“Saaxiibaday waxaan leeyahay madaxweynuhu waa madaxweynihii aynu la soo shaqaynaynay mana ogoli in wax la yeelo”
Hargeysa:(Hubaal)-Garabka cadhada kaga maqan Qabanqaabada shirweynaha Kulmiye, ayaa si weyn iskugu maandhaafay Weedho Isbahaysigoodu hal-ku-dheg ka dhigteen oo lagu soo bandhigay qado-sharaf ay laba maalmood ka hor ku yeesheen Hutel Crown ee Magaalada Hargeysa, waxana weedhahaas oo madaxweynaha ku liddi ahaa si weyn uga soo horjeestay Wasiirkii hore ee Madaxtooyada Xirsi Cali Xaaji Xasan, kaas oo madasha ka sheegay inaanu madaxweynaha wax ka sheegiisa raalli ka ahayn. Weedhahan la isku maandhaafay oo Musharraxiin ay colaadda madaxweynuhu la fogaatay Goobaha Wax lagu daabaco kasoo samaysteen, ayaa lagu soo bandhigay Madashii la fadhiyey, waxase hal-ku-dhegyadii halkaas lagu soo banhigay qaarkood si weyn uga xumaaday xubno uu Ex. Wasiir Xirsi kamid ahaa, waxana si degdeg ah looga furay goobihii ay ku xidhnaayeen, iyadoo la isla gartay in qoraalladda qaarkood la daayo, maadaama aan meesha laga wada saari Karin. Qoraallada la xubnaha qaarkood kasoo horjeesteen oo intooda badan aanay si ramsi ah indhaha saxaafaddu u qabanin, ayaa la arkayey iyagoo laga furayo goobo markii hore lagu xidhay, iyadoo xubno wasiir Xirsi hoggaaminayey codsadeen in aanay milgahooda ahayn inay ag fadhiistaan Boodhadh ay ku sharraxan yihiin erayo wax lagaga sheegayo Madaxweynihii ay muddada dheer lasoo shaqaynayeen. Qoraallo ay ku xusnaayeen Erayo kooban, balse qudhoodu liddi ku ahaa madaxweynaha, ayaa Halkaas lagu daayey, kuwaas dhigaalka ku yaallay ay kamid ahaayeen, “Caddaalad-darrada Madaxtooyada iyo Gawraca Xisbiga”, iyado erayada noocaas ah qudhooda aanay kooxdu isku wada raacsanayn in Goobta lala yimaaddo. Wasiirkii hore ee Madaxtooyada Md Xirsi Cali Xaaji Xasan oo isagu kamid ahaa Xubnaha sida weyn uga dhiidhiyey inaan madasha la keenin Qoraallo madaxweynaha wax lagaga sheegayo, ayaa afkiisa ula baxay sida uu uga xun yahay in madaxweynaha qoraallo lagu aflegaadayno hoostooda khudbado laga jeediyo, waxana uu saaxiibkadiisa ay isku madba’a yihiin u sheegay inaanay ku degdegin wax ka-sheegga madaxweynaha qaranka, waxana erayadii uu ku canaantay kamid ahaa, “xaasha’e hunguri ugama tagin, dhibaato kale oo uu ii gaystayna ugama tagin, madaxweynahaygu xumaan uu igu sameeyayna ugama tagin, madaxweynaha waan soo wada shaqaynay, lagama yaabo inaan asraar uu leeyahay idhaahdo, lagama yaabo inaan xajiimeeyo, saaxiibaday waxaan leeyahay madaxweynuhu waa madaxweynihii aynu la soo shaqaynaynay mana ogoli in wax la yeelo ee saaxiibaday waxaan leeyahay carrabku yaanu madaxweynaha idinkaga baxsanin.” ayuu madasha ka kaga badheedhay mudane Xirsi. Xubno badan oo kamid ah Kooxda Xisbiga dibadda kaga maqani, waxa ay isku raacsanaayeen in madaxweynihii ay dhawaan afkooda ku ammaani jireen ay maanta ku sheegaan mid ka fog caddaaladda oo Biraynaya xisbigii uu kusoo tabcay, balse taasi ma noqon karto wax bulshadii shalay ammaanta madaxweynaha dhegahoodu galeen ay maanta aqbasho. Garabka dibadda kaga maqan xisbiga Kulmiye, ayaa sida ka muuqata wax badan oo arrimaha ay ku maqan yihiin ah ku kala aragti duwan, waxana Musharrixiinta Kursiga uu madaxweynuhu ku fadhiyo ku loollamaysaa baahi badan u qabaan inay madaxweynaha aflegaaddo iyo xumaan badan ka faafiyaan, halka xubno kale oo Wasiirkii hore ee Madaxtooda Mudane Xirsi kamid yahayna arrintaas si weyn uga soo horjeedaan.