Hargeysa (Hubaal) Kulankan oo ahaa mid waayeelada labada dhinac kaga arinsanayeen soo noolaynta iyo dib usoo Celinta xidhiidhkii Gacaltooyo ee hore uga dhexayn jiray iyo wada dhalashadii mataanaysan Garxajis iyo Arab ayaa Maanta ku dhex maray Huteel Ampassodor ee magaalada hargeysa qaar kamid ah odayaasha iyo waxgaradka beelaha Arab iyo Garxajis . Waxaana is-xogwarasi dhinac waliba kan kale siinayey kadib halkaasi labada dhinac ku dhex maray kaftan beri samaad iyo wakhti tegay cidkastaba xasuusiyey, kaasoo ku salaysnaa kala fogaanshaha kala irdheeyey labada dhinac iyo wax ka qabashada wax kastoo kala irdheeyey labada beelood.
Madashaasi oo ahayd mid uu bilay kaftan iyo qosol ilaa gaws-dambeedka ah ayaa waxaa ka dhacday masalo cidkasta oo goob joog ahaydba fajiciso ku noqotay taaso bilow ilaa dhamaad salka ku haysay hees wakhti hore uu tiriyey Abwaan Axmed Saleebaan Bide, heestaaso ay qaadi jirtey Alle haw naxariistee Fanaanadii qaaliga ahayd ee Marxuumad Kinsi Xaaji Aadan.
Oday Xasan Jigraale oo kamid ahaa Odayaasha kasocday Beesha Garxajis oo madasha ka hadlay ayaa masalada heesta soo qaatay waxaana uu yidhi ” Arab iyo Garxajis waxay ahaayeen Laba Mataano ah oo Naas wada Nuugay, waynu kala fogaanay wakhti, wacyi iyo waayaha aduun inamay kala fogayne geed ayaa ina kala qariyey, geedkii waanu doonay, Raadinay wakhti badana waanu gelinay, intaan dawladii afweyne aynaan ridin ayaa geedkii la helay waxaana hees ka tiriyey Si’aad u ogaataan Abwaan Axmed Saleebaan Bide, heestaaso tiraahda ” Iga Maqan Iga Maqan I Moogaa, Mataankaygi Geed qariyeey, horta geedkii ina kala qariyey waxa uu noqday geedkan la yiraahdo GARANWAAGA, si’aanu meesha uga saarno geedkaas Godin baanu u qaadnay dhamaan markaanu gunta ka goyney oo aanu geedkii U dambeeyey marayno ayaanu is nidhi kana Jara kadib markaanu godintii dul qabanay oo inaanu goynaa noo hadhay ayaanu aragnay geedkaas oo uu hoos Fadhiyo Xildhibaan Nac-Nac markaasanu nidhi wardee inta xildhibaanku hoos fadhiyo jari maynee aan sugno inta Nacnac ka hoos kacayo ama tolku ka hoos kicinayo. Dhamaan odayaashii iyo waayeelkii labada dhinac intii ay leekaayeen qosol ayey la daateen. Waxaana shirkaasi lays kula qaatay in dib loo soo celiyo xidhiidhkii, wax isu ahaanshihii iyo wanaagii labada dhinac laysuguna yimaado shirweyne ka dhicidoona Magaalada madaxda Gobolka Hawd ee Baligubadle, shirkaaso wakhtiga uu qabsoomi doono ay si wada jira usoo saari doonaan madax dhaqameedka iyo waxgaradka labada beelood.
C/risaaq Yusuf Cali “Terra”
Email:terra-10@hotmail.com
Tell:00252-63-4211904