‘La jiifiyaa na bannaan…!’W/Q:- Mustafa A.Nuur

0
49

DPicture8hibaato xoog leh oo gurmad u baahan oo dhinaca sharciga ah ayaa waddan ka Somaliland ka taagan. Waxa ka jira sharciyo maalin ba nin ka dan lihi uu meel ku buuxsado. Ma sharcigaa qallooca mise tafsiir ka la saaro ayaa qallooca? Sharci yaqaannadu dhibaatooyin kaasi sharciyadeed dan iyo muraad kama laha.
Burbur ka ku dhaca ummadaha waxaa lagaga badbaadaa sharci cadli ah oo qof waliba ka baqo ciqaabtiisa, isla markaasi ku kalsoon yahay hiil kiisa. Bulshada Somaliland waxay soo galeen halgan lagu macneeyo in uu ka billowday cadaallad darro, iyo isu awood sheegasho; haddana weli waxaa waddan kii ka jira cadaallad darrooyin isa sii biirsanaya maalin walba!.
Xisbiga waddan ka hogaamiya ee KULMIYE waa xisbiga ugu muran ka badan, ee ugu is jiidjiidka badan xisbiyada waddan ka oo dhan, haddana guullo la sheegi karo laguma gaadho buuqiisa joogtada ah. Kolka ay faannayaan waxay sheegtaan in ay sabab u tahay murranadaasi ‘’dimuqraadiyad’’ xisbiga ka dhex jirta.
Dhowaan kolkii uu dhammaaday shir weynnihii saddexaad ee KULMIYE waxaa soo if baxay muran laxaad leh oo ka dhex qarxay hoggaan ka sare ee KULMIYE. Waa xumad ay kicisay awooddaha xisbiga iyo kuwa waddan ka oo la kala jiidanayo. Kolka aynu shicib nahay waxaa ina saaran xil, xil aan ahayn in aynu ahaanno daawadayaal maalin ba nin shaqadiisii ka soo bixi waayay ina qaybiyo oo inna burburriyo.
KULMIYE waxa uu leeyahay hal sharci hoosaad ama distoor oo xisbiga u gaar ah oo ka soo baxay shir weynnihiisii labaad 31 March, 2008. Maalintii uu shirkaasi xidhmayay waxaa ka soo xaadiray 503 xubnood, waxaana la ansixiyay distuurka xisbiga oo ay u codeeyeen 482 xubnood. Kolkii shirkaasi xidhmay waxaa la soo saaray liis ka koobnaa gollihii dhexe iyo fullintii KULMIYE. Waxaa magacaabay golahaasi Siilaanyo oo ahaa guddoomiyihii la soo doortay. Haddaba sharciyaddii ama ba ‘’heshiis’’ kii uu cuskaday Mr.Siilaanyo ee uu ku soo dhisay goliisii wakhtigaasi miyaa wax laga bedellay? Haddii guddoomiyaha maantu uu sidoo kale isna liis soo saaro, maxaa gef sharciya ka dhigay? Liiskaa hore ee March 2008 halkii uu dabada ku hayay, miyaan kan cusubinna ku hayn karin?
Madaxweyne A.M.Siilaanyo
Maalin kasta waxaynu maqllaynaa madaxweynuhu sidannuu doonayaa ama sidan ma doonayo. In madaxweynaha damaciisa siyaasiga ah ee uu ku doonayo madaxnimada xisbigiisa iyo waddan kiisaba cid kale wadwaddo isagii oo nool callaamad su’aal weyn baa dul taalla.
Madaxweynaha ummadu soo dooratay ee arrimahan waddan ka ka socda aan eray ka odhan xil baa saaran. Xil weyn baa ka saaran xisbigii uu ka soo baxay iyo waddan ka ammaan kiisaba. Qaska abaabullan ka soo ifbaxay madaxtooyada iyo dhaqan ka aan waafaqsannayn dimuqraadiyada iyo fekerka xorta ahi wuxuu xagal daac ku yahay nabadgelyada waddan ka iyo dimuqraadiyada.
Madaxweynuhu waxa uu xaq distooriya u leeyahay in uu mar labaad isku taago xukun ka waddan ka, balse isna waxaa waajib qaran ku ah in uu cod kiisa gaadhsiiyo shacabka uu codka ka doonayo. Qof aan isagii ba hadlayn haddii KULMIYE ku baaba’ayo isaga lee waaye!
Madaxweyne xigeen Cabdiraxman Saylici
