Xukuumadda Sacuudiga ayaa baaraysa kiis la xiriira muuqaal lagu baahiyay baraha bulshada kaasi oo muujinaya nin bisado ku tooganaya magaalada Jidda.
Dowladda Sacuudiga iyo laamaha ammaanka ayaa sheegay in ay baadi goobayaan ninkaas gaystay falkaasi arxan darada ah.
Muuqaal lagu baahiyay barta Snapchat ayaa muujinaya ninkaasi oo isticmaalaya qoriga islamarkana tooganaya bisadaha.
Arrintaas ayaa horseeday in ay aad uga caroodaan kumannaan qof oo isticmaala baraha bulshada kuwaasi oo ku baaqayay “in ninka bisadaha laayay lala xisaabtamo.
Muuqaalka ayaa muujinaya bisadaha oo sakaradaya ka dib markii uu ninkaasi toogtay.
Qaar badan oo ka mid ah dadka isticmaala baraha bulshada ayaa ku tilmaamay nin xannuunsan.
Waxa ay dadkani ku baaqeen in cid waliba oo si arxan dara ah ula dhaqmaysa xawayaanka lala xisaabtamo.
Qaar kale ayaa bartooda tweetarka ku soo qoray in falka ninkani uu Bisadaha ku laaynayo ay tahay mid ak soo horjeeda diinta islamka islamarkana ay danbi tahy.
Dadka arrintan fikirkooda ka dhiibtay ayaa waxa ka mid ahaa saxafiga Turki Shalhoub oo yiri “Alle ayaa u naxariista kuwa dadka kale u naxariista.
Ma aha falkii ugu horeeyay oo Bisado lagu laayo ,waxa jiray bishii June,in 200 oo Bisadood lagu
Saint Pierre la Mero o ku taalla dalka faransiiska.
Bishii July, nin aya lagu xukumay 16 sano oo xarig ah gobolka California ka dib markii uu qirtay in uu xaday islamarkana uu jirdil u gaystay Bisado islamarkana 18 ka mid ah uu gacantiisa ku dilay.
Xigasho: bbc