Hargeysa:(Hubaal)-Maareeyaha Madbacadda Qaranka Somaliland Cabdilaahi Maxamed Jaamac(carey), ayaa jawaab adag ka daba tuuray Masuuliyiin dhawaan xukuumadda iska casilay, waxana uu tilmaamay in xubnahaasi ahaayeen qaar aan qaranku waxba u noqonaynin.
Maareeye Carey oo maalintii shalay shir jaraa’id ku qabtay Xafiiskiisa Magaalada Hargeysa, ayaa is-casilaaadda xubnihii xukuumadda ka dareeray ku tilmaamay inqilaab fashilmay, waxana uu sheegay in tallaabada xubnahaasi qaadeen ayad mid ka arradan milgaha siyaasadeed,“Is-casilaadda xubnihii xukuumadda ka tegay may ahayn mid leh sinji, sawrac, abnaq iyo Isir siyaasadeed leh, milgaha siyaasaddana way ka madhnayd, iscasilaadna may ahayne inqilaab fashilmay bay ahayd markii ay fashilmeenne waxa ay la noqotay inay ka yaacaan inta aan wax kale kusoo bixin. Nimankaasina bil saddex bay ku gudayeen.” Ayuu yidhi Maareeye Carey.
Maareeyaha oo hadalkiisa sii wata, ayaa xusay in Xubaha is-casilay qorshaysteen inay dumiyaan Somaliland gebigeedaba, balse ay iska indho tireen in qaranku ka koray wax xubno kooban waxyeello u geysan karo, waxana uu yidhi,
“Nimankaasi Geed weyn oo Somaliland la yidhaahdo oo umaddu hoostiisa hadhsanayso ayey baarka sare ka saarnaayeen oo midhihiisa cunayeen, dabadeena waxay ku Shireen inay geedka gooyaan iyagoo aan gudin usoo qaadan, waxana ay isku qanciyeen inay geedka baallihiisa ka degaan, dabadeedna dib bay ugu soo noqon kari waayeen.”
Kooxda sida midaysan uga Baxday xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo, waxa uu maareeyuhu ku sheegay inay ahaayeen Gafaneyaal iyo gabaarreey ku naaxday dhiigga umadda masaakiinta ah, waxana uu xusay in laga raysan doono,
“Nimankaas waxan leeyahay qaar kaa horreeyey oo hodan ah baa na dhaafay, xaalado ka adag baa dalka soo maray, qarankuna ma aha wax qof u duwa, wax allaale wax ay dalka ku samayn karaan ma jirto, mana aha meel maanta la odhanayo Hebel bay u dumaysaa, cidina is baryi mayso, waanad arki doontaane intaas meesha ka tagtay waa laga raysanayaa, waxana ay ahaayeen Gafanayaan sida Neefka adhiga ah Shacabka ku dhegsan oo dhiigooda jaqa.”ayuu yidhi Maareeye Carey.
Dhinaca kale Maareeyuhu waxa uu madaxweynaha ku Hambalyeeyey mawqifkii uu ka qaatay Kooxda is-casishay iyo sida uu muddo kooban ugu magacaabay xubno kale oo halkoodii buuxiya, waxana uu yidhi,
“waxan madaxweynaha ku hambalyeynayaa mawqifkii cadda ee aan madmadowga lahayn ee uu ku sheegay inuu xisbiga Kulmiye dhex u yahay. Ta labaadna waxan hambalyo ugu dirayaa madaxweynaha sidii uu uga aqbalay iscasilaadda xubnihii kuraasta banneeyey iyo sida haboon ee uu beddelkooda markiiba u helay, isla-markaana ciddii ugu habboonayd ugu helay.Shirka soo socda ee Xisbiga Kulmiye waxan ilaahay ka rajaynayaa inuu si hufan u dhici doono, isla-markaana noqdo mid ujeeddooyinka laga leeyahay laga gaadho.”
Maareeyaha oo jawaab siinaya rag uu sheegay inay xukuumadda dhaliisheeda kutalax tageen, ayaa yidhi,
“Waxa jira rag aanu isku beelo nahay oo ku jira Xisbiyada Mucaaridka oo in badan dhaliilo ujeedinaya Xukuumadda, hore waan uga aamusnaa oo waxan islahaa waa niman siyaasadda ku cusub oo doonaya inay caan noqdaane iska daa, marna siyaasadda xukuumadda ma saamaxayn in loo jawaabo oo shaqo muuqada ayaa loogu jawaabi jirey, haatan wixii ka dambeeyase waxan siin doonaa jawaab ku habboon, wayna dhaaftay xilligii loo dulqaadan karayey. Waana niman aanu is fahmayno oo aanu is garanayno.”