KULMIYE: Bilowga Wejiga Cusub Ee Hirdanka Dad Ma Jalayaasha Iyo Halgamayaasha

0
37

Hargeysa (Hubaal) Inkastoo maalmahanba ay isa soo taraysay dhoola cadayntiisu, lagana dareemayay goobaha falanqaynta  in Muuse Biixi ka lib helay ragga ay xagga siyaasadda ee xisbiga dhexdiisa  isku hayaan, haddana, naruuraddaa hordhaca ahayd, wuxuu Gudoomiye Muuse la gole yimi shalay oo uu xarunta madaxtooyadda kaga dhawaaqay in 10.nov.2015 la qaban doono shirka golaha dhexe ee Kulmiye.

Madashii shalay ee cayimaadda shirka lagu iclaamiyay oo uu jillaa ka ahaa Muuse Biixi, waxay ahayd mid uu Gudoomiyuhu kaga dhawaaqay wax uu ku saxeexan yahay magac ahaan, mabda, ahaanna  ay heshiis ku yihiin hogaanka xisbiga iyo mus dambeedka xisbigu. Wuxuu sheegay in go,aankani soo baxay kadib markay la tashadeen ee ay isla qaateen mus dambeedka xisbiga oo ah Madaxweyne Siilanyo, isla markaana wuxuu gudoomiye Biixi ku tilmaamay Madaxweynaha marjaca uu xisbigu u noqdo ee kala saara marka wax laysku qabto. Wuu ku faanay, waxaanuu ku sifeeyay mus dambeed waaya arag ah, ruug caddaa ah oo ay dheer yihiin xisbiyadda kale.

Marka loo laabto badwaynta loollanka Kulmiye dhexdiisa wuxuu badheedhihiisu u dhacayay, inuu soo af go,ay khilaafkii, laacdankii damacyadana lagu kala adkaaday, kiisuna yahay ka guulaystay ee hantay hiilka mus dambeedka, Siilaanyo dabadiina keligii la hubo. Waxa baanihiisa sii billayay minbarka uu ka hadlayay oo ahaa aqalka madaxtooyadda. Wasiiro badan oo halkaa uu ka hadlayay iyo hareeraheedda cagtoodu wehel u ahayd maalin kasta, ayaa humaagoodu shiiqsane ahaa. Dhugasho iyo daymo  kama madhnayn qaarkood, misana dhabar dhuumasho iyo kor u orod mooyee, negaadiga bartaa iyo waxa ka socda jaleecaddoodu kumay nasanayn.   Sawirkaa laftiisu wuxuu kaabayay abtirsiimadda wixii halkaa lagu soo bandhigay. Madaxweyne xigeenka Saylici oo aragti ahaan lagu tiriyo Muuse Biixi, ayaa  isna ahaa gole joog  mikirifoonka ku soo dhaweeyay Gudoomiyaha, loona arkayay inuu u taagnaa muujinta wadajirka bayaanka ee madaxtooyada iyo hogaanka xisbiga.

Loollanka Murashaxa Xisbiga

Khilaafka xisbiga Kulmiye wuxuu la kowsaday dhismihii xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo, isla markaana golihii uu soo dhisay ayaa tabashadii u horaysay ka bilaabatay, markii dambena wuxuu u diga rogtay dhinaca xisbiga. Sidaana wuxuu xisbigu ku noqday mid khilaaf la nool ah oo laba awooddood ku hirdamayaan. Xarraaradu waxay sii kululaatay intii damaca murashaxnimadu oogsaday, isla markaana waxa isu bidhaamay xiddigaha is haya oo meeriska negaanshaha samadda ku kala durkay. Gudoomiye Muuse Biixi iyo wasiirkii hore ee maaliyadda Samaale ayaa colaad xun oo ka dhalatay damaca hogaaminta xisbiga iyo murashaxnimadu kala gaadhay, ilaa haddana aanay is hayntoodu dhamaan. Inkastoo aakhirkii Muuse Biixi laga reebay Samaale oo uu uga hadhay Gudoomiyenimadda, misana waxa laysku sii hayay murashaxa madaxweynaha, waxse Samaale aad u wiiqay qaabkii uu uga dhex baxay oo golaha xukuumadda iyo baanihii uu ku maca salaameeyay. Intii aanuu tegin ka hor waxa soo kordhay waayeel waaya arag ah siyaasi ahaan, kaasoo qaybtii badnayd ee noloshiisa ku soo qaatay  qaramadda midoobay iyo dibadda. Wasiirka Arrimaha Dibadda Maxamed Biixi markiiba wuxuu la olog noqday Samaale iyo saaxiibadii.

Tagtadaa tafta dheer marka laga yimaado, dibad u boodkii Samaale kadib waxa isu muuqday Muuse Biixi iyo Maxamed Biixi oo isna damac murashaxnimo lalabay. Wasiirka Madaxtooyadda Xirsi ayaa isna mudooyinkan dambeba hadal hayntiisu badnayd, halka Xil. Kijaandhe shaaciyay inuu gelayo tartanka murashaxnimo.  Hase yeeshee, ishaynta iyo isbeejintu waxa loo arkaa inay hore iyo haddaba u dhaxayso laba kooxood, kuwaasoo kala ah, hogaamiyayaasha xisbiga ee ka soo jeedda SNM iyo koox masalaha xukuumadda si fiican u fidsatay oo kor ilaa hoos xiddidadoodu ugu taxan yihiin taladda, laguna tilmaamo kuwa kabaday manaafacaadka  xukuumadda Siilaanyo. Hogaamiyaha kooxdan waxa loo tiriyaa wasiir Xirsi, isla markaana waxay falanqeeyayaashu rumaysan yihiin in Samaale, Xirsi iyo murashixiin kale oo la saadinayaaba ay shuraako ku yihiin Maxamed Biixi oo aan isagu markii hore ka mid ahayn, balse haatan u muuqda in laysugu luga duwaday. laakiin tusmayntan weli waxa dhex taagan su,aal nuxurkeedu yahay, Wasiir Xirsi miyuu ka qayb gelayaa tartanka murashaxa Madaxweynaha?, taasoo hadalhaynteedu soo noqnoqotay ayaa u baahan cadayn buuxda.  Dhan kasta oo laga eegaba aan ku gaabsano in is hayntu w labadaa dhinac tahay, isbedelka qofafku siduu doonaba ha ahaadee.

