La Kordhiye Yaa Loo Kordhiyay….Kordhinta Dambena Yaa Loo Kordhinayaa?

0
31

“Xilligu waa goor-xun saar,

Gegaa lagu dheelayaa,

 Shacbigu ka-garsoore yahay,

 Waxaa guul sheegan kara,

 Cidday u gartaan iyagu,

 Haddaad tahay guur-u-meer,

 Garaabo adoon qub-qubin,

 Adoon ummadda isku gubin,

 Dadweynaha soo gab yidhi,

 Waxaad ka gadayso mari,

 Abaalkana waa gudnaa,

 Waxaad noo gashee horiyo,

 Gadaal waxaad maaggan tahay,

 Bal noo sheeg waa golee,”

gorgor

Maansada  Gurmad ee Macallin Gaarriye, 20/10/2005kii, Hargeysa

Qalinka: Boobe Yuusuf Ducaale – cankaabo@hotmail.com, www.dharaaro.com

Hargeysa, 4/5/2015ka,

Qormada: 3aad

  1. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland oo ay wada-tashigii ugu horreeyay la yeesheen,
  2. Saddexda Xisbi Qaran oo markii ay ku dhawaaqeen si buuxda oo aanu mugdi ku jirin u taageeray una garab-joogsaday oo mowqifkoodaa ku baahiyay qaybaha kala duwan ee warbaahinta – maqal iyo muuqaalba,
  3. Dadweynaha Somaliland oo aad ugu farxay in la wada oggolaaday maalintaa Komishanku cayimay oo aanay cidina ka hor iman ama ku gacan-saydhinba, meel kasta oo ay ku sugnaayeenna dhambaallo hambalyo ah ka soo diray: Muxaafid iyo Mucaaridba,
  4. Bulshada rayidka ah ee Somaliland oo sir iyo caadba u soo dhaweysay maalinta Komishanku cayimay,
  5. Is-bahaysiga Mucaaradka ayaa si buuxda u taageeray soo-jeedintan Komishanku ku cayimeen maalinta doorashada,
  6. Qurbo-joogta Somaliland oo dhambaallo hambalyo iyo taageeraba isugu jira hawada soo mariyay,
  7. Beesha caalamka oo taageero farsamo iyo mid dhaqaaleba ka gaysta doorashooyinka Somalinad in kasta oo ay muujiyeen dareen ah in ay ka fiicnaan lahayd in ay doorashooyinku qabsoomaan Diisambar, 2015ka,
  8. Madaxweynaha oo taageeradii ka dib si rasmiya oo taariikh, tix-raac iyo saxeex rasmiya lehba ku soo saaray qoraal uu Golaha Guurtida kaga dalbanayo in ay waajibkooda ka gutaan maalintan ay Komishanku doorashooyinka u cayimeen isaga oo faray: “In ay waajibkooda dastuuriga ah ka gutaan”,

Golaha Guurtida iyo dareemmadii ka soo noqday cayimaadda maalintan ka dib:

Komishanka Doorashooyinka Qaranku, 21kii Abrii, 2015ka oo ahayd maalin Salaasa ah ayay Golaha Wakiillada fadhi loo qaban-qaabiyay kaga dhawaaqeen maalintan ay u cayimeen doorashooyinka. Maalintaa, sida war-baahinta gashay waxa:

