Kuma ayuu ahaa Askarigii Qudha Ka Jaray Danjirihii Ruushka u Fadhiyey Turkigu?

0
48

mujaahid-geesiya-dheh

Gudaha ka Akhri Sida uu goobta kusoo galay iyo weliba waxa uu ka yeelay dadkii ku sugnaa goobta uu dilka ka fuliyey

Magaciisu waxa uu ahaa Mevlut Mert Altinas, waxana da’diisa lagu sheegay 22-jir, waxa xubin ka ahaa ciidamada booliska ee rabshadaha ka hortaga ee magaalada Ankar

Awalkiisii hore waxa uu ka yimi oo uu kasoo jeedaa magaalada Soke oo ku taalla dhinaca Galbeed ee dalweynaha Turkiga, taas oo u dhaw xeebta badda loo   Aegean Sea.

Waxa uu ahaa xubin firfircoon oo ciidamadan rabshadaha ka hortagga ka tirsan ilaa iyo sanadkii since 2014, kadib markii uu ka qalin jabiyey dugsiga Booliska Izmir Police School.

Warar aan la xaqiijin, ayaa sheegaya inuu madashii uu dilka ka geystay oo si weyn loo ilaalinayey uu soo gelitaankeeda u isticmaalay aqoonsigiisa askarinimo, taas oo u saamaxday inuu si dhib yar goobtaas ku galo.

Sidoo kale waxa uu ilaaladii barxadda hore ee goobta uu dilka ka geystay u sheegay markii uu soo gelayey inuu kamid yahay ilaalada gaar u ah safiirka uu dilka u geystay, taas oo ay ciidamadii halkaas ku sugnaana aamineen, isl-markaana u fudaydisay inuu istaago safiirka agtiisa ka hor intii aanu dilkiisa fulinin.

Ugu yaraan siddeed xabbadood oo ku jirey baastooladii uu dilka ku fuliyey ayuu dhammaantood la beegsaday safiirka, kuwaas oo dhammaantood haleelay, isla markaana sababay inuu daqiiqado kadib qudh-baxo safirku, waxana askarigaas markii dambe toogasho ku dilay ciidamada ammaanka ee waddanka Turkiga.

Erayadii ugu dambeeyey ee afkiisa kasoo baxay markii uu toogashada fuliyey, ayaa ayaa waxa kamid ahaa: “Do not forget Aleppo! Do not forget Syria!” oo macnoodu yahay ha ilaawin Xalab, ha ilaawin Siiriya, taas oo loo fasirtay inuu ka cadhaysan yahay xasuuqa magaaladaas ka socda oo masuuliyaddiisa ugu badan loo tirinayo waddanka Ruushka oo uu safiirka la dilay kasoo jeeday.

Dadkii joogay madxafka uu dilku ka dhacay, ayuu u sheegay markii uu dilka fuliyey kadib inay si nabadgelyo ah goobta uga baxaan, isla-markaana aanu u soconin inuu wax dhibaato ah u geysto iyaga, waxana uu hortooda ka caddeeyey inuu diyaar u yahay inuu dhinto.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here