Hargeysa (Hubaal) – Guddoomiyaha Gobolka Sool, Mr. Maxamuud Cali Saleebaan Ramaax, ayaa laga baafinayaa gobolkii uu madaxda u ahaa oo ay ugu dambaysay 30-kii Bishii August oo ahayd maalintii uu xilka kala wareegay Guddoomiyihii hore Mr. Mustafe Cabdi Ciise (Shiine) oo haatan ah Guddoomiyaha Gobolka Awdal. Guddoomiyaha gobolka Sool, oo aan maalin-na ka bixin dalka, ayaan muddo afar bilood ku dhow aan ka xaadirin shaqadiisii , isagoo jooga magaaladda Hargeysa, lama garanayo sababta uu xilkii madaxweynuhu u magacaabay u qaban waayay. Odayaal iyo waxgarad ka soo jeeda gobolka Sool, ayaa sheegay inaanu maamulka Gobolkaasi ku sii jiri karin Guddoomiye la’aan, waxaanay u soo jeediyeen madaxweynaha Somaliland inuu Guddoomiye cusub u soo magacaabo, “Gobollada kale Guddoomiyeyaashoodii ayaa ka shaqeynaya masiibadda abaaraha ka taagan dalka. Gobol walba badhasaabkiisii ayaa ordaya oo ay ku dabo-fayshan yihiin oo meel walba u ordaya. Annaga (Sool) badhasaab ayaa lagu soo magacaabay, waxaana noogu dambaysay maalintii xilka loo tiriyay, sidaas darteed, waa inaanu helnaa badhasaab. Haddii aanu Badhasaabku (Ramaax) aanu diyaar u ahaynna mid cusub ha naloo soo magacaabo, waayo waxaanu u baahan nahay maamul na hoggaamiya oo abaaraha iyo gurmadkooda nagala hawlgala, kuma jirayno badhasaab la’aan,”ayuu yidhi mid ka mid ah waxgaradka gobolka Sool oo 15-kii Bishii November, shir jaraa’id ku qabtay magaaladda Laascaanood. Geesta kalena, Guddoomiyaha Gobolka Maroodi-jeex , Maxamuud Ismaaciil Cilmi (Deeq), ayaa isagana lagu dhaliilay inaanu kaalintii laga doonayay ka qaadan hawsha gurmadka abaaraha ee deegaanno ka tirsan gobolkiisa oo ay abaarta ba’an ee dalka ka jirtaa saamaysay gaar ahaan degmooyinka Sallaxley, Cadaadley iyo Faro-weyne. Guddoomiyaha Gobolka Maroodi-jeex, Waxa kaloo lagu dhaliilay inaanu wax kormeerin isla markaana booqan deegaannada abaareysan ee gobolkiisa oo aanu xataa magacaabin guddidii gurmadka abaaraha ee heer gobol oo wax badan ka tari lahayd gurmadka dadka abaaruhu saameeyeen.
Source: Gudgudenews