Kulan Lagu Qaadaadhigay Sidii Beelaha Gabooye Door Uga Ciyaari Lahaayeen Siyaasada Iyo Dhaqaalaha Dalka Oo Hargeysa Lagu Soo Gabagabeeyay

0
43

Kulankan oo laba cisho socday ayaa waxaa kasoo qaybgalay Madax-Dhaqameedka, Aqonyahanka Iyo Siyaasiyiinta Beelaha Gabooye Oo ka kala yimid gobollada

kulanka-gabooye

Hargeysa (Hubaal) Kulan daaranaa sidii beelaha Gabooye door mug iyo miisaanba leh uga ciyaari lahaayeen siyaasadda iyo dhaqaalaha ee Somaliland, kaasi oo soo qaban qaabiyay ururka asaasiga ah ee Daami Youth Organization (DYDO) isla markaana ay maalgalisay hay’adda qaramada midoobey ee UNSOM ayaa shalay lagu soo gabagabeeyay Huteelka Xara fee Hargeysa.

Kulankan oo socday laba cisho ayaa waxaa lagu qaadaadhigay caqabadaha hortaagan beelaha laga tirada badan yahay (Minority) gaar ahaan beelaha gabooye, haday tahay dhinaca horumarka bulshada, dhaqan-dhaqaale ayaa waxaa goob joog ka ahaa siyaasiyiinta, aqoonyahanka iyo madax-dhaqameedka beelaha gabooye, siyaasiyiin ka socday xisbiga WADDANI, masuuliyiinta hay’adda ururrada aan dawliga ahayn ee Sonsaf, gudoomiyaha xarunta xaquuqal iinsaanka somaliland iyo masuuliyiin kale.

Waxaa ugu horeyn goobtaasi ka hadlay Eng Xuseen Ibraahin Buuni, oo faahfaahin ka bixiyay ujeedada kulan aqoon iswaydaarsiga loo qabtay waxaana uu yidhi; “kulankani waxa uu daaran yahay sidii loo horumarin lahaa korna loogu qaadi lahaa sidii beelaha gabooye uga qayb qaadan lahaayeen siyaasada iyo horumarka dalka,waxaan kulankan kasoo qayb galay masuul ka socday hay’adda UNSOM oo iyadu dhaqaale ahaan inaga qaabishay kulanka,waxa kale oo aan soo casuumay masuuliyiinta saddexda xisbi qaran madaama ay soo dhaw daahay ololihii doorashooyinka si ay inoola wadaagaan ajandahooda ku waajahan waxa uu xisbigu ka damacsan yahay ama u qoondeeyey beeshan doorashada soo socota,waxaanuu socon doonaa muddo laba cisho ah waxaana lagu qaadaa dhigi doonaa sidii hore loogu socon lahaa”sidaas ayuu yidhi Eng Xuseen Buuni

Dhanka kale isna waxa halkaasi ka hadlay Rashiid Nuur Caalin oo ah aqoonyahan badanaa ka faalooda waxna ka qora arimaha beelaha Gabooye, isaga oo goobtaasi kasoo jeediyay hadalo iskugu jira waano iyo wacyi galin, sidoo kalena waxa uu ka warbixiyay ujeedada uu badanaa wax uga qoro beelaha gabooye waxaanu yidhi; “Wax la qabto ama layskugu yimaado wax ka khayr badan dad leh aan noqo walaalo,iskaashano,wada qosolno dad leh aan kala guursano wax ka wanaagsan oo la qabtaa ma jirto,anigu sidaydaba waxaan ka mid ahay beesha sababtuna waxay tahay in badan ayaan u doodayay in badan ayaa wax ka qorayay markaa heer waxay gaadhay inaan idhaahdo anaga,waayo? markaad iska saarto dabada adigu dee kama mid tihid waxbana ku darsan maysid,dantu waxay tahay inaynu is jeclaano,gacmaha is qabsano isku dhawaano midna aan la reebin midna aanu baal marin ayaa loo baahan yahay, markaa in maqaaxiyaha wax idinku yimaadan,ama jaraa’idada inaad wax ku qortaan wax idiinku yimaadaan maahee waa inaad kululaysaan arinta”Sidaas ayuu yidhi Rashiid Nuur Caalin

Suldaan Naasir Suldaan Cali oo kamida salaadiinta beelaha gabooye ayaa isna ka hadlay caqabadaha badanaa lasoo darsa beelaha uu kasoo jeedo, sidoo kalena waxa uu ka hadlay Rabshadihii khasaaraha sababay ee dhawaan ka dhacday magaalo xuduudeedka Wajaale ee gobolka Gabiley isla markana ay ku naf waayeen laba qof halka ay laba kalena ku dhaawacmeen waxaana isagoo arimahaa iyo kuwo kaleba ka hadlayana waxa uu yidhi.