  1. Diidmo ka muujiyay Xildhibaanno Golaha Wakiillada ka tirsan oo loo tirinayay in ay ka soo jeedeen garabka Muxaafidka ah ee Madaxweynaha taageersan,
  2. Laba Xildhibaan oo Golaha Guurtida ka tirsan oo si badheedh ah u deedafeeyay maalintan Komishanku doorashooyinka u cayimeen oo ay sir iyo caadba u sheegeen in aanay Xaq iyo Xeer midnaba u lahayn oo ay Golaha Guurtidu awooddas dastuuriga ah iska leeyihiin. Xataa waxay tiraabeen hadallo aan milgaha Komishanka ahayn iyada oo uu midkood ku tilmaamay in ay is-nasakhayaan. Waa ereygii uu sida tooska iyo badheedhka ahba u adeegsaday ee aan maqlayay isla markaana daawanayay,
  3. Barqadii ay taariikhdu ahayd 27/4/2015ka, waxa madaarka Hargeysa ka soo degay Guddoomiyaha Golaha Guurtida oo la sheegay in uu yidhi: Xukuumadda muddo-kordhin waa loo samaynayaa oo dalku Xukuumad la’aan maayo. Waxa kale oo la baahiyay in Guddoomiyaha Golaha Guurtidu sheegay in muddo-kordhinta horeba loo samayn jiray,
  4. Isla maalintaas, 27/4/20`5ka, markii uu Guddoomiye Saleebaan gurigiisa tegay, waxa halkaas ugu tegay ergo ballaadhan oo ka koobnayd labada Xisbi ee UCID iyo Waddani oo uu hoggaaminayay Mudane Feysal Cali Waraabe. Si kooban ayaa halkaa loogu wada-hadlay. Guddoomiye Saleebaan, si fiican ayuu u soo dhaweeyay ergadaa labad Xisbi ka socotay, waxaanu si cad ugu sheegay in waqti inagu filan la haysto oo lagu wada tashado arrintanna go’aan loo dhan yahay lagaga gaadho. Wuxu asteeyay in ilaa 26/5/2015ka la haysto. Wuxu maalintaa hadalkiisii ku soo gunaanaday in la yeeli doono sidii dal iyo dadba u dan ah. Qoraal rasmiya ayay labada Xisbi u dhiibeen oo ay ku qeexeen mowqifkooda mideysan,
  5. 28/4/2015ka, ayaa markii ugu horreysay intan uu soo noqday uu Mudane Saleebaan isugu yeedhay Golaha Guurtida. Hadal aad u koobnaa – qiyaatii 56 Il-bidhiqsi ama ‘second’ – oo uu halkaa ka jeediyay wuxu ku sheegay: In Guddi ballaadhan la saari doono oo wada-tashi ballaadhan la yeelata dhinacyada ay arrintani khuseyso, in waqti ku filan oo arrintan lagu maareeyo la haysto iyo in dal iyo dadba loo danayn doono. Guddoomiyaha Golaha Guurtidu hadalkiisaa koobnaa wuxu ku soo gunaanaday isaga oo Golaha ku yidhi hadal u ekaa: Xukuumadda, Xisbiyada iyo Komishankaba dhegaha ayaynu ka furaysanaynaa.

Qaybta ugu dambaysa Qodobkan 5aad ee ka soo yeedhay Guddoomiyaha Golaha Guurtida ayaa dacar iyo ladhba kiciyay. Xukuumadda iyo Xisbiyadaba ha maqlina, waxba looma qaadan oo aan ahayn Guurti ahaan dhex ayaynu nahay. waxa se aad loo dhibsaday oo la liqi waayay weedha ah “iyo Komishanka” oo uu ku daray kuwa dhegeha laga furaysanayo. Haddii aanu Guddoomiyaha Golaha Guurtidu wax kale uga jeedin, waxa loo qaatay in Guddoomiye Saleebaan uga gol lahaa go’aankii Komishanku maalinta doorashooyinka ku cayimayna waxba kama jiraan.

Maalintan Komishanku ku dhawaaqay mar ay iayagu lahaayeen ayaa jirtay oo waa intii aanay ku dhawaaqin ee ay iyaga ku koobnayd. Maalintan Komishanku cayimeen ma aha maalin sahlan. Waa maalin ay dadku ku wada heshiiyeen oo mid degdegayay iyo mid muddo-kordhin doonayayba sandulleysay. Waa waxa ugu mudan maanta ee aynu dhammaanteen heshiiska ku nahay. Waa maalin kulmisay muxaafid iyo mucaaridba. Waa maalin raalli laga wada yahay gude iyo dibadba. Waa maalin ay beesha caalamkuna inagu taageertay. Wax lagu doorsado oo la barbar-dhigo garan meyno. Soo-jeedin kale oo ag taallaana ma jirto. Yuhuunteenna ayaynu halkaa isugu wada geynay. Waa wax lagu farxaa marka la eego marxaladdan xasaasiga ah ee aynu marayno.

(La soco berri, haddii Eebbe idmo)

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here