimaha bulshada ee golaha deegaanka iyo sidoo kale xubno ka socday guddiyada nabadgelyada xaafadaha magaaladda Hargeysa.
Guriga WARAR UGU XIISAHA BADAN Kulan lagaga hadlayay xoojinta nabadgelyada caasimada iyo diiwaangelin Casri ah oo loo...