La-taliyaha Madaxweyne Siilaaanyo Ee Siyaasadda Oo Qiray Siraha Wikileak, Wasiir Xirsi-na Ceeb Ka-saliim Ka Dhigay

0
52

Hargeysa:(Hubaal)-La-taliyaha Madaxweyne Siilaanyo ee dhinaca Siyaasadda Dr. Cumar Cilmi Dixood, ayaa qiray inaan meesha laga saari Karin jiritaanka Sirka Shabakadda Wikileaks ka faafisay somaliland, isagoo eeddo hor leh dusha u saaray Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibadda Maxamed Cabdilaahi Cumar oo marka arrimahaasi dhacayeen Dalka Wasiir ka ahaa.

dr dixoodDr. Dixood oo maalintii shalay saxaafadda kula hadlay Hargeysa, ayaa sheegay in Wasiirkii arrimaha dibadda ee wakhtigaasi Dr Maxamed Cabdillaahi Cumar uu bulshada Somaliland ka qanciyo arrinta la faafiyey, maadaama uu xilligaas ahaa wasiirka arrimaha dibadda somaliland.

 “Wikileaks waa Website caalami ah,waxaas uu soo saaray dee horta lama beenin karo, Waayo, Inta badan caalamka waxyaabo dawladdaha uuni ogyihiin baa jira laakiin, in nin Daboolka wax ka qaada oo cadho qaado oo yidhaahda aduunka shacabkiisu ha ogaado ayaa jira.markaa warkan uu ninkani soo saaray ee Somaliland ku soo baxay, anigu waxaan u malaynayaa in arrintaasi khusayso Maxamed Cabdillaahi, Wasiirkii arrimaha dibadda ee hore ayay khusaysaa, dawladda Somaliland shuqul kuma laha wixii halkaasi lagu soo saaray, waayo?, Maxamed Cabdillaahi shirar uu gali jiray baa jira oo gaar u ahaa, inta badanna waa kii kaligii socon jiray” ayuu yidhi Dr Dixood.

La-taliyahan dhinaca siyaasadda ee Madaxweyne Siilaanyo waxa uu intaasi raaciyay “Anigu waxaan qabaa, markii isagu(maxamed cabdilaahi) uu arrintaasi ka hadlayay may ahayn inuu Wasiir Xirsi Isku soo jinbaco(Gabbado), may ahayn inuu Xirsi dusha ka fuulo,haddii lagu haysto nin dabadaada jooga ama kaa fog la iskuma qaado ee waa la is difaacaa, markaa hadduu isagu is difaacayo ha is difaaco laakiin, aniga igamay dhaadhicin sababta uu Xirsi iskugu qaaday, waxaan u arkayay khalad. Haddii uu Xirsi dambi u hayso ama anigaba I haysto goordhaw ha ku mushxarado laakiin, marka hore dadka ha qanciyo oo ha yidhaahdo sidaas may ahayne sidaas bay ahay, dadku waxay doonayaan in la qanciyo” ayuu yidhi Dr Dixood.

Dr Dixood ayaa noqonaya masuulkii labaad ee xukuumadda ka tirsan ee Difaaca Wasiirka Madaxtooyada, isla-markaana eedo u jeediya wasiirkii hore ee Arrimaha Dibadda Maxamed Cabdilaahi Cumar ooh ore xukuumadda loogaga caydhiyey Taageero uu u muujiyey Guddoomiye Muuse Biixi Cabdi.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here