Kuuriyada Waqooyi Oo Shaacisay In Ay Ku Guulaystay Tijaabada Hub Nukleer Ah + Mareykanka Oo Cambaareeyay

0
133

Kuuriyada waqooyi ayaa sheegtay in ay ku guulaysatay tijaabada hub Nukleer ah oo ay xanbaari karaan gantaalada riddada dheer. Kuuriyada waqooyi ayaa waxa ay sheegtay in si buuxda ay ugu guulaysatay tijaabadii lixaad ee hubka Nukleerka. Xukuumada Pyongyang ayaa sheegtay in ay tijaabisay banbaano hydrogen ah oo ka awood badan Bamka atoomikada. Khubarada lafagura arrintan ayaa waxa ay sheegeen in sheegashadan ay tahay in si taxadar leh loo eego balse Kuuriyada waqooyi ay awoodeeda sii balaarinayso.

Markii ugu danbaysay oo ay tijaabo Nukleer ay samayso Kuuriyada Waqooyi ayaa ahayd September 2016. Kuuriyada waqooyi ayaa iska dhagatirtay cadaadiska caalamiga ah ee ku baaqaya in ay joojiso tijaabinta gantaalada iyo Nukleerka.

Cambaareynta Maraykanka ee K/Waqooyi

Dowladda Mareykanka ayaa codkeeda ku dartay cambaareynta loo soo jeedinayo Kuuriyada Waqooyi taas oo tijaabisay wax ay ku sheegtay hub nukliyeer ah oo si fiican loo horumariyay. Pyongyang ayaa sheegtay in ay si guul ah u tijaabisay bam nukliyeer ah oo ay xambaari karaan gantaalada ridada dheer. Madaxweynaha waddanka Mareykanka, Donald Trump, ayaa bartiisa Twitterka soo dhigay in “hadallada iyo ficillada” Kuuriyada Waqooyi ay yihiin “kuwo colaad hurinaya oo khatar ah”

Kuuriyada Waqooyi ayaa iska dhegatirtay cunaqabateynta Qaramada Midoobay iyo cadaadiska caalamiga ah ee ku aaddan hubka nukliyeerka ah ee ay sameysanayso iyo tijaabooyinka ay ku sameynayso gantaallada ay suuragalka tahay inay gaadhaan Mareykanka.

Kuuriyada Koonfureed, Shiinaha iyo Ruushka ayaa dhammaantood si xooggan u dhaleeceeyay tijaabada lixaad ee nukliyeerka Waqooyiga.

Xigasho: bbc

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here