Kuma Ayuu Ahaa Marxuum Maxamed Cabdi Aadan (Iskeerse) oo Shalay Ku Geeriyooday Magaallada Hargeysa?

0
127

Jenaasad Qaran Oo Maanta La Filayo In Lagu Wadaco Meydka Marxuumka Oo Lagu Aasayo Xabaallaha Xeedho

 13435335_10153874799274833_3595441939426098814_n

Hargeysa (Hubaal) – Allaha u naxariistee Marxuum Maxamed Cabdi Aadan (Iskeerse) oo kamid ahaa tiir-dhexaadka xisbiga talada haya ee Somaliland ayaa shalay ku geeriyooday Cusbitaalka guud ee magaallada Hargeysa, kadib markii uu sanadihii u  dembeeyey ahaa bukaan-socod d deris la ahaa xaalad caafimaad. Marxuum Maxamed Cabdi Iskeerse oo saamayn ku lahaan jiray giraanta siyaasadeed ee Somaliland, isla markaana xilal uu wasiirka ganacsigu ka mid yihiin kasoo qabtay xukuumaddii Marxuum Cigaal, sidoo kale kamid ahaa musharraxiintii xisbiga KULMIYE uga tartamay doorashadii golaha wakiillada ee sanadkii 2005-tii wallow aanu ku soo bixin, intii ka dembeysayna waxaa uu saamayn togan ku lahaa qaab dhismeedkii xisbiga KULMIYE cahdigii uu mucaaridka ahaa iyo guushii kadembeysay ee uu ku hantay doorashadii madaxtooyada ee 2010-kii, isaga oo ahaa alla ha u naxariistee marxuumku xoghayihii maalliyada ee xisbiga KULMIYE. Siyaasi Iskeerse waxaa uu muddooyinkii u dembeeyey intii aanu xanuunsan iyo intii uu bukaan socodka ahaaba nasasho kaga jiray siyaasadda isaga oo aan masraxeeda lagu arag wixii ka dembeeyey markii uu madaxweyne Siilaanyo soo dhisay xukuumaddiisii u horreysay 27 July 2010-kii oo  ra’yul caamku si weyn uga fileen in uu kamid noqday golaha fulinta ee madaxweynuhu soo dhisay balse markii laga waayay xubnihii uu madaxweynuhu ku dhawaaqay kadib waa laga waayay masraxa siyaasadda. Marxuumka oo tiraba laba jeer uu madaxweyne Siilaanyo ku booqay cusbitaalka Hargeysa oo uu jiifay illaa uu shalay geeriyooday waxaa uu xanuunkiisu la xidhiidhay hab dhiska neefashada oo uu ka caban jiray iyada oo qaadashada hawadu ku adkayd, taas bedelkeedana ay sanka kaga rakibnaan jirtay  tuunbo dheer oo  hawada  Oxygen-ta kasoo qaadi jirtay haan taayirro leh oo garabkiisa oolli jirtay mararka uu meel tegayana la garab wadi jiray. Illaahay naxariistii janno ha ka waraabiyee siddeed bilood oo uu xanuunkaas habdhiska neefsiga u jiifay cusbitaalka Hargeysa waxaa uu geeriyooday shalay. Maanta ayaana la filayaa in aas qaran loo sameeyo.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here