“KULMIYE Waxaa Ku Hadhi Doona Afar Qolo Oo Qiime Qaaliya Ku Jooga Dadka Inta Kalena Waxay Isugu Iman Doonaan Xisbiga WADDANI” Xirsi Cali Xaaji Xasan

0
56

“Waxa Aan Doonaynaa Xaflad Waliba Inay Ka Jawaabto Qaadhaan Ururinta Oo Aan U Gurmano Dadka Gaajaysan Ee Abaartu Ku Habsatay” Hogoomiye Xirsi Cali Xaaji Xasan

Hargeysa(Hubaal) Hogaamiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani Mudane Xirsi Cali Xaaji Xasan oo ka hadlaayey munaasibad balaadhan oo Xisbiga Waddani u sameeyey Rukkunadii Haweenka ugu waa weynaa oo kasoo diga rogtay Xisbiga Kulmiye ayaa yidhi “Marlabaad iyo mar sadexaad ayaan u mahad celinayaa Hablaha qaaliga ah hadii ay Kulmiye qaali ku ahaayeen Waddanina qaali ayay ku ahaan doonaan, Hablihii ahaa Mishiinkii Kulmiye Mishiinkii annagana na dhisaayay, nataageeraayay ee aan ku dhaadanaynay xiligaas inay ahaayeen ayaan marag ka furayaa aad iyo aad ayaanu ugu baahnayan ugu boholyawnay aaminsanahayna inay halkan dhisi doonaan iyaga oo iskaashanaaya, Hablaha kale ee hore u joogay Waddani way dhaqaajin doonaan horaan uga hadlay Hablihii Axmed Dhagax iyo doorka looga baahanayahay Hablaha waxa aan isleeyahay Haweenku doorwayn ayay ku leeyihiin Qaranimada, Dalka horumarkiisa, iyo Dhismaha ilaa Qoys laga soo bilaabo la’aantoodna suurta gal ma aha in lagu guulaysto, Cida codka bixisaa waa iyaga Cida lagu tiirsanyahay ee shaqada waddaa waa iyaga aad iyo aad ayaanu idiinku boholyawnay marka aan si kale u dhigana qoladayadii Kulmiye ka timi Ciyaarta intii ay isla garanayeen inaanu helaa oo Jiibta  iyo Jaanta isla helaa  waxa aan isleeyahay Guul wayn ayaynu wada dhalinaynaa, waata labaade Giraantii aan sheegay ee aynu dhisaynay xaga Ragga iyo xaga Dumarka Dalka dhamaantii Giraan ayaynu ka wada dhigaynaa oo waynu isku xidhaynaa”

Hogaamiye Xirsi ayaa sidoo kale  sheegay in Xisbiga waddani dadkiisu uu yahay dad isku xidhan oo qaranka u gurmanaya waxaana hadaladiisi ka mid ahaa “ Dad isku xidhan meel kawada Shiidaal qaata oo Qaranka u adeega oo hanaan, Haybad iyo Himilo Qaran leh ayaynu abuurayna hadii (Allaha Awoodalihi Ogolaado) Maaha Jeegaan iyo isuboodo iyo labo maaha ee waa Qaran isku duuban oo Giraana oo isku wada xidhan oo isku wada kalsoon oo qolona aanay qariib dareemaynin qolona aanay dareemaynin inay iyagu gaar wax u wada qaateen. Halkan hadii aanu idiinka soo horayney halkani waa Guri la idiinka baahanayahay oo la idinku soo wada dhawaynaayo Cududiina iyo Caqligiina waa loo baahanayahay diyaarbaa la idiinyahay waxa inaga oo isku duuban aynu horumar gaadhsiin doona  Qaranka oo aynu gaadhidoona Himilada uu leeyahay”

Dhanka kale Hogaamiye Xirsi waxa uu ka hadlay abaarta iyo qaabka Xisbiga Waddani uga qeyb qaadanayo isagoo dadka ku booriyey qaadhaanka lagu shubo Sanduuq la sameeyey oo loogu talo galay in dadka loogu gurmado waxaana uu yidhi “ Abaarta oo laga hadlay maalin walbana laga hadlo waxa lagu dhawaaqay hanaan dhaqaale ururin oo Xisbiga u gaara in la sameeyo Habeenkii Guuleed ayaa lagaga dhawaaqay waxa loo sameeyay (Account) Sanduuq dhamaantiin Sanduuqaas wax ku soo biiriya Xaflad waliba in ay noqoto mid qaadhaanka looga uruuriyo ayaynu doonayna oo ay isku darsamaan Xafladda Qabashadeedii oo Dadku hadii uu ina doonaayo Albaabada ka xidhanmayno laakiin laba ayaynu iswaafajinayna Dadkii oo Xisbigii lagu soo horo iyo Dadkii Dhibaatadu haysatay oo loo uruuriyo qaadhaan waxa aan doonayna Xaflad waliba inay ka jawaabto qaadhaan ururinta oo aan u gurmano dadka gaajaysan ee Abaartu ku habsatay.

Xirsi Cali Xaaji Xasan Hogaamiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani  ayaa sheegay inan Xisbiga Kulmiye cidi ku hadhi doonin islamarkaana laysugu soo biyo shuban doono Xisbiga Waddani “Waxa aan ku celinayaa hadalkaygii aan ka idhi Berbera ee ahaa Kulmiye ayaanu ka nimiyoo Kulmiye waxan aaminsanahay runtii  waa kan  Muruqyadii ugu waawayna  maraya ee Haweenku, Waxaan maalintii dhawyad sheegay afar qolo uun ba isugu hadhaaya dadka kale Insha allaahu tacaallaa Waddani ayay isugu iman doonan wixii doorbidayna UCID u diidimayno Kulmiye isma lihi waa lagu raagayaaye laakiinse  cidii kale garanwayda UCID u diidimayno afrta qolo waan sheegayo waxa weeye Qolo Odayaala oo Muxtarima oo isqaadi waayay oo leh waar nimanyahow waxa aanu sii eeganayna laacaas oo waa qola Xishoonaysa, qolada labaadna waa qolo qabyaaliyiina oo qabyaaladu ka tirabadatay oo qabyaalada mooye aan wax kale garanayn oo intaas ayaa ku dhejinaysa, qolada Sadexaadna  waa qolo Lacag haysata oo marba inta afar Gidaar fadhiya lacag loo dhiibo la yidhaahdo Wadanibaanu ka baxanay dhaha oo waa Afartaas oo ururay oo  lacag badan ku jooga, Qolada Afraadna nin  baa Mandheera joogi jirayo dabeedna Sarkaalbuu ahaayo marka qolo la soo xidhaba jeelkii ayey ka daataano maalntii danbe ayaa losoo Xidhay niman geeljirayaala oo baala daymoonaaya oo jeelkii daawanaya (Budh) ayuu qadayo intuu qadaadka ku dhuftay ayuu sarkaalkii yidhi waar aabahaa la gudye Jeelka Iimaanso Marka qolada afraadna waxay noqonayaan qolo la yidhaahdo waar Aabaha Gude Kulmiye iimaanso”

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here