Maxaa Isbedelay?

Isbedbedalka dhabar taabashadu awalba ma ahayn mid xasiloon oo meel keliya ku neg. Wuxuu u ekaa mid la midabaynaya hadba duruufta iyo saamaynta xaaladaha taagan, isla markaana la halbeeg ah kolba wax ka tarka caqabadaha. Sidaasay farxadda iyo cadhada labada dhinacna isu waydaaranaysay, hase ahaatee sinaansho ma jirin oo koox guddo joog ah oo tin iyo cidhib laamaha taladda ku taxan iyo duleed joog tugtugtoodu way kala duwanaanaysaa, wallow oo aanay kuwa kale laftooduba ku dugsi la,ayn gudaha.

Hase yeeshee haatan, waxaad mooddaa in guuxani kala cod wayn yahay dhinaca Muuse Biixi kuwii hore. Madaxweyne Siilaanyo, madaxweyne ku xigeenkiisa Saylici, Gudoomiye Muuse Biixi iyo saaxiibadii ayaa wada fadhiyay oo kamaradda sawirku qabatay shalay, iyadoo aanay madaxweynaha agtiisa ka muuqan raggii garabkiisa taagnaan jiray.  Siday tibaaxeen xoggo uu Ogaal ka helay illo lagu kalsoonaan karo, waxa  dhacay kulan ay ka qayb galeen Muuse Biixi, Xirsi iyo xubno kale, kaasoo la rumaynayo in madaxtooyadu si cad ugu bayaamisay inay Gudoomiyaha xisbiga la safan tahay. Xoggahaasi waxay intaa ku dareen, in Wasiir Xirsi oo lagu tilmaamo nin badheedhihiisa la gaban uu jawaab diidmo ah ka bixiyay arrintaa. Sidaa darteed wasiir Xirsi iyo kooxdoodu aanay raali ka ahayn qaybna ku lahayn wixii shalay lagu dhawaaqay, taasina ay ahayd sababta aanay uga muuqan madashii. Xogaha qaar waxay tusmeeyeen in madaxweynuhu ku sheegay Gudoomiye Muuse Biixi murashaxa keliya ee xisbiga, halka qaar kalena ka tilmaameen, in lagu raacay muddaynta shirka iyo in lagu taageerayo murashaxnimadiisa,  balse aan murashaxnimada loo xidhin keligii. Si kastaba haloo macneeyee, waxa cad in ay jiraan wax labada kooxood qollana ka qosliyay, qollana didmo geliyay.kulmiye

Gunaanad

Siyaasaddu ma laha saaxiib jooga ah ee waxay leedahay baa la yidhaahdaa dan joogta ah iyo aragti curinteedu la jaan qaado maslaxadda. Sidaa aawadeed, dadka siyaasadda falanqeeya, aadkana ula socda amuuraha Kulmiye, qaar badan oo ka mid ahi, waxay rumaysan intii madaxweyne Siilaanyo taladda hayay, inay dhaqan noqotay in markuu dibadda u baxayaba uu la sii balamo Muuse Biixi, si uu uga werwer la,aado xasarad legdanka la xidhiidha oo inta uu maqan yahay dhankiisa ka timaada. Waxay  qabaan inay taasi siisay dhawr goor oo hore Gudoomiyaha farxad aan sii waarin, isla markaana aanay tan lafteedu ka duwanayn faqii iyo balamihii hore uga qosliyay ee cadhada ku dambeeyay. Qaar kalena waxay ku fasireen in farxaddani ka duwantay kuwii hore, talaabana hore loo qaaday, mar haddii uu ku guulaystay in laga aqbalo in shirka golaha dhexe la qabto intaanuu sanadkani dhamaanin, taasoo doonistiisa ahayd, halka kooxda ka soo horjeedda ay ka danaynayeen dib u sii dhigista shirka. Hase ahaatee, qofba dhan uu ka joogsadayba runtu way dambaysaa, waxse muuqata ilaa hadda, in Muuse Biixi muujiyay in kalsoonidiisu kor u soo kacday, lamase suurayn karo lugaha ay ku taagan tahay maanta inay ku sii taagnaan doonto. “Waxaan is leeyahay hirdankii dad majalayaasha iyo halgamayaashu maantuu bilow yahay.” Sidaa waxa yidhi mid ka mid ah dadka siyaasadda  lafagura. Mid kale oo ka mid ah axadhayaasha ayaa isna aragtidiisa ku gaabiyay; “Maahmaah talyaani ah baa tidhaahda, boqol maalmood oo aad sida dacawadda u noollaato waxa dhaanta maalin aad sida libaaxa u noollaato.”

Dabar iyo seeto mid loo dayaba wuxuu qalinku ku khatimayaa qormaddan,  aan u toog hayno libdhada cusubi waxay soo wado.

Xigasho:Ogaalnews

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here