Hargeysa (Hubaal) – Axmed Xasan Carwo oo ah La Taliyaha Madaxwaynaha Somaliland ee arrimaha dhaqaalaha isla-markaana maalmihii u dambeeyay waday barnaamij wacyi gelin, tusaale iyo Talo bixin ah ayaa ka hadlay farriimo uu ka helay siyaasiyiin, kuwaasi oo uu sheegay inay ku taageereen talooyinka uu xukuumadda siiyo.
Qoraal kooban oo soo gaadhay xafiiska wararka ee Dhamays.com ayaa u qornaa sidan “Waa siyaasiin waa weyn oo emailo ii soo qoray taageero ah…waxaan leeyahay hadday idinka dhab tahay warbaahinta geliya, ma aha waxaan soo jeediyey wax ii gaar ah waa dan guud iyo mustaqbalka ummadda sidaan u arko, mana aha Quraan ee waa ra’yi qof, dhaliil iyo diidmo beddel wadata waa wax loo baahan yahay.
Keena fikir kan ka duwan amba igu raaca oo muujiya, laga yaabaa in fikirka kaleba aan anigu idinku raaco..saxaafaddu ha ka korto nin ammaan, nin ceebeyn, qof tooxsi iyo hebel iyo heblaayo oo afkaar ha keento oo doodo midho dhal ah ha abuurto..su’ aalahu ha noqdaan maxaad arrintan ka tidhi, maxaad fikir haysaa, sideed wax u beddeleysaa, maxaad ka aaminsantay arrintan.. ee yey noqon hebel maxaad ku tidhi, hebel ma jeceshahay, ma hebel ayaad diidantay, heblaayo miyaad u dhowdey ee wax khaas ah oon dadweynha waxba uga shan iyo toban ahayn…”
Written by: Dhamays