Pyongyang:(Hubaal)-Dowlada Kuuriyada Waqooyi ayaa la sheegay in ay ku fashilantay gantaal nooca ridada dheer ah oo ay tijaabisay , xili ay sii kordhayo xiisada ka dhalatay gantaalada ay dowladaasi tijaabiso.
Saraakiil katirsan Milatariga Mareykanka iyo Kuuriyada Koonfureed ayaa Warbaahinta u sheegay in Kuuriyada Waqooyi ku fashilantay gantaal nooca ridada dheer ay tijaabisay, waxaana tijaabintaasi noqotay mid lagu guul dareystay.
Gantaalka ay tijaabineysay dowlada Kuuriyada Waqooyi ayaa la sheegay in uu bur buray wax yar uun kadib markii la ganay, lamana cadeyn waxa keenay in tijaabadaasi fashilanto oo uu bur buro gantaalkaasi.
Taliska ciidamada dowlada Mareykanka ee Baasifiga ayaa sheega in ay dabagal ku sameyn doonaan wax la rumaysan yahay in uu ahaa gantaal nooca balaastikada oo ay riday Kuuriyada Waqooyi.
Tijaabada gantaalkan lagu guul dareystay ayaa imanaya xili dowlada Kuuriyada Waqooyi u hanjabtay dowlada Mareykanka iyo dowladaha kale ee xulufada la ah, waxa ay Kuuriyada Waqooyi sheegtay in diyaar u tahay in ay is difaacdo.