Hargeysa:(Hubaal)-Qiyaastii dad gaadhaya 3000-kun oo qof oo doonaayey in ay tahriib ku tagaan qaaradda Yurub ayaa laga soo badbaadiyey Badda Cad, (Mediterranean sea) toban hawlgal oo la qaadey maalintii Arbacadii ina dhaaftay sida ay xaqiijiyeen Ciidamada Ilaalada Xeebaha Talyaanigu. Hay’addaha badaadinta ee ka shaqeyneysa Badda cad ayaa sheegtey in dad gaadhaya 55 qof ay ku geeriyoodey muddadii hawlgalku socdey. Badi dadka ku geeriyoodey maalintii Dorraad Badda cad ayaa laga heley iyaga oo dul saaran alwaax doonta ay ka jabsadeen meel ku dhaw xeebaha Liibiya, isla doontaas ayaa laga soo badbaadiyey 450 qof oo nool. Doonta dadku ku geeriyoodey waxaa kuwa badbaadey soo qaadey Markab laga lee yahay dalka Sweden ‘Poseiden’, dadkan badankiis ayaa dib loogu celiyey xeebaha Liibiya. Waxaa wararku sheegayaan in dad ka badan boqolaal kun ay ku sugan yihiin xeebaha Waqooyiga Afrika gaar ahaan dalka Liibiya kuwaas oo doonaya in ay gadhaan Yurub ka hor xilliga qaboobaha. Waxaa kor u kacay dadka ku geeriyoodey safarka Badda Cad, sidoo kale Midowga Yurub ayaa kor u qaadey ilaalinta xeebahooda.
Guriga WARAR UGU XIISAHA BADAN Kumaankun Tahriibe Oo Maalin Keliya Laga Daad-gureeyey Biyaha ROMA & TRIPOLI U...