“Siciid Isaga Ayaa Gudoomiye U Ahaa Xildhibaannada WADDANI Ee Golaha Wakiilada, Wixii Uu Qaybta Ka Ahaa [Inuu Yidhaa] Waa Layla Qaadan Waayey Anigu Lama Qabo”
Xisbiga Waddani Oo Ka Hadlay Istiqaalladii Uu Xil. Siciid Cilmi Rooble Ku Sagootiyey Saaxiibadiisii Afarta Sanno
Hargeysa(Hubaal):-Xildhibaan Maxamed Yuusuf Waabeeye oo ka mid ah mudanayaasha golaha wakiilada ee ka tirsan xisbiga Waddani ayaa ka dareen celiyey iscasilaadii uu xisbiga Waddani kaga tagay xildhibaan Siciid Cilmi Rooble. Xildhhibaan Maxamed Yuusuf Waabeeye oo ugu horayn ka hadlaya is casilaada Siciid Cilmi Rooble ayaa waxa uu yidhi “Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble waan ixtiramayaa, xaq ayaanu u leeyahay inuu ka baxo xisbiga Waddani waayo isaga ayaa markii horeba yimid, xisbiga Kulmiye ayaanu ka soo wada baxnay markii hore cidina ma qasbin oo isaga ayaa ka soo baxay imikana isaga ayaa doortay taasna xaq ayuu u leeyahay.” Ayuu yidhi Xildhibaan Waabeeye oo u waramay SAAB TV. Sidoo kale xildhhibaan Waabeeye ayaa sheegay inaanu xisbiga Waddani kaga bixin xildhibaanka is casilay in loo doorto gudoomiye ku xigeenka koowaad ee golaha wakiilada waxaanu yidhi “Anigu ma qabo inaanu dhabar jabinay, xildhibaanada golaha wakiilada ee u tartamayey gudoomiye ku xigeenka koowaad waxa jiray is afgarad, sida laga war hayana gudoomiyaha golaha wakiilada waxa somaliland iyo xisbiyaduba ay isgarasho guud isla qaateen inay u tartamaan laba mudane oo ka soo jeeda gobolada Sool iyo Sanaag ama isku beel kas oo jeeda, taasina maaha heshiis meel lagu qoray ee laakiin waa wax laysla gartay oo guud, taasina waa tii sidaas ku dhacday oo xisbiga Waddani waxa uu soo sharaxay Cabdiraxmaan Talyanle, kulmiye-na waxa uu soo sharaxay Baashe Maxamed Faarax”. Xildhibaan Waabeeye ayaa sidoo kale sheegay inaanu xildhibaan Siciid Cilmi Rooble ka mid ahayn musharaxiintii u tartamayey kursigii shirgudoonka golaha wakiilada waxaanu yidhi “Sidoo kale marka laga yimaado gobolkada sool iyo sanaag, xisbiyadu sidii oo kale oo heshiis aan qornayn oo isafgarasho guud ah waxa layskula gartay in loo sharaxo mudane ka soo jeeda gobolka Awdal, Xildhibaan Siciidnna isaga ayaa gudoomiye u ahaa xildhibaanada Waddani ee golaha wakiilada, ninkii xisbiga ugu sharaxnaa gudoomiye ku xigeenka koowaad ee Xasan Karaama ninka soo jeediyey ee keenay isaga ayuu ahaa, inuu maanta yidhaa waa lay dhabar jabiyeyna waxaan u arkaa marmarsiiyo uu xisbiga kaga baxayey, laakiin wixii uu ka qayb galay ee uu qaybta ka ahaa waa layla qaadan waayey anigu lama qabo”. Xildhibaan Waabeeye oo hadalkiisa sii wata ayaa intaas raaciyey “Sidii aannu xildhibaan Siciid u wada ee gudoomiyaha ugu wada dooranay Cabdiraxmaan Talyanle, markii dambe ee uu soo noqday wax uu kaga duwan yahay maan arag laakiin fadhiyadii uu iman jiray ee xildhhibaanada golaha wakiilada ee ka soo jeeda xisbiga Waddani ayuu mudo dhawr cisho ah ka maqnaa dabadeedna waxa lagu war helay inuu u sharaxan yahay jagada gudoomiye ku xigeenka koowaad waxaannu yidhi aniga Kulmiye ayaa I dooranaya, Kulmiyena muu wadan Siciid ee waxa uu u ololaynayey oo uu wax walba dul dhigay inuu Axmed Yaasiin soo saaro, Kulmiye waligii umuu ololayn inuu Siciid doorto , Waddanina umuu ololayn oo kaadhka la ciyaarayey kaas Awdal ayuu ahaa, Kulmiyahan uu maanta ku biirayna way ka ololaynayeen haday tahay wasiirada, gudoomiyaha iyo madaxweyne ku xigeenkaba.”