Mar madaxdweyne ku xigeen ka la wayddiiyay in uu musharaxnimada muran ka dhallisay kula jiro madaxweyne Siilaanyo waxa uu ku jawaabay: ‘’waxaannu nahay package, halka uu maro [Siilaanyo] ayuun baan anna marayaa…’’ Xaasha’e madaxweyne ku xigeen ma tihid ‘’package’’ . Waxaad tahay madaxweyne lala soo doortay madaxweynaha. Waxaad xilka ummada ku haysaa oo aad kursiga ugu fadhidaa kalsoonidii shacabka iyo codkoodii. Eraygaasi aad naftaadii ku xaqirtay raali gelin naftaada ka sii, qaran kana ka xaal mari. Waxaad leedahay awooddo, waxaad leedahay aragti siyaasi ah oo xor ah, waxaad tahay qof ka duwan 100% madaxweyne Siilaanyo. Waxaad leedahay duruufo gaar kuu ah, waxaad leedahay damacyo gaar kuu ah, waxaad leedahay karaamo ka badan hebel iska dabogal… Waa in aad yeelataa han sare oo ku dhereran ka madaxweynaha. Qardoofooyinka siyaasiga ah ee doogta noqday ee reer Qaaxo ha ku dhex hafan, madaxaaga kor u qaad waddan kuna maanta adiga iyo badbaadaada ayuu u baahan yahay.
Xeer No: 14
MustafeWaa xeer dhib badan, oo kolka aad akhriyayso isku murugsan. Waxa lagu qoray erayo afsoomaali ah oo aad u debecsan. Lagama ilaalin weedhaha macnayaasha badan yeelan kara ee madaxwareerka dad ka ku ridi kara. Haddana weli waa sharcigii nidaam ka xisbiyada iyo ururada loogu noqon lahaa, oo meel aynu uga kacnaa ma jirto. Waa kitaab koodii ay ku sallayn lahaayeen dhaqdhaqaaqyadooda maalin laha ah, sannad laha ah ama billaha ah ba.
Madaxweyne ku xigeen ka iyo wasiirka xannaanada xooluhu waxay sheegeen in muranka taagan ee KULMIYE uu salka ku hayo heshiis dhex maray golaha sare ee xisbiga. Heshiis kaasi waxa ka soo baxay (waa sida ay yidhaahdeenne): a) in Muuse Biixi guddoomiyenimada xisbiga aan lagula tartamin. b) in musharaxa madaxweynenimo ee shanta sanno ee soo socda loo daayo Siilaanyo.
Horta haddii uu muran ku kaasi yahay, waxaa been ah faan kii KULMIYE ee ahaa ‘’waa xisbi dumuqraadi ah oo lagu loolamo’’. Maxaa xisbigii ugu ballaadh naa waddanka ku meermeeriyay kanna halkaa halloo daayo, kaana halkaa halloo daayo?. Xisbi dimuqraadi ah oo intaa le’eg, maamul kii waddan kana gacanta ku haya in uu waanu isku daysannay, haddana waanu is haysannaa dadka ku jahawareeriyo looga ma baahnayn.
Iyadoo ay sidaa tahay, haddana waa lagama maarmaan in aynu sharciga ay carrab ka ku adkeeyeen kooxda xukuummadu ee Xeer No. 14 , gaar ahaan madaxweyne ku xigeen ka iyo wasiirka xannaanada xooluhu la eegno.
Heshiiska ay sheegeen in lagu go’aamiyay shirkaasi turxaan saarka ahaa ee ay gaarka u qabsadeen waxa uu ka koobnaa laba qodob oo kala ahaa guddoomiyaha xisbiga cidda noqonaysa iyo murashaxa madaxweynnaha u sharaxan shanta sanno ee iman doona. Kolkaa waxa aynu hore u maqalnay in guddoomiyaha xisbiga loo daayay Muuse Biixi, fadhi loo dhan yahay ayaannay arrintaasi kaga dhawaaqeen. Waana sida sharcigu ahaa. Qodob ka kale ee musharaxnimada madaxweynne Siilaanyo ee shanta sanno ee soo socda maalintaasi maxaa loo shaacin waayay, sida qodob kan kale oo kale? Arrimaha jaadkaasi ah muxuu ka qabaa Xeer No. 14?
Qodobka 17aad: Isbeddelka Hoggaanka iyo shuruucda Xisbiga/Ururka.
1. Isbeddel kasta oo lagu sameeyo hoggaanka, shuruucda iyo Qaab-dhismeedka Xisbiga/Ururka waa in laga sheego warbaahinta ugu badnaan 15 maalmood ka dib marka uu Xisbigu/Ururku qabsado shirka uu ku gaadhay go’aanka isbeddelkaas.
2. Isla markaana waa in qoraal rasmi ah oo arrintaa ku saabsan loo diro xeer-ilaalinta iyo komishanka doorashooyinka qaranka mudo aan ka badnayn 15 maalmood.
Macnaha ku jira qodobkan waxa uu yahay, in KULMIYE uu sharciyadda waafajiyay heshiish kii xeer jajab ka ahaa ee ay ka gaadheen cidda noqonaysa gudoomiyaha xisbiga. Balse, haddii aannay sida qodob kaasi xusayo aannay musharaxnimada Siilaanyo sidaas oo kale uga shaacin madal loo dhan yahay, muddayntaa sharcigu sheegayana ay dhaaftay, waa halkoodiiye ‘’waa sharci darro’’ in maanta waddan ka khalkhal loo geliyo xeer jajab liid ah oo sidan oo kale ahina waa dib-u-dhac. Doobir ku jiri maynnee sharci cad baynu u baahannahay.
W/Q:- Mustafa A.Nuur, manmustafa@gmail.com

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here