Kulan Saddex Xagal Ah Oo Xalay Ka Qabsoomay Madaxtooyada Iyo Warbixin Xummad-jebin U Ah Kal-fadhiga KULMIYE Oo La Hor-dhiagy Madaxweynaha

0
21

Guddigii Hubinta Xubnaha Golaha Dhexe Oo Meesha Ka Saartay Warar Ka Dhan Ah Qabsoomida Kal-Fadhiga 5aad Ee KULMIYE

Guddidu Waxay Calaamatu-su’aal Saartay Tobaneeyo Xubnood Oo Mad-madow Geliyeen Sifooyinka Xubinnimadooda Golaha Dhexe Iyo Asbaabta ay U Cuskadeen+ Mawqifka Ay Madaxweynaha Iyo Hoggaanka Xisbigu Ka Istaageen Xubnahaas

Hargeysa-(Hubaal)- Guddigii uu Madaxweynaha Somaliland, u saaray la socodka dhexdhexaadnimada shirka golaha dhexe ee xisbiga KULMIYE, iyo hubinta diiwaangelinta xubnaha golaha dhexe ee xisbiga KULMIYE, ayaa xalay cawayskii qasriga Madaxtooyada warbixin ku saabsan natiijadda wixii ay qaladaad iyo saxba soo arkeen ku siiyay Madaxweynaha Somaliland Guddidan oo ka kooban shan xubnood oo uu hore madaxweynuhu ugu xilsaaray hawshaas ayaa warbixintooda xalay waxa ay Madaxweyne siilaanyo hor dhigeen natiijada baadhistoodii Waxaanay sheegeen in ay illaa hadda si fiican u socoto oo aanay wax madmadow ahi ku jirin hawlaha shirka isla makraana aanay jirin sabab baajin karta in dib loo dhigo qabsoomidiisa. Kulanka xalay oo kasokow xubnaha guddida iyo madaxweynaha ay goob joog ka ahaayeen Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE, Muuse Biixi Cabdi, oo ah musharax u taagan tartanka madaxweynaha, Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee xisbiga Maxamed Kaahin Axmed, Xoghayaha guud ee xisbiga KULMIYE, Xasan Siciid Yuusuf, iyo Madaxweyne ku xigeenka Somaliland, Cabdiraxmaan Saylici, oo ah musharax u taagan tartanka madaxweyne ku xigeenka xisbiga KULMIYE, ayaa sida ay xubno ka ag dhawaa kulanku waxaa ay Wargeyska HUBAAL u Xaqiijiyeen in guddidu niyad sami ka muujiyeen liiska xubnaha golaha dhexe ee la diiwaangeliyey si ay kal fadhiga Salaasada uga qayb galaan marka laga reebo tiro toban xubnood ka kooban oo ay farta ku fiiqeen xubinnimadooda golaha dhexe. Xubnahaas oo aan xogaha HUBAAL soo gaadhin u xaqiijin magacyadooda ayaa ay guddidu ku tilmaamtay in aanay cadayn sifaha ay ku soo galeen golaha dhexe sidaas darteedna ay ku baaqeen in liiska ka qayb galaya shirka laga saaro. Warku waxaa uu intaa ku darayaa in Xubnahaas ay farta ku fiiqeen ay guddidu ku talisay in arrintooda la geli doono wixii ka dembeeya shirka hase ahaatee ay madaxweynaha iyo hoggaanka xisbigaba ku dardaareen in laga joojiyo ka qayb galka shirka.Muuse iyo Amxed

Madaxweyne Axmed Siilaanyo, ayaa markii uu guddigan ka dhegaystay warbixintii ay siiyeen sheegay in shirka golaha dhexe ee xisbul xaakimka KULMIYE, uu ku qabsoomayo wakhtiga loo muddeeyay oo ah tobanka bishan aynu ku jirino ee November, waxaana uu guddida uga mahad celiyey gudashada hawsha uu u xil saaray, isaga oo ku qancay warbixinta ay u soo gudbiyeen. Warku waxaa uu intaa ku daray in hoggaanka xisbiga iyo madaxweynuhuba ay si wada jir ah u ogolaadeen in xubnahaas la calaamadiyey laga joojiyo shirka inta la saxayo wixii khaladaad ah ee gudidu ka derdaar werisay.

Maqnaanshaha Isbahaysigii Cabanayay

Dhinaca kale isbahaysigii is garabsanayay ee ay hoggaaminayeen musharaxiinta dibad meerka ahi oo qorsheynaa in ay ka qayb galaan kulankan xalay ayaa iyagu aan goobta kamuuqan.

Xubnaha guddida ee baadhista gashay oo iyagu ka koobnaa shan xubnood, kuwaas oo la filayo in ay maanta gelinka hore warbaahinta kula hadlaan magaalada Hargeysa iyaga oo faahfaahin dheeraad ah ka bixin doona natiijada xogtooda, Magacyada guddida ayaa kala ah:

  1. Guddoomiyaha komishanka maamul wanaaga iyo la dagaalanka musuqmaasuqa Md. Axmed Muxumed Madar
  2. Wasiirka wasaaradda gaashaandhiga Somaliland Md. Axmed Xaaji Cali Cadami
  3. Xeer Ilaaliyaha guud ee qaranka Somaliland Md. Xasan Axmed Aadan
  4. Agaasimaha Maamulka ee Komishanka la dagaalanka HIV/AIDS Cabdikariim Xinif
  5. Iyo ugu dembeyn agaasimaha fulinta ee Akaademiga nabada iyo horumarka Somaliland Maxamed Faarax Xirsi

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here