Wasiirka Madaxtooyada Somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi oo muddo shan sanado ka badan ahaa Wasiirki duulista waxa lagu xasuusan doonaa waxqabadkii iyo horumarkii uu ku sameeyay Wasaaradda Duulista iyo Madaarrada dalka, gaar ahaan Madaarka Cigaal International Airport, sidaas awgeed oo Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo u Magacaabay Wasiirka Madaxtooyada, markaa waxaan u soo jeedinayaa Wasiir Maxamuud Xaashi Cabdi Dhowr qodob oo aan is leeyahay waxa ku jirta danta Qaranka, danta Shacabka iyo Sharafta Madaxwaynaha iyo ta Xukuumadda, sidaa daraadeed Maxamuud Xaashi waxaan leeyahay Maanta waxaad tahay Wasiirka Madaxtooyada, Wasiirka Madaxtooyaduna waa xidhiidhiyaha Madaxweynaha iyo dhammaan qaybaha dawladda iyo shacabweynaha Somaliland, sidaas awgeed Mudane Wasiir waxaan kuu soo jeedinayaa saddexdan qodob inaad u gudbiso Madaxweynaha Qaranka Md. Axmed Maxamed Siilaanyo oo xaqiiqdii noqday Mandeelaha labaad ee Afrika. Qodobka koowaad, Mudane Wasiir waxaad ogtahay in Madaxwayne Axmed Siilaanyo uu si sharaf leh uga tanaasulay inuu mar labaad isku taago doorashada Madaxwayne ee dalka ka dhici doonta March, 2017-ka, sidaa awgeed waxaa waajib ku ah Golaha Xukuumaddiisa inay dardar-geliyaan dhammaan hawlaha suurta-galka ka dhigaya in doorashadu wakhtigeeda ku qabsoonto haddii Allaah yidhaahdo. Qodobka labaad, mudane Wasiir hanti-dhowrka guud ee Qaranka waa sharafta Madaxda iyo Maamul-wanaagga Qaranka, sidaa daraadeed waxa hoggaanka Hanti-dhowrka Qaranka ka muuqda daal iyo kaantarool la’aan, markaa Mudane Wasiir in Hanti-dhowrku shaqeeyo waa sharafta Xukuumadda jirta. Waa in Xukuumaddu muujiso hawl-galka hanti-dhowrka Qaranka.
Qodobka saddexaad, Mudane Wasiir waxaad ogtahay in Madaxwayne Siilaanyo noqday Madaxwaynihii ku guuleystay in Ciidammada dalka loo qaybiyo derajooyinka Ciidan, haddaba Mudane Wasiir adigoo xog-ogaal u ah dhismihii Qarankan iyo Marxaladihii uu soo maray waxaan kugu dhiiri-gelinayaa in la dhamaystiro haybadda iyo sharafta Ciidammadeenna waxa ka dhiman oo ah direys Ciidan oo sannad leh oo loogu daro Miisaaniyadda Dawladda haddii Allaah yidhaahdo. Mudane Wasiir qodobka saddexaad ee direysku waa arrin ay ilduufeen Xukuumadihii hore, sidaa awgeed waa qodob dastuuri in sannadkii hal mar loo iibiyo direys Askarta.
Wa billaahi Towfiiq
W/Q: Mowliid Aadan Cumar
Hargeysa/Somaliland