” Sida uu rashiid yidhina waxa dhaba in aan cidna buqcad dahab ah aanay cid kale wax ku siinayn ee cid walba waxii ay iyadu kasbato ee ay raadsato ayay helaysaa ,waxa dhaba inay dhacayeen xad gudubyo caado ah tan iyo maalintii dalka lagu soo noqday ilaa iyo maanta oo ay u danbeysay dhacdadii ka dhacday degmada Wajaale,taasoo xad gudub xanuun badan ku abuureysa bulshadan xirfadlayaasha ah iyo somaliland-ba.waayo waxa laga dagaalamay xad-gudub,iscabudhin,in ciidamadu dadka iska xidh-xidhaan,dhacdadaa wajaaale waxa ku dhintay laba inan oo mid beesha ahaa qoys-na u shaqaynayay ma aha wax damiirkayagu qaadan karo,waxaan leenahay ciidamada boolisku waa inay dadka ka dayaan xad-gudubyada cankaas ah,xukuumadda,laamaha amaanka iyo wasaarada arimaha gudahana waan la socod siinay,waxaanan ku nidhi hadii arinkaa si deg deg ah wax looga qaban waayo waxay somaliland ku noqonaysaa buqcad madow oo taariikhda gasha”sidaas ayuu yidhi Suldaan Naasir

Intii kulankani socday waxa iyaguna halkaasi hadalo duur xulkoodu ahaa sidii beelaha gabooye uga dhex muuqan lahaayeen siyaasada dalka iyo waliba sidii ay uga qayb qaadan lahaayeen horumarka dalka kasoo jeediyay salaadiin, siyaasiyiin, iyo aqoonyahan, ka kala socday hay’adda ururada bulshada rayidka ah iyo xuquuqal iinsanka

ggg

Gabagabadiina Mss Anita Angabi oo ka socotay Hay’adda qaramada Midoobey ee UNSOM oo iyaduna kulankaasi ka hadashay ayaa ka xog warantay sida ay hay’addani uga qayb qaadato horumarinta beelaha gabooye, sidoo kalena waxay madax-dhaqameedka, siyaasiyiinta iyo aqoonyahanka beelahani ku boorisay sidii ay uga qayb qaadan lahaayeen siyaasada iyo harumarka dalka, waxaana kamid ahaa hadaladeedii sida tan. “Runtii hanaanka dimuqraadiyadeed ee somaliland ka hana qaaday waxaanay su’aali ka taagnayn inay muhiim tahay inay qayb ka noqdaan dadka laga tirada badan yahay si aynu u helno nidaam loo wada dhan yahay oo cid walba ka qayb qaadato,saakan waxaan idinla joognaa inaan idin kala qayb galno kulankan ku saabsan xuquuqda dadka dadka laga tirada badan yahay,runtii waxa wax laga xumaado ah in 20 sanadood kadib markii wadamada xubnaha ka ah qaramada midoobey ay soo saareen baaqii caalamiga ahaa ee ku saabsanaa xuquuqda dadka laga tirada badan yahay inay hadana wali sii socoto in dadka laga tirada badan yahay meel kaste oo ay jogaan inaanay si siman uga helin xuquuqdooda dadka kale ee ay la dagan yihiin”sidaas ayay tidhi Mss Anita Angabi

Si kastaba ha ahaatee kulankan madax-dhaqameedka, siyaasiyiinta iyo aqoonyahanka beelaha gabooye iskugu yimaadeen ayaa lagu lafa guray arimo badan oo khuseeya beesha Gabooye, iyadoo qodobo dhawr ah laga soo saaray arrimahaasi.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here