Kumanaan Ka Mid Ah Aqoonsiyadii Dhalashada Muwaadinka Ee Wasaaradda Daakhiligu Gacanta Ku Haysay Oo Dab La Qabadsiiyey Iyo

0
98

Milicsiga Hanjabaadihii Wasiirka Daakhiliga Ee Qaadashada Kaadhadhkan Iyo Fadeexada Mooskiisa Taalla

“qof aan teesaro (khaadhka aqoonsiga) haysan inaanu lacag ka qaadan Karin xawaaladaha ama bangiyada” ayuu Ku Hanjabay wasiirku intii aanay soo bixin dhacdadani

Hargeysa (Hubaal)- joonyado ay ku jiraan kumanaan xabbo oo kamid ah kaadhadhkii cusbaa ee loo sameeyey muwaadiniinta reer Somaliland ee dhalashadooda diiwaangeliyey ayaa laga helay duleedka waqooyi ee caasimadda Hargeysa iyada oo lagu gubay.

Kaadhadhkan oo u badan kuwa ay muwaadiniintii is diiwaangeliyey ka sugayeen xafiiska diiwaangelinta ee wasaaradda daakhiliga oo hore ugu ballanqaaday in marka loo diyaaryo ay u yeedhi doonaan si ay u qaataan ayaa qaar kaid ahi waxa ay ka war heleen in kaadhadhkoodu ka mid yihiin kuwa iyaga oo guban laga helay meel 15 KM  dhinaca waqooyi ka xigta caasimadda Hargeysa.

Telefishanka Madaxa banaaan ee Somaliland Space Channel (SLSC) ayaa habeenkii xalay waxaa uu sii daayay muuqaallo kooban oo kamid ah kaadhadhkii diiwaangelinta madaniga ah ee shacabku waqtiga ku bixiyeen safafkii dhaadheeraa ee goobaha diiwaangelinta caasimadda oo  meel cidlo ah inta lagu qubay dab laqabadsiiyey. Kaadhadhkan ayaa isugu jira kuwo ay ku xardhan yihiin magacyadii iyo tixraacii Muwaadiniinta sawirkoodu ku yaaallo.   Somaliland Space Channel, oo isagu tagey goobta lagu gubay khaadhadhka, waxaa sida muuqaalka laga dheehanayay,daadsanaa Kumanaan kaadh oo ay lahaayeen muwaadiin  is diiwaangeliyay.kaadhadh

Telefishanku waxaa uu goobta ugu tegey qaar kamid ah dadweynaha ka ag dhawaa meesha lagu gubay kaadhadhkan waxaana ay uga warrameen dareenkooda iyo in ay bal cid ka aqoonsadeen kaadhadhkan, “waa kaadhadhkii diiwaangelinta ee muwaadiniintu lahayd, ma garanayno cida sidan wax yeeshay, balse carruurta ayaa soo guratay oo noo keentay, qaar badan oon ka helay baa jiray, kuwo kalena waanu ka rajeynaynaa haddaanu sii baadhno”. Sidaa waxaa SLSC u sheegay muwaadin kamid ahaa dadkii goobta joogay oo ka warramay dareenkiisa. Mid kale oo kamid ah goob joogayaashii gudaafadda ayaa isaguna yidhi “kaadhadhkani way dhinteen oo way gubteen, wax loo gubayna nalooma sheegin, waa kaadhadhkii aanu kuyuuga u galnay ee adduunku nagaga baxayna, ma garanayno sababta ay dawladdu sidan u samaynayso”. “goor la keenay iyo goor la gubay kamaanaan warhayn anagu, waxaanu ku ogaanay caruurta oo meelahaas sidata ayuun baanu ku helnay. Dawladdu waa tii na tidhi, waa khaadhkii aqoonsiga, qofkii aan sidan ma socon karo, ma shaqayn karayo, annagana hawl badan baa naga gashay oo aanu u galnay, dad badan baana qaatay, kuwo badana way sugayeen, kii sugayayna sidii buu u sagayaa, oo hadda dad badan oo sugayay ayaa halkan ka helay kaadhkoodii oo halkan lagu gubay, warna uma hayno dawladdu waxay sidan uga jeedo”.kaadhadh-2

Milicsiga Hanjabaadihii Wasiirka Daakhiliga Ee Qaadashada Kaadhadhkan Iyo Fadeexada Mooskiisa Taalla

Sida laga war qabo Kaadhadhkan ayaa ahaa kuwii uu wasiirka arrimaha guddaha Waran-cadde uu ku hanjabay in cidii qaadan wayda khaadhka aanay heli doonin xuquuqda aasaasiga ah ee uu qofku leeyahay. “qof aan teesaro (khaadhka aqoonsiga) haysan inaanu lacag ka qaadan Karin xawaaladaha ama bangiyada” ayuu hore u yidhi Cali Warancadde, oo sidoo kalena sheegay in qofkii aan sidan khaadhkan loo aqoonsan doono ajaanib “ciidanka nabadgelyada ayaa baadhi doona qofkii aan kaadhkan sidan waxa uu noqonayaa qof aan Somalilander ahayn wuxuna noqon doonaa qof ajaanib ah” ayuu wasiir Warancadde ku sheegay mar uu warbaahinta kula hadlaayay wasaaradiisa wakhtigii qalabka diiwaangelinta loogu talogalay ay dalka soo gaadheen ee lagu rogayayay wasaaradda arrimaha guddaha.kaadhadh-3 kaadhadh-1

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here