“Wareejinta Haamaha Shidaalka Berbera Waxba Ka Odhan Maayo Oo Dawladday U Taallaa”
Guddoomiyaha Golaha Guurtida oo Ka Hadlay Gucle-orodka Loogu Jiro Musharraxanimada KULMIYE Iyo Loollanka Xaraarradiisu Kacsan Tahay
Hargeysa (Hubaal)- Guddoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland Md Saleebaan Maxamuud Aadan, ayaa Ka Hadlay Loollanka iyo Guclaha loogu jiro Musharraxnimada Madaxweynenimo ee Xisbiga Kulmiye oo Beryahan Xamaasadeeda la dareemayo, waxana uu tilmaamay in baahi loo qabo in tartan lagu kala hadhayo la wada galo. Saleebaan Maxamuud Aadan waxa uu kale oo uu ka Hadlay Da’weyntii umadda oo wali kali ku ah Hoggaaminta Waddanka iyo sida ay Da’yartu uga maqan yihiin Boosaska sare ee Dalka, waxana uu tilmaamay in Dhallinyarada looga Baahan inay Wixii ka Maqan raadsadaan.
Ugu horrayn Saleebaan Maxamuud Aadan oo qaar kamid ah warbaahinta Maalintii shalay la Hadlay, ayaa ugu horrayn ka hadlay loollanka Kulmiye, waxana uu tilmaamay wax loo baahan yahay.“Anigu Golaha Dhexe ma ihi, laakiin insha allah wanaagna waa ugu dhammaan doontaa nin dee way iska dhex dooran doonaan. Loollanku waa xaq oo lama diidana, taasaana ninka saxda ah lagu helaa aakhirkana nin bay u soo bixi oo ninkaas uun baynu ugu ducayni.” Ayuu yidhi Saleebaan Maxamuud Aadan. Mar uu Guddoomiye Saleebaan Maxamuud Aadan Ka Hadlayey Rag Isaga(saleebaan), Siilaanyo iyo Cirro kamid yihiin oo xilli da’doodu weyn tahay haddana hoggaaminta Dalka u jeellan iyo sida meesha looga saari karo, ayaa waxa uu yidhi,“Kursiga la iskagama kacee waa la iska riixdaa dhallinyaraduna markay diyaarn noqoto waa nalaga riixanayaa markaana wuu bannaanaanayaa.” Su’aal la xidhiidhay wareejinta Haamaha shidaalka Berbera la weydiiyey, ayaa si weyn uga warwareegay Jawaabtaas, waxana uu tilmaamay inay tahay arrin xukuumadda u taalla, “wareejinta Haamaha Shidaalka Berberana waxba ka odhan maayo oo Dawladday u taallaa.” Ayuu yidhi Saleebaan Maxamuud Aadan.