Kulankan Waxaa Goob-joog Ka ahaa Cali Maxamed Xasan, Wasiirka Hawlaha Guud Iyo Guriyeynta
“Prof: Axmed Ismaaciil Samatar Waxa Uu Markii U Horreysay Shaaciyey In La Gaadhay Waqtigii uu Ku Biiri Lahaa Saddexda Xisbi Siyaasi Midkood,. Inkasta Oo Aan La Ogeyn Weli Dhinaca Ay Giraanta Siyaasaddu Ula Wareegi Doonto”
Hargeysa (Hubaal):- Madaxweynaha iyo Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa kulan la yeeshay Siyaasiga Prof: Axmed Ismaciil Samatar oo tan iyo toddobaadkii hore ku sugnaa Somaliland.
Kulankaas oo ka qabsoomay Qasriga Madaxtooyada ma jirin wax war ah oo ka soo baxay oo ay Madaxtooyadu ka soo saartay, wuxuuse u muuqday mid Salaan guud iyo is bariidin ku kooban, lamana oga waxyaabaha ama qodobbada ay Prof: Samatar iyo Madaxweynaha iyo Ku-xigeenkiisu kaga wadahadleen kulanka gaarka ah ee Axaddii shalay dhex-maray, waxaana ku weheliyey Wasiirka Hawlaha guud Cali Maxamed Xasan (Cali-Marreexaan).
Prof: Axmed Ismaaciil Samatar oo dhawrkii sano ee u dambeeyey u soo jeestay dhinaca Siyaasadda Somaliland, ayaa markii ugu horreysay toddobaadkii hore markii uu Hargeysa ka soo degay shaaciyey in la gaadhay wakhtigii uu ku biiri lahaa mid ka mid ah Xisbiyada Siyaasadda Somaliland.
Inkasta oo aanu jirin Xisbi uu weli si rasmi ah ugu biiray Axmed Ismaaciil Samatar, haddana waxa jira wadahadallo u dhexeeya isaga iyo Hoggaamiyeyaasha Xisbiyada Siyaasadda ee UCID, WADDANI iyo KULMIYE, iyadoo hadal-hayntu u badan tahay inuu ku biiri doono KULMIYE, haddana ma cadda ka uu ku biiri doono.
Hase-yeeshee, inkasta oo ay hadal-hayntaasi jirto, hadana waxa la dhawrayaa Prof: Axmed Ismaaciil Samatar inta uu safarkiisan oo uu sheegay inuu gobollada Somaliland oo dhan ku mari doono shaaciyo Xisbiga uu ku biiray ka uu yahay, iyaga oo saddexda Xisbi-ba quud-darraynaya inuu ku biiro sida ay sheegeen Masuuliyiinta WADDANI iyo KULMIYE oo maalmihii la soo dhaafay wax laga weydiiyey rejada wadahadallada ay la bilaabeen Prof: Samatar.