Kumanaan Muslimiinta Minnesota Ah Oo Markii Koowaad Salaad Wada Jir U Oogay

0
31

Minnesota (Hubaal) — In ka badan 8,000 oo qof oo ka mid ah muslimiinta ku nool gobolka Minnesota ee Mareykanka ayaa habeen hore ku wadda tukaday salaaddii taraawiixda xarunta shirarka ee Minneapolis Convention Center, dadkan oo noqonaya kuwii ugu badnaa ee gobolkaas meel qudha kuwada tukada taraawiixda.

Abaabulka kulankan oo looga gol-lahaa sidii loo caawin lahaa dadka Soomaalida ah ee saboolka ah ayaa waxaa si wadajir u soo agaasimay hay’adda samafalka Camuud iyo ururka midowga 11 masaajid oo ku yaalla dalka Mareykanka.

Salaadda taraawiixda ah ayaa lagu casuumay inuu imaam ka noqdo Sh. Maxamed Jabriil oo ka mida culummada waaweyn ee dalka Masar ahna wadaad si aad ah loo jecel yahay akhriskiisa Qur’aanka Kariimka.

Muslimiinta MinnesotaSheekh Axmed Taajir oo ka mida culummada Soomaalida ah ee ku nool Minnesota oo ka sheekeeyay taariikhda Sheekha ayaa xusay in masaajidka Sheekhu ka tujiyo magaalada Qaahira ay ku tukadaan dad aan la qiyaasi karin iyadoo ay xidhmaan inta badan waddooyinka. “Toban sano oo aan magaalada Qaahiro deggenaa nasiib uma helin inaan ku-daba tukado Sheekh Maxamed Jabriil, waase nasiib aan kula kulmay halkan,” ayuu yidhi Shiikh Axmed Taajir.

Imaam Shakiib Abqari ayaa isna ka warbixiyay wax-qabadka Amoud Fondation 20-kii sano ee ay jirtay, isagoo xusay inay ahayd hay’addii dib u dhistay Cusbitaalka Boorame. Wuxuu intaas ku daray in hay’addan ay tahay mid wax weyn u qabatay muslimiinta ku nool Afrikada Bari iyo dalal ka tirsan Qaaradda Aasiya.

Sidoo kale, Sheekh Xasan Maxamuud Jaamici oo ah imaamka Masjid Dacwa St Paul ayaa ka hadlay midnimada 11ka masaajid, isagoo xusay inay ahayd tallaabo sabab u noqotay horumar xag walba ah oo ay gaadheen markii uu midowgaas hirgalay. Waxaana uu tilmaamay inay sii wadayaan dedaalkooda.

Xubnihii kale ee kulanka ka hadlay ayaa waxaa ka mid ahaa Maxamuud Cabdi-rauf oo ah nin hore uga tirsanaa ciyaartoyda kubadda kolayga oo loo yaqaan NBA-da ee dalkan Maraykanka, isaga oo la hadlay dhallinyarada ku kortay Mareykanka isagoo ku dhiirri-geliyay waxay higsanayaan inay marka hore ka qiimeeyaan diintooda ayna la yimadeen niyad bira si ay u gaadhaan hamigooda.

Ugu dmbeyn, in ka badan 1,000 qof oo ka mid ah muslimiinta ku nool Mareykanka ayay u suuro-geli wayday inay soo galaan gudaha xarunta; waxaana dib u celiyay ciidamada booliiska Minneapolis, kaddib markii uu buux-dhaafay hoolkii loogu talo-galay in salaadda Taraawiixda lagu tukado.

Dadweynihii ka qaybgalay salaaddii Taraawiixda ee habeen hore ayaa lagu soo qaadayay basas ka imaanayay xaafadaha Cedar, Karmel iyo St Paul, Jawigu wuxuu ahaa mid wanaagsan. Iyadoo ugu dambeyn Sh. Maxamed Jabriil uu duco ka akhriyay goobta.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here