“Kuwii Aynu Wada-Hadalka U Diranay Diyaaraddii Ay Innagu Wadeen Ee Ay Duuliyayaasha Ka Ahaayeen Bay Baarashuudkii Ka Goosteen Ilaa Wasiiral Khaarajigeeniina Mar Bay Ka Wada Degeen”

0
20

“Dee Adeer Hadduu Muuse Biixi Dhibi yeeshay Annagu maxaanu ku diidaynaa, waanu Ogolahay,wada-hadallada aanu gelaynaa waa kuwo…”Boqor Buur-madow.

Hargeysa:(Hubaal)-Boqor Cismaan Aw Maxamuud Aw Buur-madow oo kamid ah Madax-dhaqameedka Reer Somaliland, ayaa si adag uga Hadlay Muranka iyo doodda ka taagan Wada-hadalkii ay Somaliland kula jirtey Dhiggeeda Somalia oo la sheegayo in Madax-dhaqameedku ka qayb qaadan doonaan.buur madow

Boqor Cismaan Oo Maalintii shalay Dalka Dibadiisa kasoo laabtay, ayaa difaacay inay madax-dhaqameedku ka qayb galaan Wada-hadal lala galo Somalia, waxana uu tilmaamay inay Salaadiin ahaan Arrintaas xaq u leeyihiin, isagoo si weyn u ammaanay doorkii Madax-dhaqameedka ee Taariikhda Dalka,“Dalka intii aan ka maqnaa wax badan baa isbeddelay Maalmahanna waxyaallo badan baa jirey, madax-dhaqameedku raggii caalamka wax ka doontay ee Dalkan xoreeyey ee inaanu dhaxal-wareegin ka taliyey eek a ilaaliyey cid walba ayey ahaayeen, Somaliland-na waxa ay luntay Markii Wiilal Gaaladu wax soo bartay ay yidhaahdeen annagaa u talinayna, khasaare badan kadibna waa ta halkaas inaga dhigtay.” Ayuu yidhi Boqor Buur-madow.

Boqorka oo Hadalkiisa sii wata, ayaa ka digay diidmada Siyaasiyiinta iyo salaadiinta qaarkood ka horkeeneen Ka-qaybgalka Salaadiinta ee Wada-hadallada, waxana uu tilmaamay in taasi keeni karto Go’doomin caalami ah oo Somaliland gasho, waxana uu yidhi,“Waxan ka xumahay siyaasiyiinteena iyo madax-dhaqameedkeenu inay saaxadda Somaliland u ekaysiiyeen Eritrea, haddii hadba safaaradaha inoo yimaadda aynu cunaha iskaga duubno, waxana aan idiin xaqiininayaa inaanay jirin madax-dhaqameed Dawladda Turkigu lasoo xidhiidhay ama la hadashay, xataa Dawladii Waraaquhu u imanayeen ayaa Weerartay Qunsuliyaddii, waxana aad moodda inaynu sida Eritria ka shaqaynayno inaynu go’doono.”

Boqor Buur-madow waxa uu ayaan-darro ku tilmaamay in Xubnihii xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo wada-hadallada Turkiga u metelayey ay Si Siman Xukuumadda uga dareeraan, waxana uu si weyn u ammaanay shacabka Reer Somaliland,

“dadka saldanadda yaqaanna ee inala jaarka ah waa inaynu ku dayanaa, salaadiinta iyo Shacabkuna waxa ay quus ka joogaan Xisbiyadii iyo kuwii aynu wada-hadalka u diranayna diyaaraddii ay inagu wadeen oo ay Duuliyayaashii yihiin bay Baarashuudkii ka goosteen oo ka duuleen  ilaa Wasiiral khaarajigeeniina Mar bay ka wada degeen, Baarlamaanka raggii aynu u diranayna Feedh bay isla dhaceen, Xisbigii iyo xukuumaddiina waad arkaysaan oo waa la is muquuniyey.” Ayuu yidhi Boqor Buur-madow.

Boqorku waxa uu rabitaanka madax-dhaqameedka ee Wada-hadallada ku tilmaamay mid ay xaq u leeyihiin, isla-markaana aan laga hor istaagi Karin, waxana uu yidhi,“annagu wada-hadallada aanu gelaynaa waa kuwo cilmiyeysan oo aanu xaq u leenahay, waxana aanu ka shaqaynaynaa Nabadaynta, waxana aanu xod-xodanaynaa ragga dhiggayaga ah oo shacbiga la hadalno, mana qabno in dalka Eritria loo ekaysiiyo,”

Dhinaca kale waxa uu Boqorku si buuxda u taageeray Musharraxnimada Madaxweynenimo ee Muuse Biixi dhawaan ku Guulasytay, waxana uu tilmaamay inuu si weyn arrintaas usoo dhaweynayo, waxana uu yidhi,

“Haddaanu Awrku Dhibi Yeelan Qaalimada Geela kama saaro, dee Adeer Hadduu Muuse Biixi Dhibi yeeshay Annagu maxaanu ku diidaynaa, waanu Ogolahay annagu laakiin Salaadiintiisaa Diiday.”

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here